Subscribe Us

Header Ads

Axkaamta Gaalada Dhimatay Su'aalo lagu waydiiyay sh.barbaraawi.Q.3aad

 


Su’aasha 5aad : Waxaa kamid ahayd adiladii aad khudbada iyo meelaha kaleba ku daliishatay xadiiska imaamu bukhaari uu soo wariyay ee caa’isha saxaabiyadaasi soo warinayso رضي الله عنها  in nabiga salalaahu calayhi wasalam yidhi :

      كسر عظم الميت ككسره حيا   Xadiiskaasi ma wuxuu khaas ku yahay dadka muslimka ah oo kaliya sidoo kale waa maxay cilada loo diiday maydka in la jabiyo laftiisa sidoo kale mala odhan karaa culimada qaarkood oo ku tilmaamtay waa mawquuf maadama uu mawquuf yahay oo caa’isha uu mawquuf ku yahay waxa laga yaabaa inuu kamid yahay ijtihaadaadkii ay caa’ishi ijtijaadayoo lagama qaadanayo masaladaasi mala odhan karaa?

 

Masalada xadiiska ku saabsan inuu marfuuc yahay baa ii raajixa waana sida ay ku tageen in badanoo culimada kamida qofkii markaa ay isaga u muuqato markuu baxsiyo inuu mawquuf yahay isagay u sugnaatay waa masalo iyadu aqbali karta tabaaxuska cilmiga ah xadiiska waxa tiri bukhaari baa wariyay xadiisku bukhaari kuma sugna ibnu maajah iyo abuu daa’uudyo baa xadiiska soo saaray .

Maxay tahay sababta maydka loo diiday laftiisa in la jabiyo ahlu cilmigu markay xadiiska sharraxayaan waxay sheegaan laba sababood :

1.sababta koowaad waxay tahay inay arintaa ku jirto ihaano macnaha quudhsi maydkii la quudhsanayo marka maydkiisii la jajabiyo .

2.Sbabta labaad ay ahlu cilmiga qaarkood sheegaan waxay tahay inuu maydku damqanayoba oo sida marka uu nool yahay in la damqaa oo wax damqayaa lagusameeyaa haduu tusaale ahaan muslim ama kaafir macsuum ah u yahay aanay u banaanayn ayaanay u bananayn ayay yidhaahdeen waayo jabintu sida markuu nool yahay ay u damqayso ayay markuu dhintana u damqaysaa.

Ahlu cilmigaas oo kale waxa kamida Diibi oo kale waxa uu odhanayaa :

إشارة إلى أن لا يهان ميتا كما لا يهان حيا

Waxa la tilmaamayaa inaan la quudhsan markuu dhinto markuu nool yahayba sidaan loo quudhsanayan .

وقال الباجي : يريد أن له من الحرمة حال موته مثل ما له منها حال حياته

وأن كسر العظام في حال الموت   يحرم كما يحرم كسرها حال حياته

Wuxuu u jeedaa markuu dhinto xurmada waxa uu leeyahay intuu lahaa markuu noolaa jabinta lafahiisu markuu dhinto waa xaaraan siday xaaraan u ahayd markuu noolaa laakiin xaga axlaamta isku mid ma noqonayaan tusaale ahaan qofkii jabiyay dee loo qisaasi maayo ama magyo loo waydiin maayo waayo arimahaasi waa arimo nolosha ku xidhan weeye  laakiin waa arin uu qofku ku dambaabayo weeye oo tacadi ayaa ku jira hadalada culumadu waa badan yihiin waxaad ka eegi kartaa shuruuxu al xadiis oo dhan markay xadiiskan sharaxayaan labadaa cilo bay sheegayaan .

Masalada ku saabsan xadiisku ma waxa u ku gaar yahay  maydka muslimka ah mise ka gaalka ahina waa ku jiraa ?

Muslimka isagu waa bilaa shaki waayo riwaayaadka qaarkood bay ku cadahay nolyahay in la dilaa aanay banaanayn isaguna sida saxda ah waa uu soo galayaa hadaad tiraahdo riwaayadaa muslimka sheegtay miyaanay qaydayn oo xukumka ka dhigayn mid muslimka ku kooban oo uu gaalku soo galayn ?

Waxaynu leenahay maya kama dhigayso asbaab awgeed:

1.Cilada arintan loo diiday oo hadii la yidhaahdo waa damqasho dee msulimka dhintay inaad damaqdaa sidaanay kuugu bananayn ka dhintayna inaad damaqdaa kuuma banana xaq mooyee gaalka macsuumka ah isagana inaad damaqdaa hadaanay kuu bananayn oo aad damaqdaa ka dhintayna waa lamid waayo nabigu calayci salaatu wasalaam labadii xaaladood buu isku shabahay oo isku xukun uu ka dhigay xaga banan la’aanta arintaasi aanay bananayn iyo dambiga ka dhalanaya sidaasoo kale waxaynu leenahay takhsiis ma faa’idaynayo ama taqyiid ma faa’idaynayo muslimkan riwaayaadka qaarkood lagu sheegay oo waa (ذكر بعض أفراد العام ) oo muslim iyo gaalba riwaayadaa caamka a way soo galayaan ay

(كسر عظم الميت) oo mayitoo dhami waa caam riwaayadan Kalena muslimka uun bay gaar u sheegtay markaa takhsiis ma tusinayso ahlu cilmiga qaarkoodna waa tilmaameen gaalyo muslimba xadiiskan inay soo galayaan .

Al cayni oo kale markuu abuu daa’uudka sharraxayo waxa uu yidhi:

كسر عظم الميت مبتدأ وخبره هو ككسره حيا والمعنى أن الحرمة بني آدم سواء في الحالتين

فكما لا يجوز كسر عظم الحي فكذلك كسر عظم الميت

وذكر صاحب الخلاصة ولا يكسر عظام اليهود إذا وجدت في قبورهم فعلم من هذا أن عظم الميت له حرمة

سواء كان مسلما أو كافرا (الحديث أخرجه إبن ماجه)

Macnuhu waxa weeye bani aadamka maaha muslimkoo kaliya nolosha haduu xurmo ku leeyahay geeridana xurmo wuux ku leeyahay lafaha yuhuuda hadii qubuurta laga helo la jajabin maayo Lafta maydku xurmay leedahay mar haduu markuu noolaa xurmo lahaa waxaana arintaa ka siman muslimka iyo gaalka .

Waxaa lamida sheikh maxamed ibnu saalax al cusaymiin ilaahay haw naxariistee isna markuu sharaxayo xadiiskan waxan filayaa inuu ahaa sharxu buluuqu al-maraam isna wuxuu odhanayaa :

في قوله : ( كسره ) فيقول الرسول عليه الصلاة والسلام : إنه لا يجوز أن يكسر عظم الميت أو بعبارة أصح يقول عليه الصلاة والسلام : إن كسر عظم الميت ككسر عظمه حيًّا ككسر عظمه حيًّا يعني في الحرمة

والاحترام وعدم التعرض له، لأن المسلم بل بعبارة أعم لأن المعصوم معصوم في حياته وبعد مماته، فالموت لا يهدر كرامة المعصوم أبدًا بل كرامته باقية لا يقول قائل : إن هذا ميت لا يتألم

 فإنه وإن كان لا يتألم لكن له حرمة

Waxa loo jeedaa xaga xurmada (في اللإثم) waa la yidhi laakiin riwaayada abuu salama laga wariyay waa daciif haday ansixi lahaydna ma faa’idaynayso xasri inuu tashbiihu xaga dambiga oo kaliya uu yahay waayo muslimku wuxu sheekhu diiday in laga fahmo in xukumkani uu muslimka ku gaar yahay weedh taa ka caamsan hadaynu isticmaalo buu leeyahay macsuumkii waxa soo galaya gaalkii aanu dilkiisu banaanayn markanaw nool yahay markuu nool yahay siduu macsuum u yahay ayaa marka uu dhintana macsuum u yahay dhimashadu qofka markii uu nooqaa macsuumka ahaa ee ilaashana shareecadu ilaalisay dhimashadu karaamadisaa Meesha ka saari mayso iyo cismadiisaa  waaba baaqi qofna yaanuu odhanin kani waa maydoo ma damqanayo hada meeshu ha moodin hadii laga soo qaado maydku inaanuu damqanaynba gubistiisa iyo jajabintiisa waxa loo diidayaa xanuun jidhka laga ilaalinayo maaha ee xurmadii iyo karaamadii uu lahaa ayaa lafteeda la ilaalinayaa taa buu sheekhu tilmaamayaa aqwaal badan oo ahlu cilmigu leeyihiin baan xalkan kusoo naqilay laakiin ilaahay idankii itaasi inoogu filan .

Masalada ku saabsan kawaram haduu yahay kaafir aan macsuum ahayn oo waaba xarbi muslimiinta daagaal kula jiray oo jihaadka lagu dilay ama waa murtad muslim diinta ka baxay weeye waa maydkiisa kaa lafahiisa mala jajabin karaa taasi waxa ay u noqonaysaa masalada ku saabsan muslada iyo maasaa’ishaasay u noqonaysaa kuwaana xalkoodaynu ugu tagi doonaa waxa aynu ka hadlaynay xadiiska u daliishanaynayna wuxuu ahaa kaafir macsuuma buu ahaa oo la odhan karo mucaahid buu ahaa oo dadka muslimka ah cahdi iyo balan dadka muslimiinta ahi ee wadanka dagani ay siiyeen oo wadanka inuu nabad ku joogo loo ogolaaday والله أعلم.

 

Su’aasha 6aad :  Xadiiska nabigu salalaahu calayhi wasalam u uku amray cali ibnu abii daalib oo uu amray inuu aabihii aaso oo uu yidhi (إذهب فواري) orodoo aaso qari malaga qaadanayaa inay waajib tahay in la aaso maydka gaalba ha ahaadee sidoo kale mala odhan karaa arintani cali bay khaas ku ahaydoo waa (واقعة العين لا عموم لها) waa arin aan caam ahayn oo cali ibna abii daalib khaas ku ah ama mala odhan karaa nabigu adeerkii abii daalib oo wax badan u qabtay ayuu ugu abaal gudayoo abaal gud bay ahayd ?

 

Xadiiskani horta waa xadiis saxiix ah waxa ay ku cileeyeen culumada qaarkood inuu sanadkiisa u uku jiro naajiya ibnu kacab oo majhuula sida saxiixa ahna majhuul maaha oo abu xasan al-aclaa jiwaa’I ibnu daa’uud iyo abu sifni al-hamdaani yuusuf ibnu isxaaq intuba way ka wariyeen bukhaarina wuxuu ugu tarjamaystaa taarikhul kabiir ibnu al xaatimna fi al jarxi watacdiil ibnu maciina waxa uu ka sheegay inuu yidhi waa saalix abuu xaatamna waa shaykhuu (وثقه العجل في الثقات)  waxa kaloo lagu cileeyay tadliisu abii isxaq taasina cilo ma noqon karto waayo  duruqda qaarkood (صرح بالتحديث) waa ta labaade shucbaaba ka warinayaba xataa haduu can caneeyo shucbana wuxuu yidhi sadex tadliiskooda anaa idin kaga filnaaday al acmash qaatada iyo abii isxaaq assabiici sadexda mar hadaan anugu ka wariyo waligoodba mudalisiin ha noqdaan oo ha can caneeyaan anaa idiin huba xadiiskaasi waa xadiis aan sheekhooda ka maqlay buu yidhi hadana shucba aimada ka warinaysa buu kamid yahay waxa kaloo lagu cileeyay ikhtilaadka abii isxaaq taasina cilo noqon mayso oo sufyaana sawri baa raawiga ka warinaya ah sufyaana sawri waa (من أثبت الناس فيه) waxaanuu ka wariyay intii aanuu ikhtilaadin markaa xadiisku xadiis saxiixa weeye ahlu cilmi badana waa tasxiixiyeen bayhaqina ninkaa jahaaladiisa ayuu sheegay ahlu cilmiga tasxiixiyay ee waliba bayhaqi ku radiyay waxa kamida ibnu xajar al-casqalaani kitaabkiisa altalkhiisul xabiir sidaasoo kale raafici oo isaguna fuqahada shaaficiyada kamida waxa saasoo kale xadiiska culumada tasxiixisay ama sugtay kamida ibnu mulaqin kadaalika sheekhul albaani kitaabkiisa irwaa’ul qaliil iyo kutub kaleba xadiiskani ma tusinayaa maydka in la aasaa inay waajib tahay waxaynu leenahay nacam -haa- waayo nabigu calauhi salaatu wasalaam waa amray إذهب فواره  buu yidhi  tag oo aas awaamirta nabigana waxaa asal u ah hadaan daliil lagaga leexinayo aan la helin inay waajibin tusinayso saasaa asal u ah in xadiiskani tusinayo maydku kaafirba ha ahaadee in la aaso gaar ahaan maydkii macsuumka ahaa fuqahadu waa u daliishadeen shaaficiya iyo xanaabilo iyo maalikiyayo xanafiyo intuba waa u daliishadeen aqwaashoodana waxaan keenayaa markaan ka hadlayo gaalka in la aasaa xukumka ay leedahay culumada markaaa xadiiskan masaladaa u daliishatay waxa kamida ibnu xasmi kitaabkiisa al-muxallaa waxa kaloo kamida dabari kitaabkiisa tahdiibul aasaar wuxuu odhanayaa hadal dheer weeye

 وبذلك أمر النبي عليا في عم أبي طالب إذ مات فقال له إذهب فواريه

Kadaalika fuqahada daliishatay waxa kamida fuqahaa xanafiya sida fataawaa al hindi fuqahada kale aqwaashooda masalada dambe ayaan isha alaahu ku keeni doonaa isha alaahu tacaalaa inta aan anugu baxsiyayna xadiiskani waxa uu khaas ku yahay abuu daalib iskaba dhaafe fuqahadu masalo wax ka badan bay u daliishadanaa waxay u daliishadaan fuqahaa’u shaaficiya gaalka dhintay in la maydhi karo may odha waa واقعة العين oo abuu daalib ayuu gaar ku yahay masaladaa waa u daliishadaan aasitaankiisana waa u daliishadaan iyaga iyo fuqahada kaleba fuqahada qaar waxay u daliishadaan qofkii mayd maydhay inaw maydhaa ianay waajib ku tahay oo riwaayaadka qaarkood bay kusoo aroortay qaarkoodna gaalka qofkii maydhay inaw maydhaa inay waajib tahay bay u daliishadaan sideedabana amarka nabiga calayhi salaatu wasalaam kasoo baxay maxaa kalifaya in la yidhaado waa واقعة العين   واقعة العين   goormaa la yidhaahdaa waxa la yidhaahdaa matkay masaladu khilaaftay sidii lagu yaqaanay adilada haday khilaafto oo tusale ahaan masalada ridaaca oo kale axaadiistoo dhan waxay tusinayaan in qofka la nuujinayaa inuu qof yar noqdo waxa qof wayn in la nuujiyo tsiyay qisadii saalim mawlaa abu xudayfa markaasay culumadu xadiiskan iyo kaa isku waafajiyaan u yidhaahdeen waa واقعة العين  oo reerkan ayay gaar ku tahay laakiin daliil aan adilaba ka hor imanayn bal adiladii kale ee aynu akhriyaynee aayaad iyo axaadiis inoo soo socotaba waafaqsan maxaa kalifaya in saas la dhaho in la yidhaahdo arintani abu daalib bay ku gaar tahay daliil bay u baahan tahay asala waxaa ah axkaamta nabiga kasoo fushaa inay caam u tahay umadiisa ilaa la helayo daliil qaarkood ku khasisa oo ku gaar yeela والله أعلم

 

Su;aasha 7aad : Xadiiskii sheikh aad ka jawaabtay xalay ee كسر عظم الميت  ka waramayay ee nabigu diiday xadiiska miyay jirtaa cid u daliishatay in la gubo maydka iyo bakhtiga ?

 

Xadiiskaasi waxa uu kamid ahaa adiladii aan u daliishanay qadiyadii dhacday inay ahayd qadiyad aan banaanayn oo shareecadu aanay ogolayn waayo waxaynu nidhi gaalka macsuumka ah ha noqdo mid dimmi ah ama mucaahida ama musta’amina cismadiisu iyo ilaashankiisu marka uu dhinto waxay u jiraysaa markuu noolaa siday u jirtay ahlu cilmiga sidaa yidhina aqwaashooda waynu akhrinay wax kamidoo tusaalayaal aynu ka dhignay sida awgeed ma banaana in lafihiisa la jajabiyo sidaa darteed bay culumadu markay ka hadlayaan qalintaanka maydka gaalka iyadooo ujeedadu tahay inay ardayda caafimaadka barataa ka faa’idaystaan masaladaasoo kale ayay ka dhigaan babka daruurooyinka iyo wax laga soo reebayo xadiiskan qaabka xadiiska loo daliishanayo wuxuu yahay waa qiyas awlawiya oo mar haduu rasuulku salalaahu calayhi wasalam lafihii la jajabiyay u diiday taa waxa uga mudan diidmada gubitaanka oo waayo qofka haddii lafihiisi la jajabiyo suuradiisi iyo qaabkiisi wii baaqi ahaanayaa laakiin hadii la gubo oo dambas laga dhigo suuradiisi way baaba’aysaa ,su’aasha ku saabsan miyay jirtaa cid ahlu cilmiga kamida oo xadiiskaa u daliishatay maydka in la gubaa inaanay banaanayn waxaynu leenahay haa waa jirtaa wuxuu ku yidhi imaamka qoray kitaabka kashaaful qinaac oo kamida kutubta fiqiga xanaabilada :

ويحرم قطع  شيء من أطراف الميت وإتلاف ذاته ، وإحراقه  لحديث { كسر عظم الميت ككسر عظم الحي  ولبقاء حرمته

 

Waxa xaaraana in la jaro wax kamida darafyada mayitka iyo in daatadiisa la baabi’iyo in la gubo waxa u daliila xadiiska maydka in la jabiyaa waxay lamid tahay xaga dambiga iyo meel kaga dhaca iyo ihaanada maydka lagu sameeyay qof nool oo la jabiyay haba dhintee qofkaasi xurmadiisu waa baaqi .

Waxa lamida Al-Iqnaac oo kamida kutubta fiqiga xanaabilada hadalkano kale ayaa ku qoran :

ويحرم قطع  شيء من أطراف الميت وإتلاف ذاته ، وإحراقه  ولو أوصى به

 

Waxa xaaraana in la jaro wax kamida darafyada maydka sida dhagaha sank aiyo gacmaha iyo lugaha iyo in daatadiisa la baabi’iyo iyo in la gubo xataa haduu ardaarmo oo uu dhaho aniga halay gubo ama halay ridqo ama ha lay jar-jaro dar-daarankiisaasi in la fuliyaa ma banaana waayo xaq ilaahay baa Meesha ku jira saasay yidhaahdeen fuqahadu

waxa sidaasoo kale la waydiiyay (اللجنة الدائمة للإفتاء) iyagu xadiiska yaanay sheegin laakiin fatwadoodu waxay ku saabsan tahay xubnaha laga jaro dadka qofkii waxa laga yaabaa isagoo nool in xubnaha qaar laga jaro sidaasoo kale waxyaabaha bani aadamka asal ahaan kamida sida madheertii oo kale iyo qofkii marka khitaan ama gudniin lagu sameeyo wixii laga jaray iyo ilmaha dhiciska ah iyo waxyaabaha noocaasiya ayaa la waydiiyay oo waliba qolada caafimaadka ka shaqeeya ama xidhiidhka la lihi ay waydiiyeen mala gubi karaa ?

 

waxay ku jawaabeen :

لا يجوز إحراقها بل الواجب دفنها بمحل طاه إلا إذا كان السقط قد نفخ فيه الروح  وهو الذي مضت عليه أربعة أشهر فإنه يغسل ويكفن وصلى عليه ويدفن مقابر المسلمين إذا كان مولودا بين المسلمين أو بين والدين أحدهما مسلم  أما إن كان السقط من والدين كافرين فإنه لا يغسل ولا يصلى عليه بل يدفن في ثيابه

أو في لفافة في أرض مجهولة

 

Ma banana in la gubo waxa waajiba meel daahira in lagu aaso qofka dhiciska hai mooyee inuu yahay mid nafya lagu afuufay waa ka afar bilood ay u dhamaaden markaa isagu aasitaana xuquuq dheeraada buu yeelanayaa xabaalaha muslimiintaa lagu aasayaa haduu yahay mid laba waalid oo muslimi ay dhaleen ama laba waalid oo midkood muskim yahay ay dhaleen waayo ilmuhu xaga diinta kooda muslimka ah ayuu raacaa oo la xukun noqdaa  laakiin haduu yahay miday laba waalid oo gaala ahi dhaleen lama maydhayo waa sida madhabka xanaabiladu yahay laguna tukan maayo waa laysku waafaqsan yahay taas dharkiisa ayaa lagu aasayaa yacni isaga laftiisa lama gubayee int amaro lagu duubo ayaa la aasayaa bay yidhaahdeen waa waqtigii ibnu baas uu ra’iiska ka ahaa (هيئة كبار العلماء) (واللجنة الدائمة للإفتاء) xalkaa waxan baraarujinayaa masalo masaladaasi waxay tahay culumada casrigan jooga ee ahlu cilmiga ah  ee mujtahidiinta ah in xurmadooda la ilaaliyo baa waajiba sida ahlu cilmigii waqtiyada hore jirayba xurmadooda loo ilaalin jiray  in la yidhaahdo wadaad mucaasira baa sidaa yidhi ama wadaado mucaasiriina baa sidaa yidhi oo laga soo qaado hadalkooda midaan la tuirsanayn arin aadyo aad khalad u ah weeye  caalim kasta oo aduunyada soo maray casri buu noolaa oo mar buu mucaasir ahaa waxana dhihi jirtay culumo isaga ka horaysay masalo aanu ijmaac ku sugnayn inuu ku khilaafo lama odhan jirin waa mucaasiroo isaga hadalkiisu wax kasoo qaad malaha oo culumadii ka horaysay ayuunbaa hadalkooda wax lagu dhisi karaa bal  caalimku casriguu doono ha joogee haduu culumo ka horaysay khilaafo iyo haduu kuwo ka dambeeyay khilaafoba masalada hadaan ijmaac ku sugnayn masala khilaafiya bay noqonaysaa waajibkuna wuxuu noqonayaa sida ilaahay yidhi :

 وما إختلفتم من شيئ فحكمه إلى الله

Markaa aragtida hoos u dhigaysa maqaamka iyo darajada culumada casrigan nool ee fuqahada ah ee mujtahidiinta ah ee marka masaa’ishan laga hadlayo hadalkooda waxba aan kasoo qadayn oo tirsanayn aragti aad u qaldan weeye oo dalabatu cilmiga iyo dadka kutubta raacda iyo guud ahaan muslimiintaba aad aan ugaga digayo inay casrigan nool yihiin hoos u dhigi mayso qawlkoodana mid aan muctabar ahayn kadhigi mayso  mana jiro daliil odhanaya culumada casriga iyaga masalada khilaafiga marka laga hadlayo hadalkooda yaan la tirsanin ama aan lasoo qaadanin ama waxa weeye aqwaasha marka  la sheegayo aan llagu tirinin qofka sidaa odhanayana su’aal baa hor taala culumadu ilaa nabi muxamad bay isa soo daba taxnaayeene waa maxay xadka kala saaraya cilmiga isaga garanay cilmi bay culumadu ku kala sareeyaan casrigay doonaan ha noolaadaane waxa dhici karta caalim casri dambe nooli inuu yahay mid cilmi ahaan ka cilmi badan culumo isaga waqti ahaan ka horaysay markaa waxa is waydiin leh waa maxay xadku xadka aynu odhanayno culumada taariikhdaa noolaydna aqwaashoodu waa muctabar oo waa la tirsanayaa masaa’isha khilaafiga ah marka la sheegayo waa la tirsanayaa iyaga iyo kuwii ka horeeyayna khilaafka ay masaa’isha isku khilaafeen oo ay ku kala duwanaadeen daliil baa loo eegayaa wixii xadkaa ka dambeeyayna aqwaashoodu iyaga muctabar maaha say doonayaan haw hadlaan waxay doonayaan ha fatwoodaan xadku muxuu noqonayaa qof kastoo xad sheegana taxdiidka noocaasiyi daliil buu uga baahanayaa oo shareecada waxa weeyaan uu ka keeno kamana mid ahaa dhaqankii ahlu cilmiga mudada intaa leeg soo taxnaa in culumada casrigoodaa joogatay ama ay isku qarniga noolaayeen yaanay nololba kusoo gaaadhine inay hoos u eegaanoo xaqiraan aqwaashooda oo hoos ay u dhigaan oo ka dhigaan midaan muctabar ahayn marka masaa’isha sharciga ah ee khilaafiga ah laga hadlayo والله أعلم

Post a Comment

0 Comments