Subscribe Us

Header Ads

Axkaamta Gaalada ku Dhimata Su’aalo Lagu Waydiiyay Sh. Barbaraawi Q.2aad

 


Su’aasha 2aad :  Ma banaantahay in loo ogolaado ama loo suura galiyo in gaalada dhulka muslimiinta ku nooli inay muujiyaan waxyaabaha astaamo diineedka u ah iyo wax kasta oo diinta islaamka khilaafsan?

 

Jawaabteedu waa maya ma banaana waayo dhulka islaamka ee daaru islaamka ah waxa waajiba inay shacaa’iru al islaam ka muuqdaan waxyaabaha diinta islaamka astaan u ah shacaa’ir kaloo kasoo hor jeeda astaamo diineed oo kaloo kasoo hor jeeda inay ka muuqdaan maaha waayo waa kufri waa munkar waa wax daka muslimka ah dhibaya qofka muslimka ah ee daaru islaam jooga ee gaaladu maqashiiyaan ama tusaan wax diinta islaamka ka hor imanaya shaki kuma jiro inay dhibayso oo qalbigiisa xanuujinayso waana (_إستعلاء من الكفار عن المسلمين)   waa isa saraysiin ay kufaartu iska saraysiinayaan muslimiinta oo kanamaa iyagu muslimiinta inay ka sareeyaanba Markay muujisanayaan dhulkii muslimka iyagoo jooga sida daarteenan oo kale daaru islaam oo xataa gaalo aanay shuqul ku lahayn

Arintaa noocaasina ahlu cilmigu wax khilaafa oo ku jira may sheegin una malayn maayo qof muslim ahi inuu odhanayo waxa u banana inay muujistaan shirkiga iyo kufriga qawl ha noqdo ama ficil ha noqdo iyo waxyaabaha kalee astaan diineed iyaga u ah xadiiska odhanaya    

لا تكونوا فبلتان في بلد واحد

OO tarmadi uu wariyay  oo xadiis mursala ah markii uu sharaxayay saaxibu fatxi al- waduud  sida saaxibu cawni al macbuud uu soo naqliyay waxa uu yidhi markuu kawaramayay xadiiskaasi waxa uu tusinayo .

الطاهر أنه نفي بمعنى النهي والمراد نهي المؤمن عن الإقامة بأرض الكفر

 ونهي الحكام بأن يمكنو أهل الذمة بإظهار شعار الكفر

Waa diidmo loo diidayo dadka muslimiinta u taliya inay suurta galiyaan gaalada muslimiinta Ku hoos nool  ee dimiyiinta la yidhaahdo inay muujiyaan astaamaha kufufriga fii bilaad al muslimiin ka muujiyaan maaha meel ay iyagu la gaar yihiin

Fuqahada Madhabta hadaan eegnana kutubta fiqhiga ee madaahib al arbaca saasi ayaa ku qoran  Al-bayaan (البيان)  waa kitab kamida kutubta shaaficiyada camraani baa leh wuxuu leeyahay :

ويمنعون من إطهار شرب الخمر وأكل الخنازير وبيعها وضرب الناقوس والجهر بالتورات والإنجيل

وإطهار عبادة السليب ,وإطهار أعيادهم ورفع الصوت على موتاهم

Inay muujiyaan khamriga cabitaankiisa iyo cunitaanka doofaarka iyo inay iibintiisa muujiyaan iyo inay naaquuska garaacaan oo ah waxa ay salaadooda isugu yeedhanayaan oo kaniisadahooda qadiimka ah xataa ee dhulka ay iyagu hore ugu lahaan jireen ee muslimiintu ay ugu yimaadeen xataa dabada ugama saari karaan

Xataa gudaheedana kama muujun karaan siday qabaan fuqahada qaarkood muctamadkana ka ah shaaficiyada agooda tawraad iyo injiil inay akhriyaan oo si la maqlayo u akhriyaan waa in loo diido ciidahooda inay muujiyaan waa in loo diido

Kiwooda dhintay markay aasayaan wax akhriyayaan inay kor u qaadaan oo muslimiinta maqashiiyaan iyadana waa in loo diido Maxaa lagu diidayaa waa wax sharciga ilaahay khilaafsan waa shicaar kufri waa fisqi muslimiinta dhibaya waa wax isticlaa tusaya -isa saraysiin-tusinya waa wixii cumar ibnu khadaab kula heshiiyay inaysan muujin.

Kitaabka asalal madaalib isagana saas oo kale waxa ku qoran

ويمنعون من إطهار الخمر والناقوس والخنزير وأعيادهم وقراءة كتبهم لما فيه من إطهار شعار الكفر

ومن إطهار دفن موتاهم والنوح واللطم

Waxa loo diidayaa inay muujiyaan khamriga, doofaarka, naaquuska, ciidahooda iyo akhrinta kutubtooda waxa ku jira oo muujinta astaamha gaalada dartood  waxa loo diidaya muujinta aasitaanka kuwooda dhintay iyo baroorta ay u barooranayaan  waxa lamida kutubta kale ee shuruuxda minhaajka sida:

Tuxfatu minhaajka ibnu xajar,Muqnii al muxtaajka,najmu al-wahaajka iyo kutubta lamidka ah oo wuxuu yidhi saaxibu nadmi al-wahaaj:

ويمنع من إسماع المسلمين شركا وقوله في عزير ومسيح وإطهار الخمر وناقوس وعيد هذا هو

الواجب الخامس عليهم

 Gaalka muslimiinta ku dhex nool waxa loo diiidayaa inaw maqashiisiiyo shirki iyo waxa uu ka qabo cusayr iyo masiix oo ah waa ilaahay iyo waxii lamida oo kufri ah

Waa loo diidayaa waa waajibka shanaaad ee nimankaasi saran hadii lagula heshiiyay markii hore iyo hadaan lagula heshiin midna loo ogolaan maayo waayo waa wax marka horeba xaaraana oo muujintiisa cidnaba aan laga ogolayn muslim iyo gaal midnaba aan laga ogolayn xanafiyada laftoodu saas ayay sameeyaan oo

(بدائع الصنائع) waxaa ku qoran,

ولن يمكنون في إطهار سليبهم في أعيادهم لأنه إطهار شعار الكفر فلا يمكنون من ذلك في أمصار المسلمين ولو فعلوا في ذلك في كنائسهم لم يتعرضوا لهم وكان لو ضربو الناقوس في جوف كنائسهم القديمة لم يتعرض في ذلك لأن إطهار الشعائر لم يتحقق فإن ضربو فيه الخارج منها  لم يمكن لهم لما فيه من إطهار الشعائر

Loo uura galin maayo inay mucatabkooda muujiyaan waayo waa muujin la muujinayo astaamihii gaalnimada dhulka ay dadka muslimiinta ahi dagan yihiin loo suurta galin maayo Haday si qarsoon u muujistaan oo kaniisadahooda dhexdeeda ku muujistaan saliibka taas loo diidi maayo Waayo waxa la diidan yahay waa waxan xumi inuu dhulkii islaamka ka muuqdo markay hoos u sameeyeena wax muuqday maaha hadii ay meel dibada ah ula soo baxaan oo ku qaraacaan naaquuska loo suura galin maayo waayo waxa ku sugan muujinta astaamaha kufriga.

(حاشية العدوي) Isna kutubta maalikiyada ayaw kamid yahay

-su’aal baa lasoo dhigay ku saabsan gaalada ahlu dimaha ee dhulka muslimiinta ay ka dhex muuqatoo inay dadka muslimiinta iska saraysiinayaan Maxaa arintaa kala gudboon madaxda muslimiinta ?

Wuxuu yidhi sheekhu ilaahay haw naxariistee:

يجب على من بسط الله يده بالحكم وولاة أمر المسلمين وأهل الذمة أن يمنعهم من كل ما ذكر

إذ فيه تعظيم لأعداء الله تعالى ورسوله والمسلمين وإطهار لشوكتهم وتقويتهم على المسلمين

وأن يلزمهم بإطهار كل ما مذلة لهم من اللبس الذي يتميزون عن المسلمين وإخفاء أفراحهم وجنائزهم

وعقائدهم وسائر أمور دينهم واجره في ذلك على الله تعالى

 Waxaa waajib ku ah cida ilaahay xukumka gacanta u galiyay iyo madaxda muslimiinta iyo madaxda ahlu dimahba inay waxaasoo dhan ay u diidaan waayo wayneen baa ku jirta cadawgii ilaahay iyo rasuulka la waynaynayo iyo muslimiinta Hadii ay waxaa muujistaan dhul muslim ka muujistaan xoogoodi baa muuqanaya oo inay meeshaa awood ku leeyihiin kufrigooda iyo shirkigooda ay muujisan karaan ayaa muuqanaysa waxa kaloo waajiba inaw korka kasaaro oo ku waajibiyo wax kasta oo ay ku duloobayaan oo muslimiintana ay kaga soocmayaan Waxa kaloo waajib ku ah inaw Amro qofka dhukaa muslimiinta madaxda ku ah inaw ku ilsaamiyo oo amro ina ay  qariyaan farxadahooda janaasooyinkooda iyo caqiidooyinkooda Iyo arimahooda diineed oo dhanba Arintaa ajarkeedana ilaahay ayuu ka heli doonaa.

Saas oo kale fuqahada xanaabiladu kutubtooda saas ayay ku dhigeen oo (كشاف القناع ) oo kale waxa uu odhanayaa :

ويمنعون من إطهار منكر كإطهار المحارم ومن إطهار ضرب ناقوس ورفع صوتهم بكتابهم

أو صوتهم على ميت وإطهار عيد  وسليب

Wax ilaahay sharcigiisa khilaafsan inay muujistaan waa loo diidayaa sida inay Muujistaan guursashada ninku aw maxramkiisa guursanayo Inay muujistaan garaaca ay garaaca naquuska ee ay salaadooda iusgu yeedhanayaan iyo kitaabkooda inay kor u akhriyaan ama dhawaaqa ay ka dul dhawaaqayaan mid iyaga kamid ah oo dhintay Ciid iyo mucatab inay muujiyaan waayo waxa uu leeyahay shuruudii uu cumar la galay ayay sidaasi ku jirtay.

Waxa lamida sidaasoo kale madaalibu uli-Al-nuhaa iyo muntahaa Al -iraadaat kutubtaas oo dhan saas ayaa ku qoran Muntahaa al-iraadaat waxa uu odhanayaa:

ويمنعون من إطهار منكر كإطهار محارم وإطهار عيد,وإطهار سليب ,وإطهار شرب من نهار رمضان

وإطهار خمر وخنزيرلأنه يؤذينا

Xataa maalinka ramadaan la odhan maayo iyagu soonkan dee ma aaaminsana inuu waajib ku yahay ee hayska oo hayska muujistaan ee ha la daayo haday cunayaan xaarantay cunayaan  guryahooda haku cunaan laakiin xaaran bay cunayaanoo odhan mayno way u banana tahay  bay u tahay wax xaaraan ka ah inay muujistaana waa xaaraan kale  oo laga ogolaan maayo cilalkaynu sheegaynay Ama sababihii aynu sheegaynay mid kamida buu sheegay wuxuu yidhi way na dhibaysaa oo waxaynu sheegnay astaamihii kufriga in arintaa loo diiday inay dadka muslimka dhibayso inay awoodooda iyo iska saraysiinta ay iska saraysiinayaan dadka muslimiinta ah markaa  masaladaa xukumkeedu waa sidaa ta dhacdayna waa sidaas oo gubista la gubay waxay ahayd gubis ay diintooda kamida oo xataa maal ay ku bixinayaan oo laga hor istaagi Karin oo hadii laga hor istaago ay u ooyayaan oo u arkaan maydkooda inay anfacayso wayna muujisteen oo meel iyaga u qarsoon kumaysamayn ee dhulkaa dadka muslimiinta ahi dagan yihiin ayay ku sameeyeen. والله أعلم  

 

Su’aasha 3aad:  Miyay u banana tahay qofka muslimka ah inaw xaadiro ama goob jog ka ahaado Meesha ay buudiyiinta iyo majuustu ku gubayaan maydkooda? Sidoo kale inaw ku kaalmeeyo miyay u banana tahay qofka muslimka ah ?

 

Waa mid kamida masaa’ishii sadexda ahayd ee aynu nidhi dhacdada dhacday waxay ahayd in diirada la saaro oo xukumka ay leedahay la muujiyo qadiyada ku saabsan kaafirka mala gubi karaa cuquuba ahaan ama ihaano ahaan markaa dabadeed haloo yimaado laakiin masaa’ishan bay ahayd marka hore in laga hadlo

Oo ay noqoto maa’isha maxaliu nisaaca ee taxliilkeedu uu yahay ka waajibka ah waxaynu leenahay oo hore u sheegnay gubista ay gubayaan buudiyiinta iyo majuusta iyo hunduusku kuwaasi  inay tahay arin diintooda kamida oo hadaynu tusaale kabixino salaada aynu inagu ku tukano maydkeena waa salad aynu dambi dhaaf iyo ajar iyo darajo ilaahay ugaga rajaynaa Iyana tanay maydkooda  ku waynayaan oo u arkaan wax u fiican oo darajo u uku helayo mar haday saas tahayna qof kasta oo muslimi waw fahmi karaa waxa noocaasa in lagala qayb qaataa inaanay banaanayn oo kufaarta salaadoooda malal tukan karaa nasaarada iyo yuhuuda iyo majuusta qof muslimi mala tukan karaa qof kastaa oo muslimi waa garanayaa maalmaha ay iyagu soomaan ee in la soomaa diintooda ay kamid tahay muwaafaqo ahaan maw soomi karaa  jawaabtu waa maya adkaaraha ay akhristaan qofka muslimka ahi mala akhrisan karaa jawaabtu waa maya waayo waxani waa wax aanu ilaahay ogolaynba oo xun isla markaana ilaahay intay ku iftiroodeen ay diin ku sheegayaan side buu qof muslimi markaa ugala qayb qaadan karaa kumana kaalmayn karo qofka muslimka ahi waayo waxa ilaahay kitaabkiisa ku diiday wax dambiya oo sharciga ilaahay khilaafsan cidnaba in lagu kaalmeeyo ilaahay subaxaanahuu watacaalaa waxa uu yidhi :

وتعاونوا على البر والتقوى ولا تعاونوا على الإثم والعدوان

Qofka muslimka ahina waxyaabaha xaaraanta ah ee xun ee ay gaaladu walaaqanayaan ma baashiri karo iyo inuu isagu sabab u noqdo oo kaaliye uu ka ahaadaana mid u banana maaha culumada islaamkuna saas ayay fatwoodeen tusaale ahaan waxa la waydiiyay (اللجنة الدائمة للإفتاء) .

-Qofka muslimka ah maw banantahay xaflada ay ku dambasaynayaan macnaa ay ku gubayaan inaw ka qayb galo hadii loogu yeedho maka qayb gali karaa?

لا يجوز للمسلم أن يحضر حفلة ترميد موتى البوذيين سواء دعي إليها أم لم يدع إليها؛ لما في ذلك من مشاركتهم في شعارهم المنكر، وإدخال السرور عليهم، وإظهار الرضا بصنيعهم

Inaw kala qayb qaataa ma banaana in loogu yeedho iyo inaan loogu yeedhina waa isku mid oo marna uma banaana waayo arintaa waxa ku jirta kala qayb qaadasho uu kala qayb qaatay astaantaa ay iyagu leeyihiin ee ilaahay sharcigiisana khilaafsan waxa kaloo ku jirta in laga farxinayo wuu farxayaa markaad kala qayb gasho ee aad tagto xalka ay ku gabayeen maydkooda waxa ku jira qofka samayay muujin uu mujinayo waxaa ay samaynayaan inaw raali ku yahay

-Waxa kale oo la waydiiyay mushaarako kale makaga qayb qaadan karaa qofka muslimka ahi ? sida

( أ ) الحضور عند حرق الجثى

--inaw xaadiro markay gubayaan

(ب) التبرع لمثل هذه الحفلات في حالة عدم الحضور

-Inaanu isagu Meesha tagin lkn uu lacag ugu tabaruco.sida shidaalka ama xaabadii ama gaadhi.ama lacag siiyo

 تقديم الأزهار السوداء لأهل الميت(جz(

-Ubaxyo mad-madawin loo dhiibo dadkaa uu maydku ka dhintay

( د ) تعليق شارة سوداء على الذراع أو وضع رباط أسود في العنق.

4.In jeex maraa oo madaw dhudhunka lagu xidho ama qoorta

زيارة أهل الميت في بيته وتقديم العزاء لهم ( هz )

-In la booqdo cida maydku ka dhintay oo loo tacsiyeeyo

 

Waxay ku jawaabeen intaa midna lama samayn karo ficilkeeduna waa xaaraan waayo oo loo diida (لما في ذلك من مشاركة الكفرة) waayo gaalada ayaa lala wadaagayaa wax xun oo ay diin ka dhiganayaan (وإعانتهم على ما لا يجوز في الإسلام) waxaana lagu caawinayaa waxaanan ku banaanayn diinta  islaamka waxaasoo dhami wax diinta islaamka ku banana maaha waxa kale oo ay yidhaahdaan ahlul cilmigu iyagoo tilmaamaya qofka kala qayb qaataa inuu dambaabay waajibna ay tahay inuu ilaahay u toobad keeno .

الأصل في الكافر إذا مات أن يُواريه أقاربه في حفرة حتى لا يتأذَّى به الناس، ولا يُغسَّلُ، ولا يُكفَّن، ولا يُصلَّى عليه، ومَن فَعَلَ غيرَ ذلك أو اشتركَ مع الكُفَّار في عاداتهم فعليه أن يتوب ويستغفر الله،

 لعلَّ الله أن يتوب عليه

Gaalka dhintay waxa asala inay aqaaribtiisu ku aasaan god si aanay dadka uga soo gaadhin dhib lama maydhayo lama kafnayo lagu tukan maayo waa sida ay qabaan madhabka xanaabiladu laakiin madhabka shaaficiyadu waxay qabaan waa la maydhi karaa qofka taa midaan ahayn Sameeya oo isagu maydkii guba tusaale ahaan ama gaaladii kala qayb qaata waxa waajib ku ah inaw toobad keeno ilaahayna dambi dhaaf waydiisto waxa la rajaynayaa in ilaahay subxaanahuu watacaalaa uu u dambi dhaafo

(إعانة الطالبين) waa kitab kamida fiqiga shaaficiyada waxay ka hadleen masalada ku saabsan gaaladu inay yihiin mukhaadabuun-kuwa lagula hadlayo-furuucda shareecada waana sida ay jamaahiiru culamaa ku tageen adiladuna ku tusinayso oo gaalak waxa xaaraan ka ah waxa muslimka xaaraan ka ah waxana waajib ku ah wax kasta oo muslimka waajib ku ah maka ansaxayaa mise ka ansixi maayo waa maso kale isagaa laga rabaa wixii uu kaga ansixi lahaa oo iimaankii ah inuu la yimaado masaladaa markay ka hadlayeen waxa ay yidhaahdeen:

وإذا كان الكفار مخاطبين بذلك فيحرم عليهم ما ذكر - من تطييب الصنم، وأكل الحيوان من غير ذبح - ولا يجوز لنا إعانتهم على ذلك ببيع ما ذكر عليهم.

Mar haday yihiin kuwo lagula khidaabay furuucu shariica waxa xaaraam ka ah waxan la sheegay

Sanam inay udug mariyaan,Ama inay cunaan xayawaan iyagoon gawracin inaguna hadaynu muslimiinta nahay inooma banaana waxyaabahaa la sheegay inaynu ku caawino oo macnaa ka iibino waxad ogtahay ninkan cadarka inaw sanamka marinaayo oo ku udgooneeyo inaad ka iibisaa kuuma banaana waayo icaano ayay noqonaysaa ilaahayna waxaw yidhi (ولا تعاونوا بإثم والعدوان) .

Waxaas ogatahay neefka adhiga ah gaalkaa kuleh iga iibi isagoo nool inuu cunayo inaad ka iibisaa kuuma banaana waayo waxaa xun ee uu samaynayo ayaad ku caawisay ma odhan kartid maxaa iga galay isagu marka horeba waa gaale haa waa gaal laakiin xayawaankii oo nool inuu cunaa siday adiga xaaraan kaaga tahay bay isaga xaaraan uga tahay wax xaaraan kaa ah inaa ku caawisaana mid banana ma aha .markaa masaladaasna saas ayaa uu xukumkeeda noqonayaa waana masala muhim ay ahayd in dadku ay aad ugu  baraarugaan marka masaladaasi laga hadlayo .  والله أعلم

 

Su’aasha 4aad: Hadalkaaga sheikh waxa ku jiray in qofka dhintay la gubaa inaanay banaanayn inaad u daliishatay aayada ولقد كرمنا بني آدم)) aayadaasi side bay u tusinaysaa qofka dhintay in la gubo sidoo kale yaa kaaga horeeyay oo culumada islaamka kamid ah oo qaabkan aayada u fahmay ama masaladan sidan u daliishaday? Se hadii la yidhaahdo qofkii gaalka ahaa lama gubayo oo karaamuu leeyahay miyaanay ka dhalanayn gaalkii in la maamuusayo oo la karaamaynayo iyada oo aynu ognahay in diinteenu tilmaamtay in dariiqa lagu cidhiidhyo oo xataa majliskii iyo meeshii la fadhiyay aan looga kicin miyaanay ka dhalanayn karaamayn la karaameeyay gaalkii hadi ay tahay sidaa aad tilmaamtay?

Waa jirtaa aayadaasi inaan daliishaday kolay khudbad bay ahayd khudbaduna ma xamili karto in hadalada ahlu cilmiga aad loo soo naqilo loo soo raro faah faahin badana in la galo laakiin hadaan leeyahay aayadaasi waxay daliil u tahay qof bani aadama in la gubaa inaanay banaanayn xaqna waa laygu leeyahay in lay yidhaahdo side bay daliil ugu tahay iyo hadii aniga lay aamini waayo in la yidhaahdo yaa kaaga horeeyay daliishiga noocaasa yaa kaaga horeeyay waxa aan leeyahay ina aanan baytu qasiidka ama xalka jawaabta aan u socdo aanan abaarin fuqahaa’u islaam waxay aayadan u daliishadeen masaa’il la odhan karo aad bay uga fudud yihiin masalada ku saabsan gubitaanka qofka bani aadamka ah hadad aayadan ka baadho kutubta fiqiga ee shaaficiyada, xanaabilada iyo qayrkoodba waad ka helaysaa abwaabu dahaara iyo abwab kaleba iyagoo aayadan daliishanaya ayaad helaysaa xalka aayada laga daliishanayaa waxaa weeye saw ilaahay ma odhan (ولقد كرمنا بني آدم) ibna aadamka waa karaamaynay oo waa maamauusnay dalaalatu iltisaam baa ku jirta oo takriimka iyo maamuusitaankaas ah waxaa kamida markuu dhinto inaan la gubin ama aan banaanka lagaga dhaqaaqine la aaso  هذا من التكريم  yaa sidaa yidhi waan sheegi doonaa cida sidaa tiri Takriimka aayadani sheegayso waxa kamida in la aaso oo aan la gubin markuu dhinto bahalahana aan loo dhigin cidlana aan lagaga dhaqaaqin masaa’isha ay culumadu aayadan u daliishteen waxa kamida tusaale hadaan soo qaadano Fuqahada shaaficiyada oo iimaamu shaaficiba u horeeyo maydku gaal iyo muslim kuu doonayo ha ahaadee inuu daahir yahay oo xalakay ka tusinaysaa aayadaasi (ولقد كرمنا بني آدم) xalkay kaga jirtaa maydku inyy daahir yahay meelay kaga jirto oo cad miyaad aragtaa waa dalaaltu iltisaam culumadu waxay leeyihiin ilaahay bani aadamkii uu karaameeyay takriimka waxa kamida inuu daahir yahay Ha noolaado ama maydba aha noqdee oo karaamadee baad u reebtay qofka aad tiri gabigiisuba waa najaas ha noolaado ama maydba ha noqdee maawardi xaawiga waxa uu ku yidhi:

وذهب أبو إسحاق المروزي وسائر أصحابنا : إلى طهارة الميت كطهارة الحي

وهو ظاهر نص الشافعي في كتاب الأم استدلالا بقوله تعالى: ولقد كرمنا بني آدم

لما طهروا أحياء لأجل الكرامة ، وجب أن يخصوا بها أمواتا لأجل الكرامة 

Abu isxaaq iyo asxaabtayada kale waxay ku tageen maydku inuu daahir yahay sida ka nooli daahir u yahay waana hadalka shaafici sida daahirka ka ah sida umka ku yaala  waxayna u daliishadeen maydku inuu daahir yahay aayadaa (ولقد كرمنا بني آدم)

Xalakay daliil uga tahay waxa weeye mar hadii markii ay noolaayeen la yidhi waa daahir karaamayn darteed markay dhintaana karaamadii awgeed baa loo odhanayaa najaas maaha                khadiibku kitaabka muqniga markuu minhaajka sharraxayo wuxuu tasriixiyaya -cadeeyay-gaalku markuu dhinto xitaa inuu daahir yahay wana sida manhajku qabo oo cayntiisu waa najaaso aan la odhanayn aayadanaanuu daliishaday

أما الآدمي فإنه لا ينجس بالموت على الأظهر لقوله تعالى { ولقد كرمنا بني آدم }

أن لا يحكم بنجاسته بالموت وسواء المسلم وغيره وقضية التكريم

Karaamayntaa ilaahay karaameeyay waxay dalbaysaa oo keensanaysaa waxa weeye inaan dhimashadiisa laga dhalin inuu najaasoobay muslimka iyo ka Kalena waa isku mid kadibna waxa uu ka jawaabayaa ( إنما المشركون نجس) oo najaas ictiqaadiya in loo jeedo ayuu sheegayaa   

 sharxu al-kabiir sidaa ayaa ku qoran nihaayatu al-muxtaaj sidaa ayaa ku qoran xaashiyatu icaanatu daalibiin sidaas ayaa ku qoran

oo aayadan waxa uu u dakiishaday caanaha bani aadamku inay daahir yhiin xagase ka tusinayaan ? Mar hadii la karaameeyay ibna aadamkii wixii u uku koraayay oo ku kobcaayay in la yidhaahdo waa nijaas karaamayntaas ayay ka hor imanaysaa oo aayadu wixii ay tilmaamaysay waxaan ahayn weeye

وقوله: إلا الآدمي أي فلبنه طاهر ولو من صغير ذكر ميت، لقوله تعالى: * (ولقد كرمنا بني آدم) * ولا يليق بكرامته أن يكون منشؤه نجسا، ولأنه أولى بالطهارة من المني

 Caanaha bani aadamku waa daahir haba lag aliso hadii la rabee mid yar oo laba oo maydaba Karaamadaa ilaahay u uku sheegay ma haboona in la yidhaahdo wixii u uku kobcaayay baa najaasaba xalkaana waxa uu tilmaamay oo iyaduna muqarara oo aayadani u daliishadaan fuhada shaaficiyadu manidu inanay najaas ahayn waxay leeyihiin bani aadamka ilaahay baa karaameeyay wixuu ilaahay karaameeyayna sidee baa loo odhan karaa wixii laga abuuray baa najaasa

Waaka yidhi Qaadi xusayn kitaabkiisa Atacliiqa :

وإنما خص إبن آدم بطهارة منيه كرامة له لقوله تعالى ( ولقد كرمنا بني آدم)

Qolada xanaabiladuna saas ayay sheegeen oo kutubtooda ku taala waxyaabaha aadka u muhumka ah wax kamida kitaabka Madaalibu ulii Al-nuhaa (مطالب أولي النهى ) Iyo kutubta kale ee xanaabiladaba waxa ku qoran daliishiga ay aayadan u daliishadeen bani aadamka dhintay daahirba ha ahaadee inaan haraga lagala bixi Karin timihiisana inaan laga dhigan Karin dun maryaha iyo waxaa lagu tosho adugu soo maad odhan karaamo malaha gaalku waxaadna qabtaa oo madhabkaagu yahay inuu daahir yahay maydkiisu maxaa marka inoo diidaya inaynu hargaha kala baxno oo guryaha ku dhisano hargaha gaalada oo gogol ka dhigano timahooda oo kale inaan ka xiirano oo oo dabadeedna maryahayo ku tolano ileen waa wax daahiree karaamana malaha baad tiri diiday in sidaa loo galee Wuxuu yidhi :

ولا يجوز دبغ جلد آدمي ولا الخرز بشعره ولو قلنا إنه طاهر حيا وميتا ف لا يجوز الانتفاع بشيء من أجزائه بل يحرم ذلك لحرمته مسلما كان أو كافرا لقوله تعالى ولقد كرمنا بني آدم وكره

Qof bani aadama haragiisa in la magdiyaa ma banaana timihiisana in wax lagu toshaa ma banaana xataa hadaynu dhahno waa daahir hadaw nool yahay iyo haduu dhintayba wax qaybihiisa kamida bani aadamka laguma intifaaci karo waayo xuramdiisa darteed yaa kugu yidhi gaalku xurmo malaha oo karaamo malaha muslim ha ahaado ama gaal waxana u daliila hadalki ilaahay (ولقد كرمنا بني آدم وكره) Karaamada ilaahay bani aadamka uu siiyay inay keensanayo inaan la gubine in la aaso de Kuwana diido waxa dhahdaa xagee dahaaro iyo haraga inaan lagala bixi Karin kaga taalaa oo xalkaa aad mariso.

Banii aadamka waa arin labaade ama waa jawaabtii la rabaybee aayadan iyo aayad kalaynu isla akhrinay ((ولقد كرمنا بني آدم وكره))  waxaynu u daliishaynay takriimkaa inay kamid tahay markuu dhinto in la aaso yaa sidaa yidhi ahlul cilmi min ahi tafsiir wal fiqhi iyo qayrkood baa sidaa yidhi aayada quraanka aha (ثم أماته فأقبره)  Bal kurubu tafsiir ka eeg markay fasirayaan ilaahay bani aadamkii markuu nafta ka qabtay wuxuu amray in la la aaso waa loogu mana sheegtay somaha oo maxaa loo aasayaa de waxay mufasiriintii iyo ahlu fiqigii yidhaahdeen waxa loo aasayaa karaamayn la karaamaynayo aayaduna dee sida cad gaal bay ka hadlaysaa ibnu jariir addabari hadaa eegto saas ayaa ku qoran tafsiirkiisa

يعني بقوله: ( أَقْبَرَهُ ) صيره ذا قبر، والقابر: هو الدافن الميت بيده

 

(قبر) Gacantuu ula tagay waa aasay

(أقبره)  Wuxuu amray in la aaso.

Qurdubi isagu waxa uu odhanayaa :

ثم أماته فأقبره أي جعل له قبرا يوارى فيه إكراما ، ولم يجعله مما يلقى على وجه الأرض تأكله الطير والعوافي

Wuxuu u yeelay ilaahay qabri lagu aaso muxuu ugu yeelay karaamayn darteed kamuu dhigin bani aadamka sida xoolaha bakhtigooda meelahaa lagu tuuro oo ay cunaan shimbiraha iyo dugaagu.

 

Baqawi isna saas oo kale ayuu yidhi sicdi isna wuxuu yidhi :

{ ثُمَّ أَمَاتَهُ فَأَقْبَرَهُ } أي: أكرمه بالدفن، ولم يجعله كسائر الحيوانات التي تكون جيفها على وجه الأرض

 Wuxuu ilaahay ku ikraamay aasitaan kamana dhigin sida xayawaanada kale ee bakhtigooda banaanka lagu tuuro.

Ibnu cadiya wuxuu yidhi  sidaasoo kale baxrul muxiidka :

( ثم أماته فأقبره   ) أي جعل له قبرا صيانة لجسده أن يأكله الطير والسباع . قبره : دفنه

Ibnu cabaas waxa uu yidhi ilaahay haka raali noqdee oo ahlul cilmigu ahlul cilmi bitafsiir ay kasoo naqliyeen wuxuu tidhi :  (أمر بدفنه تكريما له)ز

Markaa takriimkan ay aayadu tilmaamtay aasitaankisa ayaa kamida

Al-khaasin oo kale isagu waxa uu yidhi  sidaasoo kale ibnu caashuur

ثم أماته فأقبره: جعل الله قبرا لئلا تفترسه الطباع والطيور ولئلا يفتطح

ثم أماته فأقبره: أي جعل له قبراً يوارى فيه... وهذه تكرمة لبني آدم على سائر الحيوانات

Al-nasafi waxa uu yidhi :

جعله ذا قبر يواري فيه لا كالبهائم كرامة له قبر الميت دفنه وأقبر الميت أمره بأن يقبره ومكنه منه

Qabri buu u yeelay lagu aaso mayeedhaanka oo kale kalamuu mid dhigin karamyn la karaamaynayo.(isagaa gacanta ula tagay oo aasay ,bani aadamkii kale ayuu amray inay aasaan waana u suurta galiyay ilaahay subxaanahuu watacaalaa .

(البيان للعمراني) oo kutubta shaaficiyada kamid ah wuxuu yidhi:

دفن الميت فرض على الكفاية لقوله تعالى ثم أماته فأقبره قال إبن عباس أكرمه

 ولأنه إذا ترك تأذى الناس برائحته

.Maydka in la aasaa waa fardu kifaaya waynu sheegi doonaa shaaficiyadu waxay ka qabaan maydka aasitaankiisa iyo tafaasiisha ay ku leeyihiin yacni aaskaas ayuu ilaahay ku karaameeyey Hadii laga tago dadku urtiisa way ku dhibaatoonayaan

Iyo ahlu cilmi kale oo fara badan oo lama dhamayn karo ahlu cilmiga yidhi maydku gaalba ha ahaadeene karaamayn baa lloo aasayaa ee xayawaaankuu kaga duwan yahay ee aayadahana saas u daliishaday wax la dhamayn karayo maaha .

Aayadan maydka in la gubaa inay xaaraan tahay ahlu cilmiga qaarkood si gaaray ugu daliishteen waxa kamida muftigii waynaa ee caalimka ahaa mujtahidka ahaa maxamed ibnu ibraahiim aayado badan buu soo dareeriyay wuxu  u horaysiiyayba:

ولقد كرمنا بني آدم , ألم نجعل الأرض كفاتا , أحيأ وأمواتا . ثم أماته فأقبره , فبعث الله غرابا يبحث في الأرض ليريه كيف يواري سوءة أخيه .

فقال : فدلت هذه الآيات الكريمات على عظم منة الله ورحمته وستره لإبن آدم وأنه أكرمه بالدفن

وستر عورته وسوءته ولم يجعله مثل ميتة غيره من الحيوانات التي إذا مات طرحت على وجه الأرض

كسائر الجيف تأكلها الطيور وتنهشها السباع وتسفي عليها الرياح فله الحمد والشكر على ذلك

ونبشه من قبره وإخراجه منه مخالف لهذا كله  

Aayaadkani waxay tusiyeen minada wayn ee ilaahay ibna aadamka u galay iyo siduu ugu naxariistay iyo siduu u asturay Iyo inuu ku maamuusay in la aaso cawradiisana la asturo Kalamuu mid dhigin noolayaasha kale maydkooda Waa qadiyada nabshigu u daliishtay -soo faagida- meel Kalena ixraaquu u daliishtay.

Waxaa lamida shanqiidi markuu saadka sharaxayo wuxuu yidhi :

ويشرع قبر الموتى سواء كانوا كفاراً أو كانوا مسلمين، فلو أن كافراً مات فإنه يشرع أن يقبر، ولا يجوز أن تترك جثته هكذا؛ لأن الله كرم بني آدم فقال سبحانه وتعالى: وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ وهذا يسميه العلماء التكريم العام الذي يشمل المسلم والكافر، فمن إكرام الله للآدمي أنه إذا مات فإنه يقبر وتحفظ عورته، بخلاف البهائم والوحوش والسباع وغيرها، فإنها تنبذ بالعراء، ومن هنا قالوا: إنه يقبر ولو كان كافراً، لكنه لا يقبر على صفة المسلم، بمعنى: أنه لا يلحد ولا يشق، وإنما يوارى، فتحفر له الحفرة ثم تواريه دون أن تراعي في ذلك شقاً ولا لحداً؛ لأنه لا كرامة له

Waxa la sharciyeeyay dadka dhintay in la aaso gaalo iyo muslim kay doonayaan ha ahaadaane hadii gaal dhinto wax sharcitya in la aaso mana banaana in maydkiisa banaanada lagaga tago waayo ilaahay baa karaameeyay bani aadamka waxay yidhaahdeen waa la aasayaa laakiin sida muslimka loo aasi maayo oo maamuus dheeraada buu muslimku leeyahay iil iyo qabaal jeex waxaa loo samayn maayee god baa loo qodayaa waa lagu ridayaa kadib cidd baa lagu dam siinayaa oo lagu asturayaa waayo karaamo malahan xaga horena maxaw ku yidhi (فمن إكرام الله للآدمي)

Waa masalada aad moodo inay dad badan ka ishkaal gashay su’aashana ku jirtay waaba gaale ikraamka uu leeyahay waa maxay ikraamku waa laba nooc:

1.Ikraam caam ah oo qofku u uku helo bani aadamnimada

2.Ikraam khaasa oo u uku helo muslimnimada

Haddii marka masalo laga hadlayo la yidhaahdo gaalka karaamadiisu waxay keensanaysaa in la aaso de taa micnaheedu maaha maamuus kasta iyo takriim kasta oo muslimku uu leeyahay in la leeyahay gaalkanina waa uu leeyahay waxa loo yaqaano takriimku (بنسبة لكل واحد على حسبه) qof kasta takriim intuu ka leeyahay waa in isaga u qalanta oo u dhiganta oo gaalku takriimka in buu ka leeyahay isaga u dhiganta oo u qalanta intaa maxaa kamida sida ahlu cilmigu sheegeen in la aaso oo aan la gubin ama dugaaga banaanka aan loo dhigi ayaa kamid ah aaska laftiisana takriimka uu muslimku lahaa dhamaantii gaalku mawada laha oo lama odhanayo waa in la maydho oo sidii muslimka loo kafmo oo iil loo duwo ama qabaal jeex loo sameeyo oo si fiican loo dhigo maya saa lama odhanayo aaska gaalku waa in god lagu ridoo la qariyo siduu nabigu ku sameeyay gaaladii badar lagu laayay ee u uku guray ceelka goofka ah kadibna ciida lagu rogay lama odhan karo waxa ka dhalanaysa inaynu gaalka si walba u maamuusno oo waayo inagu markuu horeba maynu odhan gaalku wuxuu mutaystay in loo maamuuso maamuus sii daysan ama sida muslimka loo maaamuuso qadiyad mucayana -gaara- baynu ka hadlaynay sideedaba oo ku saabsan aasitaanka gaalka ee ilaahay jideeyay inay kamid tahay in la aaso marka inaguma ilsaaamin karo tana ka dhalanaysa ama ama tan ma inagaa nidhi dariiqa haloo waasiciyo ikraamka ay gaalka diintu u ogalaatay kamid maaha in dariiqa loo balaadhiyo kamid maaha in gaalku uu gabadh muslimada uu guursado kamid maaha in salaanta lagu bilaabo oo asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu la yidhaahdo xataa dadka muslimiinta ah baa ikraamka ay mutaysteen isku mid ahayn oo takriimka uu waalidkaa kugu leeyahay iyo ka walaalkaa uu kugu leeyahay ma isku mid baa hadaa tidhaahdo walaalkay karaamayn buu iga mudan yahay hadi lagu dhaho kawaram takriimkii waalidkaa baad kala mid dhigtay waxaad leedahay mid kasta maamuuska uu iga mudan yahay waa mid isaga u qalma oo isaga ku haboon oo u cuntama  والله أعلم

 

 

Post a Comment

0 Comments