marka malaa’igta loo sheegayo way ka horeeyeen abuurka waxa kaloo ka
horeeyay jinka ilaahay wuxu yidhi:
والجان خلقناه من قبل من نار سموم
Jinka waanu abuurnay kahor aadam dab baanu ka abuurnay .
Ibliisna ilaahay muxuu yidhi : (فسجدوه إلا إبليس كان من الجن) .
Mudadaas malaa’igta qoormaa la buuray ma hayno Laakin waxaa sugan oo
nabiga aan ka haynaa ilaahay malaa’igta waxa uu ka abuuray nuur ( iftiin )
jinkana wuxuu ka abuuray (من مارج من النار) Aadamna waxuu ka abuuray
dhoobadii laydiin sheegay hadaba malaa’igtu waxay ka horeeyeen aadam cibaado
ilaahay baa loo abuuray ilaahay baa u sheegayoo wuxu yidhi aadam baan abuurayaa
arlada khalif ka noqda su’aal bay keeneen marka : (أتجعل من يفسد فيها ويسفك الدماء)
Laba sfood oo aadanuhu leeyihiin bay sheegeenoo waxay dhaheen ma waxaad
ku abuuraysaa mid dhulka fasaadin doona
oo dhiig xaaraanana ku daadiya laba arin baa xalkaa marka la joogo baa
wax ka dhihisa,
-Su’aasha malaa’igtu ma yar diidmay ahayd mise xog raadin bay ahayd saa
miyuu noqon doonaa
Waxay A’imadu u badan yihiin malaa’igtu rabigood ma caasiyaan (لا يعصون الله ما أمرهم ويفعلون ما
يأمرون) Hadaba ka hor imaansho iyo diido ma noqon karto laakiin in
labadaa tilmaamood oo aadamuhu yeeshay keenaan maxay ku keeneen xagay kasoo
dheegteen culumadu laba aragtiba way leeyihiin qaar waxay leeyihiin si kale
kuma ogaan karaan lawxul maxfuudna ma daalacdaan malaa’ig ilaahay baa u sheegay
oo warkaasi gaadhsiiyay waxaana laga hadlaa marka masaa’ilu qadar laga hadlayo
waxa masaladaa aad uga hadlaya Abuu saciid
cusmaan ibnu saciid ----Addaarami labadiisan kitab ee naqdiga iyo Arraddu calal
jahmiya labadaba isaga iyo rag kale dariiqaasay maryaan.
-Qaar Culumada waxay marayaan waxa xalkaa laga gartay khalqi kalaa jiray
uun kalaa jiray ilaahay dhulkan ku abuuray sidaasay sameeyeen xogta hore ay
hayeen bay u waydiinayeen ilaahayoow makuwii hore aan naqanayoo kale ee intay
dhulka fasahaadiyeen dhiig daadiyeen aad baabi’isay kuwii oo kale miyuu noqon
doonaa Markaasaa xalkaa qisas badan oo qisaskii reer bani israa’iil ah oo
aadamahan waxa ka horeeyay laba qoom oo Al-Jinnu Wal-binnu la dhihi jiray oo
ibliis uu kamid ahaa oo dhulka ilaahay ku abuuray fasahaadiyay iyaguna is
laayay iyagoo dhanna la halaagay ninkana isagoo yar malaa’igtu ay qaaday oo kor
la geeyay sidaa uu malaa’igta ku dhex galay sheekadaa reer bani israa’iil waxay
soo galay (حدثوا
عن بني إسرائيل ولا حرج لا تصدقوه ولا تكذبوه) saasaa la yidhina waa la
dhihi karaa mana hubno lamana beenin karo runna lama odhan karo asaasku waxaa
weeye kitaabkoodi dhulka iyo taariikhda wax badan baa kaga qoraa Wax badan bay
ku ciyaareenoo bad-badaleen qaybtan qaybtay bad badaleen miyaa mise waa waxay
baaqi ka tahay wixii saxda ahaa ee ilaahay soo dajiyay Makala naqaan saa
darteed wax quraanku rumaynayo hadaan aragno iyo sunnaduna waxaan garanaynaa
inay waxyigii baaqi ka tahay wax ka hor imanaya hadaan aragnana waxan
garanaynaa inaw beenta ku daran yahay wixii quraan iyo sunana wax ka hor
imanaya beeninayana haynin waxaynu ku garano ma hayno nabigu wuxuu yidhi (لا تصدقوه ولا تكذبوه)
hadaad rumaysana been ay ku dareen inaa Rumaysaa laga yaabaa hadaa beenisana
waxyigii baaqi ka hadhay inaa beenisaa laga yaabaa hana rumaynina hana beenina
laakiin inaad ka sheekaysataan dee diinay khilaafsan tahayna ma jirto wax
cadayna ood ku rumaysaana maleh sheekada waa ku qurxin kartaan waa ku
dhamaystiri kartaan saas way dhici kartaa waa dhihi kartaa saasaa la sheegay
way dhici kartaa markaa waa dhici kartaa baynu leenahay khalqi hore oo dhulka
fasahaadiyay oo malaa’igtu ay usoo joogeen inay hubsanayaan oo rabi
waydiinayaan in aadam iyo ubadkiisu kuwii kale ay noqon doonaan iyo in kale
hadalka waa laga dheehan karaa marka nusuus badan oo kale la eego in haduuba
sidaa noqon karo in laykaba daayoabuurkiisa ay iyaga la quruxsanayd labo
labadaba waa laga dheehan karaa aayada qaybteeda dambe (ونحن نسبح بحمدك ونقدس لك )
Anagu waa kuu tasbiixsanaa wax xumaanoo dhana waa kaa hufnaa Munaasabada loo
keenayaa hadalkaa muxuu yahay ma kuwa saasaas abuuri doontaa adoomo anaga nala
mid ah oo cibaadada u go’a aan kugu caasiyayn baa ka haboon .
Axaadiista qaarkoodna marka cishe iyo maqrib dhexdood salad la tukadoo
salad la sugayo iyo marka carafe la taagan yahay baa ilaahay adoomadiisaa
malaa’igta ugu faanayaa bal daya adoomadaydi saas iyagoo ah bay ii yimaadeene
riwaayaadka qaarkood waxay leeyihiin qoladii aad saas dhihi jirteen aadam baa
loo keenayaaye wacalama aadamal asmaa’a baan u tagi doonaayo loo cadaynayaa
inuu mudan yahay in la abuuroo xikmo ay ku jirto markaa wax ku taagnaa inuu
jiro malaa’igta dhadhankaa waa laga dhadhamin karaa si kastaba ha noqotee aadam
ilaahay markuu abuurayay abuurkiisa quraanka meela badan baa siba mid dheer mid
gaaban midba munaasabad lagaga sheekeeyay Suuratu baqara,Al cimraan,Nisaa,Acraaf
Suuratu xijri ,Isra,Kahfi,Daaha,Saad .
Marka abuurkiisi iyo wixii laga abuuray baynu soo aruurinaynaa ilaahay
aadam waxa uu ka abuuray ciid (إِنَّ مَثَلَ عِيسَى عِنْدَ اللَّهِ
كَمَثَلِ آدَمَ خَلَقَهُ مِنْ تُرَابٍ) Ciid buu ilaahay ka abuuray .
(يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِن كُنتُمْ فِي
رَيْبٍ مِّنَ الْبَعْثِ فَإِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن تُرَابٍ)
Aadam baa loo jeedaa
(وهو الذي خلقكم من تراب ثم من نطفة) ta
hore waa aadam ta dambena waa dadka kale marka ciid baa laga abuuray laakiin
inaga ma ciid baa laynaga abuuray maya ciid baa laynaga abuuray macnaheedu
asalkeeni aadam baa laga abuuray kadib tarankeenu waxa laynaga abuurayaa من ماء مهين من نطفة) )
waaye
Markii laga reebo ciise calayhi salaam nabii aadam aabana ma lahayn
hooyana ma lahayn aadam ciidaasuu ilaahay ka abuuray laakiin inaga duriyadiisa
intii dambe sax maadaama aabaheen aadam uu xalkaas kasoo jeedo kuligiin ciid
baad ku abtirsanaysaan weeye laakiin inaga toos in laynooga abuuray maaha
kaligeed maaha marka jikaba (من
مارج من نار) baa asalkoodi laga abuuray laakin markii
dambe way is dhaleen say aadamuhuba isu dhaleen in dhamaantood dab laga wada
abuuray maaha markii dambe iyagaa is dhalay oo ilaahay soow ma dhihin : أفتخدونه وذريته aadamna caruur buu dhalay
ciid baa laynaga abuuray marka asalkeeni lagu saleeyo jinkana dab baa laga
abuuray marka asalkoodi lagu saleeyo masaladaa waxa aad looga hadlo marka la
yidhaahdo insi iyo jinni mays guursan karaan markaasay culumo diideen waxay
dhaheen insigan aadamaha iyo jin dab laga buuray ismaba qaban karaan kuwa
Kalena war dabku asalkoodi weeye inaguba dhoobo asalkeena saan u ahayn iyaguba
way is dhalaan dabkii mawad ahee iyo adilada keenen say isu badalaanyo ninkii
rabaa baabkaa caalamkaa inuu wax ka ogaadana iyo misaankaana kitaabka (كتاب المرجان في أحكام الجان للفقيه
المحدث الحنفي بدر الدين شبلي ) ha akhriyo kitaabkiisa waa madbuuc kitab
qiima badan weeye .
.png)
0 Comments