Su’aasha
8aad: Waxaa kamid
ahaa adiladii aad u daliishatay inaanay bananayn in la gubo maydka xadiiska u
nabiga salalaahu calayhi wasalam yidhi (لا
يعذب بالنار إلا رب النار)
xadiiskaasi sidee buu u tusinayaa inaanay banaanayn in la gubo bakhtiga ama
maydka sidoo kale mala odhan karaa cadaabka uu xadiisku ka hadlayaa wuxuu khaas
ku yahay cida nool oo kaliya sidoo kale ma jiraan cid ahlu cilmiga kamida oo
xadiiskan u daliishatay bakhtiga iyo maydka inaan la gubin?
Een
xadiiskaa uu nabigu uu yidhi yidhi (لا
يعذب بالنار إلا رب النار)
sidoo kale xadiiska kale ee (لا
تعذبوا عباد الله بعذاب الله)
Adooomaha ilaahay haku cadaabina ilaahay cadaabkiisa waana axaadiis saxiix ah waxaynu u
daliishanay maydka in la gubaa inay tahay xaaraan markaa su’aasha Meesha taalaa
waxay tahay gubista maydka la gubaa ma waxay la mid tahay gubista jamaadaadka
dhagaxaanta iyo qoryaha iyo hilibka la dubayo iyo mise way ka duwan tahay waxaan leenahay qadcan way ka duwan
tahay si go’an way ka duwan tahay oo qofka bani aadamka ahi haday xitaa naftu
ka baxdo lamid maaha waxyaabahaa aanay awalba naf ku jirin lana mid maaha
neefka xoolaha ah ee bakhtiyay ama hibaha laga goostay lamid maaha wuxuu
leeyahay xurmo haduu yahay muslim ama kaafir markuu noolaa macsuum ahaa iyadoo
aynu sheegnay xurmada muslimka iyo gaalku inaanay isku mid ahayn oo mid walba
xurmadiisu iyo karamadiisu tahay bixasabihi-mid u qalanta-oo u dhiganta marka la eego dayaanadiisa iyo
iimaankiisa bal xataa muslimiintu xurmada iyo karaamada ay kugu leeyihiin
waxaynu tilmaanay inay kala badan tahay qofka aad jaarka tihiin iyo qofka kale
isku mid maaha qaarabadaada iyo kuwa kale macalinkaaga iyo ka kale qofka
culimada ah iyo ka kale qofka kaa wayn iyo ka yar markaa mid kasta karaamadiisu
wa si u qalanta markaa qiyaaska noocaasi
waa qiyas aan sax ahayn waxyaabo aad shareecada u khilaafsanina ay ka
dhalanayaan xadiiskaasi hadii la yidhaahdo sida wadaadada qaarkoodba
yidhaahdeen culima hore oo yidhina way jiraan sida ibnu jariir adabari kitaabka
tahdiibu aasaar yacni maydku dareen malaha yacni hadii la gubo dhib malaha oo
xadiiskna looma daliishan karo waxaynu leenahay taasi sax maaha oo nabi muxamed
baa sheegay qofku isago mayita hadana inuu cadaab ku dhaco oo wuxuu rasuulku
salalaahu calayhi wasalam yidhi: (يعذب
الميت ببكاء أهله)
waa maydkii baa la cadaabayaa buu yidhi isagoo mayda hadana in la cadaabayo buu
nabigu sheegay waxa lagu cadaabaya oohinta a ehelkiisu u ooyeen waa baroortii
iyo qayladii ayaa loo jeedaa ilmadii dhinaha loogama jeedo culimada qaarkood oo
xataa xadiiskaa awilay sida islaam ibnu taymiya oo yidhi cadaabka waxa looga
jeedaa wuu damqanayaa ta’wiilkoodaasi inoo diidi maayo inaynu xadiiska
daliishano waayo iyaga laftoodu waxay qireen isagoo mayda hadana inuu damqanayo
oo aanuu lamid ahayn waxa manoolaha ah ee jamaadaadka sida dhagaxaanta
looxaanta iyo waxyaabaha lamidka ah qofku inuu yidhaahdo maydku damqan maayo oo
uu anfiyoo diidaana waa mid daliil uga baahan waayo waa qadiyad qaybi ah oo wax
ka qarsoon weeye maydkani hadii la gooyo iyo hadii la gubo inaanuu dareemayn
waa qadiyad kaa qarsoon oo markaa daliil u baahan in badanoo kamida ahlu
cilmiguna waxay sheegeen in qofku isagoo mayda hadana inuu damqanayo gaar ahaan
markay sharraxayaan xadiiskii caa’isha ee (كسر
عظم الميت ككسره حيا)
oo waxay leeyihiin macaanida waxaa kamida qofka nool jabinta laftiisa la
jabiyaa siday u damqayso oo u xanuujinayso ayaa ka maydka ah ee dhintana
jabinta laftiisa la jabiyaa ay u damqaysaa oo u xanuujinaysaa iimaamu shawkaani
oo kale markuu xadiiskan sharraxayo kitaabka naylu al-awdaar-ka waxa uu
leeyahay:
فيه دليل على وجوب الرفق بالميت في
غسله وتكفينه وحمله وغير ذلك ; لأن تشبيه كسر عظمه بكسر عظم الحي إن كان في الإثم
فلا شك في التحريم وإن كان في التألم فكما
يحرم تأليم الحي يحرم تأليم الميت
Waxu daliil u yahay waajibnimada in loo tudho maydka marka la maydhayo
iyo marka la kafmayo iyo marka la sido iyo xaaladaha kaleba shabihista lagu
shabahay jabinta laftiisa isagoo mayda jabinta laftiisa la jabiyay isagoo nool
haday tahay xaga dambiga inay labadaasi ka siman yihiin dee inay xaaraan tahay
taasi kuma jiro hadii shabihitaanku yahay xaga damqashada uu yahay oo macnuhu
yahay qofkan dhintay jabinta laftiisa la jabiyaa way damqaysaa way
xanuujinayasaa ka noolba siday u amqaysoo u xanuujinayso qofka nool sidaanay u
banaanayn in la xanuujiyaa ee macsuumka ah ayaa ka dhintaana in la xanuujiyaa
aanay u banaanayn .
Ibnu cabdi bar oo kale isna waxa uu yidhi:
يستفاد منه أن الميت يتألم بجميع ما
يتألم به الحي ومن لازمه أنه يستلذ بما يستلذ به الحي
Waxa xadiiska laga faa’idaysanayaa maydka in wax kastoo ka nool damqaa
ay isagana damqayaan .
Waxa saasoo kale sheegay ibnu Mulki oo kitaabka masaabiix sharaxay :
كسرُ عظمِ الميتِ ككسرِهِ حيًا":
هذا إشارة إلى أن الميت يتألم، أو إلى أنه لا يُهانُ ميتًا، كما لا يهان حيًّا
Waa ishaaro la ishaarayo in maydku damqado ama in aanay banaanayn isagoo
mayit ah in la ihaanaysto oo isagoo mayd ah wax ihaano iyo quudhsi ah lagu
sameeyo marka uu nool yahayb in lagu sameeyaa sida aanay u banaanayn.
Al xaafid ibnu xajar wuxuu yidhi markuu hadaladaa culimada sheegay yidhi
wuu damqanayaa wuxu yidhi :
ومن لازمه أنه يستلذ بما يستلذ به الحي
Mar hadii la yidhi wuu damqanayaa waxa ka dhalanaysa inuu macaansado
waxa ka nooli macaansado saa darteed bay fuqahada qaarkood yidhaahdaan maydka
biyaha lagu maydhayaa waa inaanay aad u kululaan aadna waa inaanay u qaboobaan
biya dhex dhexaada waa inay noqdaan markaa masaladaasi iyadana ahlu cilmigu
saasi ayay uga hadleen oo waxay sheegeen damqashada maydka .
Culumada sheegay waxa kamid ah sheekha leh kitaabka la yidhaahdo (المنهل العذب). Oo maxamuud subki la yidhaahdo waxa
uu yidhi markuu xadiiskan sharaxayay :
دل على أنه ينبغي للحفار المحافظة على
عظام الموتى
التي تكون في القبر حال حفره ويسترها
ولا يكسرها والذمي في هذا كالمسلم
وعلى طلب تكريم الآدمي حيا وميتا وعلى
أن الميت يتأدى بما يتأدى به حيا
Wuxuu tusiyay xadiiskani inay saran tahay dadka xabaasha qoda inay
ilaaliyaan oo aanay jajabin lafaha maydka waa inuu asturoo aanu jajabin xataa
haduu markuu qodayo Meesha lafo ugu tago Inaan maydka lafahiisa la jajabin
dimiga macsuumka ahi muslimkuu kala mid yahay xadiisku waxa uu ina tusayaa in
naylaga dalbay binii aadamka in la maamuuso maamuuska ku haboon ee shareecadu
ay u jidaysay hadii uu nool yahay iyo hadii uu dhintayba waxuu kaluu
tilmaamayaa qofka maydka ah waxa ka nool dhibaa inay dhibaan saas ayuu
tilmaamay .
Ahlu cilmiga qaarkood waxay masaladaa u daliishadeen aasaar laga soo
wariyay saxaabada qaarkood ilaahay haka
raali noqdee oo saxaabiga cabdilaahi ibnu mascuud ilaahay haka raali noqdee
ayaa laga wariyay qofka muuminka ah dhibista la dhibo markuu dhinto inay lamid
tahay dhibista la dhibo marka uu nool yahay bimacnaa waa adiya-waa dhibis- wax
uu dhibsanayo .
Sheekh maxamed ibnu ibraahiim oo kale waxuu yidhi xadiiskaa marku
sharaxayay:
ويحتمل
أن الميت يتألم كما يتألم الحي يأيد ذلك ما رواه إبن أبي شيبه في المصنف عن الإبن
مسعود
أذى
المؤمن في موته كأذائه في موته يستفاد منه أن الميت يتألم بجميع ما يتألم به
الحي ومن لازمه أنه يستلذ بما يستلذ به الحي
Macnayaasha
xadiiska laga qaadanayo waxa kamida in qofka dhintay u damqanayo siduu qofka
nooli u damqanayo waxana taa u daliila oo qofka dhintay inuu damqanayo sida ka
nooliba u damqado oo xadiiskani masaladaa tusinayo hadalka ibnu mascuud ee ibnu
abii shayba musanafkiisa ku wariyay qofka muuminka ah dhibista la dhibo waxay
lamid tahay dhibista la dhibo marka uu nool yahay.
Markaa qofku
inuu jasmiyo oo uu yidhaahdo binii aadamkii dhintay wuxuu lamid yahay
manoolayaasha iyo hilibkii xoolaha laga jaray oo kale arin saxa maaha taasi
maanuu rasuulku calayhi salaatu wasalaam inoo sheegin janaasada marka la sido
ee wali qabrigiiba aan la dhigin inay janaasadani hadlayso oo haday saalixad
tahay leedahay (قدموني قدموني) hadii qof xun yahay qofkan la sidaana inuu odhanayo (يا
ويلها أين تذهبون بها )
hoogeede xagaad gaynaysaan markaa ma kaasaa waxa la odhan karaa waxa uu lamid
yahay hilibka sararta laxda laga goostay ee la dubto amaba se la shiisho ama
waxuu lamid yahay dhagaxaantiyo lawxaanta iyo waxyaalaha lamidka ah mas’alo
kale oo mas’aladan xiriir la lehina way jirtaa oo culimadu markay ka hadlayaan
cadaabul qabriga ma wuxuu ku dhacaa ruuxdoo qudha mise wuxuu ku dhacaa ruuxda
iyo jidhkoo wada jira mise waxa u uku dhacaa jidhkoo qudha oo ruuxdu aanay laba
joogin ay ka maqan tahay sheikh islaam ibnu taymiya markuu masaladaa ka hadlayo
wuxuu yidhaahdaa:
بل
العذاب والنعيم على النفس والبدن على إتفاق جميع أهل السنة والجماعة
تنعم
النفس وتعذب من فريضى عن البدن وتنعم وتعذب متصلة بالبدن
فيكون
النعيم والعذاب عليها في هذه الحال مجتمعين كما تكون على الروح منفردة عن البدن
وهل يكون العذاب والنعيم بدون للبدن بدون الروح ؟ هذا فيه قولان مشهوران لأهل
الحديث السنة وأهل الكلام
Ahlu sina
wal jamaaca waxay isku waafaqqeen nafta jidhka iyo ruuxdoo wada jira in
cadaabku u uku dhaco oo asal ahaan ahlu sunna waxay leeyihiin cadaabka aakhiro
ruuxda ayu uku dhacayaa asaalatan markaa wuxuu leeyahay nafta waa la cadaabaa
iyadoo uu jidhkii uu la jiro iyadoo jidhkii gooni ka ahna waa la cadaabaa
jidhkana waa la cadaabaa isagoo ruuxdii ay ku jirtoo la xidhiidhsan markaa
xaaladaa jidhkii iyo ruuxdii oo wada socda ayuu cadaabkii ku dhacayaa ruuxdii
oo aanu jidhkii la jirin oo kaligeedana cadaabku waa ku dhacaa,cadaabka iyo
naciimku miyuu ku dhacaa jidh iyo ruux aan isla socon? Masaladaasuu keenay .ز
Masaladaa
iyada khilaaf baa ku jira buu leeyahay laba qawl baana ku jira oo caana buu
leeyahay oo ay leeyihiin ahlul xadiis wasuna iyo ahlu kalaamkuba markaa waa min
aqwaali ahli sunah in xataa cadaabul qabrigu in badanka oo qudha oo ruuxdu
aanay ku jirin u uku dhaco markaa maxaynu u anfinaynaa in badanka oo ama
Jidhka oo qudha oo ruuxdu ka maqan tahay
hadii la gubo يتعذب
بهذا الإحراق inuu ku cadib mayo oo dhibaato ay kasoo
gaadhayso gubista noocaasiya /
Masalada ku
saabsan xadiiskan ma jirtaa cid u daliishatay maydka in la gubaa inaanay
banaanayn ? waxan leeyahay haa
Culimada u
daliishaday waxaa kamida imaamu shaafici raximahulaahu tacaalaa wuxuu kitaabu
ku yidhi shaafici :
أما نحن فروينا: (عن النبي ﷺ أنه نهى
أن يعذب أحد بعذاب الله) فقلنا به، ولا نحرق حيا ولا ميتا
Waxaanu rasuulka ka warinay -qoluu radinayay- inuu reebay.in axad lagu cadaabo cadaabka
ilaahay sidaa nabigu yidhi baanu ku tagnay buu yidhi mid nool iyo mid dhintay
toona gubi mayno .
Saasoo kale
maawardi kitaabkiisa (الأحكام السلطانية) wuxuu yidhi :
و من قتل منهم و اراه عن الأبصار و لم
يلزم [٥] تكفينه. و لا يجوز أن يحرق بالنار منهم حيّا و لا ميتا
قد أمر رسول الله بقتلا بدر فألقوا
بقريب روى عن النبىّ صلى اللّه عليه و سلم أنه قال: «لا تعذّبوا عباد اللّه بعذاب
اللّه»
Kuwa gaalada laga laayo imaamka muslimmintu dadka wuu ka qarinayaa wuu
ka asturayaa laasimna kuma aha waajibna kuma aha inuu kafmo .rasuulku wuxuu amray kuwii badar
lagu laayay in indhaha laga qriyoo waa lagu riday walibana dee waa lagu aasay
ceelka oo ceelkaasi ayaa xabaal looga dhigay mana banaana in dab lagu gubo
isagoo nool iyo isagoo dhintayba rasuulka in laga wariyay inuu yidhi adoomaha
ilaahay haku cafaabina cadaabka ilaahay oo dabka ah isaguna xadiiskii buu
daliishtay qofka nool iyo qofka dhinta in la gubaa inaanay banaanayn oo gubista
la gubaa ay tahay cadaab la cadaabay oo muu odhan waaba mayde sidee buu dabku
wax u yeelayaa .
Abuu yaclaa
isaguna kitaabkiisa (في الأحكان السلطانية) sidaasoo kale buu masalada
uga hadlay wuxu yidhi:
و من قتل منهم و اراه عن الأبصار و لم
يلزم [٥] تكفينه قد أمر رسول الله بقتلا بدر فألقوا بقريب
لقوله صلى اللّه عليه و سلم أنه قال: «لا تعذّبوا عباد اللّه بعذاب
اللّه». و لا يجوز أن يحرق بالنار منهم حيّا و
لا ميتا
Rasuulku
wuxuu amray gaaladii badar lagu laayay in ceelkaa goofka ah lagu guro markaasaa
lagu guray . markaa sidaasi ayay ahlu
cilmigu ugu daliishan jireen.
Qofkuna waxa
haboon inta aanuu horta masalada jasmin inuu baadho hadalkiisana hadyo jeer uu
yidhaahdo intaa aan anugu ka ogahay ama inta cilmigaygu uu yahay qof daalibu
cilmiya oo idilaaciisuba marka ahlu cilmiga la garab dhigo uu kooban yahay inuu
masala kasta yidhaahdo khilaaf kuma jiro ama cid tiri ma jirto ama cid
daliishatay ma jirto hawsha noocaasi hawl qofka daalibu cilmiga u haboon maaha
. والله أعلم
Su’aal
9aad: Waxa kamid
ahaa axaadiistii aad daliishatay inuu nabigu salalaahu calayhi wasalam diiday
waxa loo yaqaano muslada maxay tahay horta musladu sidoo kale miyay khaas ku
tahay qofka nool oo kaliya oo masoo galayo qofkii dhintay sideedabana waa maxay
xukunka ay leedahay musladu sidoo kale mala odhan karaa iska dhaaf gaalka
isagoo dhintaye isagoo nool bay banaantahay in la jar-jaro .
Muslada
nabigu calayhi salaatu wasalaam waa diiday macnaheeda hadaan si kooban u
sheegno waa تقطيع أطراف الإنسان حيا أو ميتا waa qofka darafyadiisa in la jar-jaro in
sankii la jar-jaro in dhagihii laga gooyo in faruuryaha laga jaro in ninkii
tusaale ahaan dakarka laga jaro ama khisyataynka-Labada xiniyood-isagoo nool
ama isagoo geeriyooday labadaba muslo ayaa la yidhaahdaa nabiguna calayhi
salaatu wasalaam waxa loo yaqaano muslada waa diiday cimraan ibnu xusay waxa
laga wariyay ama wuxuu yidhi:
كان
يحثنا على الصدقة وينهانا عن المثلة
Rasuulka
ilaahay waxu nagu dhiiri galin jiray sadaqada waxa muslada la yidhaahdana waa
noo diidi jiray .
Sidoo kale
rasuulku salalaahu halayhi wasalam wuxuu yidhi isagoo la dar-daarmaya ciidamada
uu dirayo :
أقسمو
بالله قاتلوا من كفر بالله لا تقتلو وليدا ولا تغدرو ولا تمثلوا
Waxyaabaha
uu kula dar daarmi jiray waxa kamida ilma yar ha dilina cid aad balan u qaadeen
hakaga bixina muslana ha samaynina oo googooyn ha samaynina waxa loo yaqaan
musladu saynu sheegnay waa googooyntaas uun qof nool haku dhacdo ama qof
dhintay.
oo nabigu calayhi salaatu wasalaam sida
cabdilaahi ibnu jacfar uu ka wariyay wuxuu soo maray
مر
رسول الله على أناس وهم يرمون كبشا بالنبل فكره ذلك لا تمثلوا بالبهائم
Wuxuu
rasuukju soo maray wan dad ku shiishtamaya oo leeb la dhacaya markaasaa
rasuulku arinkaa waa karaahiyaystoo wuxuu yidhi yacnii tamsiil haku samaynina
bahaa’imta ama mayeedhaanka Imaamu nass’I baa wariyay .
MUsladu saas
oo Kalena wax dhintayna waa ku dhacdaa oo saxaabada rasuulku salalaahu calayhi
wasalam saxaabadii ku shahiiday dagaaladii ay galeen ee gaaladu iyagoo aan
noolayn ay jar jareen muslo ayay ku sheegeen waxa kamida anas ibnu maalik
adeerkii oo ku shahiiday dagaalkii uxud markuu ka waramaayay wuxuu yidhi
: waana xadiis saxeexa oo saxeexaynka ku yaala
ووجدناه
قد قتل وقد مثل به المشركون
Isagoo la
dilay ayaanu helayoo aanuu ogaanay iyadoo tamsiil ay ku sameeyeem bimacnaa way
jar jareen sidoo kale jaabir ibnu cabdilaahi wuxuu yidhi :
جيئ
بأبي يوم أحد قد مثل به
Maalinki
uxud waxa la keenay aabahay oo macnaa mayda oo waliba tamsiil lagu sameeyay oo
kufaarti iyo mushrikiintii ay googooyeen .
Culimaduna
marka ay micnaynayaan waxa loo yaqaano muslada ma yidhaahdaan waxay khaas ku
tahay uun qofka nool oo la googooyo labadaba ahlu cilmigu waa ay sheegaan si
gaaraba waxay sheegeen xadiiskan uu nabigu leeyahay ولا تمثلوا inuu si gaara maydka ugu saabsan yahay climada sheegay waxa
kamida القرطبي في المفرد
ولا
تغلوا ولا تغدروا ولا تمثلوا الغلول: الأخد من الغنيمة من غير قسمتها
والغدر:نقض
العهد والتمثيل هنا : تشويه بالقتيل كجدع أنفه وأذنه والعبث به
ولا
خلاف في تحريم الغلول والغدر في كراءة المثلة
تشويه بالقتيل waa qofkii la dilay in la suurad xumeeyo sida sanka in la jaro
ama dhagti la jaro iyo In lagu ciyaaro ز
Ahlu cilmiga
tilmaamay musladu inay tahay qofka dhintay in la jar jaro waxa lamida saaxibi المفاتيح
شرح المصابيح wuxu yidhi:
المثلة
: المثلة
: قطع أعطاء المقتول يعني نهى إذا قتلوا كافرا أن يقطعوا أعطاءه فكذلك إذا قتل
مسلم بالقصاص أو رجم بحد الزنى أو صاحب قاطع الطريق لا يجوز قطع أعطائه لأن القرض
إزالة الحياة
فإذا أزلت حياته فلا فائدة في قطع
الأعطاء .
Waa in
qofkii la dilay la goo gooyo xubnihiisa xadiiskana macnihiisu waxa weeyaan inuu
nabigu reebay hadi ay gaal dilaan inay xubnihiisa googooyaan waxa lamida
muslimkii qisaas ahaan loo dilay ama loo rajmiyay xadu sina ahaan loo rajmiyay
ama qofkii shuftaa ahaa ee wadada jaray xubnihiisa in la jar jaraa ma banaana
waayo ujeedadu waa qofka in nafta laga qaado xataa kaafirkaa lala jihaadayo oo
dhibaatadiisa iyo sharkiisa la baajiyo hadii laba dilay oo naftii laga qaaday in la jar jaraa wax
faa’ida ah malaha .
Saasoo kale
sheekhu islaam ibnu taymiya kitaabkiisa منهاج
السنة wuxuu keenay xadiisu burayda oo muslim ku
wariyay saxiixiisa oo ay ki jirto
ولا
تمثلوا ولا تقتلوا وليدا قال وفي السنن أنه قال أنه يأمر بالصدقة وينهى عن المثلة
مع أن التمثيل بالكافر بعد موته منه نكاية بالعدو لكن يمنع لأنه زيادة إيذاء بلا
حاجة فإن المقصود كف شره وقد حصل
فهؤلاء
الذين يبغضونهم لو كانو كفارا وقد ماتوا لم يكن لهم بعد موتهم أن يمثلوا بأبدانهم
لا يضربونهم ولا
يشقون
بطونهم ولا ينتفعون بشعورهم ولا ينتفعون بشعورهم مع أن في ذلك نكاية فيهم
Inuu nabigu
yidhi cid ha bakhti wareemina ilma yarna ha dilina iyadoo gaalka la dilo
jihaadka lagu dilo tamsiilka lagu sameeyaa ay tahay xanuujin ay ku tahay gaalada laakin waa la
diiday waayo waa dhibis dheeraada oo dilistiisa dheeraad ka ah.
xalkaana muxuu tilmaamay sheikh islaam ibnu
taymiya masaladii aynu hore uga hadalnay oo ah maydka hadii naftiiba haka
maqnaatee ay dhibis ku tahay taasoo baahi keenaysaa ayna jirin maqsuudku wuxuu
ahaa in sharkiisa laga hor tago oo la dilo oo lagu joojiyo in la dilo waana la
gaadhayba
Kuway
necebyihiina maaha in la googooyo ama la garaaco ama timahoooda iyo wax lamida
in la isticmaalo .
Markaa waxa
loo yaqaano musladu waataa inaanay qofka nool uun ku gaar ahayn xadiiska
laftiisuna waa u daliil ولا
تمثلواbuu nabigu yidhi
salalaahu calayhi wasalam
Oo sida ay
yidhaahdeen in badanoo kamida culimada usuulu fiqiga waa صيغة من صياغ العموم waa ficil mudaaric
oo siyaaqu nahyi dhacay ficilkana asal
ahaan Masdar buu kasoo jeedaa masaadirtana oo isimana waxaa asal u ah
nakiranimo
Markaa waxa
asal u ah in la yidhi masalan لا
تفعلوا مثلة oo si caama
nabigu mid nool iyo mid dhintay isagoon kala saarin inuu muslada inuu diiday
markaa qofka khasisaya ama odhanaya tamsiilka ama muslada uu nabigu xadiiskan
ku diiday waxay ku gaar tahay qofka nool oo la googooyo ee qofka dhintay soo
gali maayo isagaa looga fadhiyaa waxa u uku khasisay xadiiskaa nabiga ee caamka
ah .
Ta ku
saabsan gaalku isagoo nool baaba la googoyn karaa waa gaalkee gaalka la
googooyn karaa aan ku nqodee horta gaaladu qaybay leeyihiin saynu sheegnay gaal
macsuuma iyo gaal aan macsuum ahayn baa jira qadiyada aynu inagu ka hadlaynayna
waxay ahayd gaal macsuuma oo macsuum ku ah cahdi balan iyo heshiis lagula galay
dhulka inuu nabad ku joogo kaasaynu ka hadlaynay oo dee dhacdadada keentay
hadalka masaladan dhacdada noocaasa bay ahayd markaa kaa mala googooyn karaa
muslimiinta maw banaantahay gaalka imiga ah ama mucaahidka ah inay qurbaanoo
jar jaraan maw banan tahay arintaasu ma
dhahay arikaa cid ahlu cilmiga kamid ah qadiiman oo xadiisan gaalka dimiga ah
ama mucaahidka ah in la gubaa baa banana oo muslimiintu inay gubaan ma banaanoo
xurmayo karaama toona malaha qadiyada aaska waa u iman doonaa cid aasta hadii
la waayo muslimiinta waajib maku tahay inay aasaan waa masalo kale laakiin
qadiyada gubista cid ahlu cilmiga kamid ah oo tiri horta ma jirtaa gaalku haduu
yahay xitaa gaal xarbiya muslimiinta dagaal kula jira waxay tansiisiyeen ahlu
cilmigu waliba shaaficiyadu gaar ahaan inta dagaalka lagu jiro dee taa musla
lama yidhaahdo oo qofka muslimka ahi gaalka haduu la dagaalamayo seeftuu qoorta
kaga jarayaa gacanta haduu la gaadho kaga jaraya sankuu kaga jarayaa haduu la
gaadho oo dee dagaalkii uu ilaahay amray bay dee taasi kamid tahay oo xadiiskan
muslada diidaya taasi soo gali mayso laakiin muslimiintu marka ay qabtaan ee
gacanta ay ku dhigaan maw banan tahay isaga oo nool iyaga oo hayaba oo aanuu
laba dagaalami Karin inay jar jaraan وما
الدليل على ذلك nabigu calayhi salaatu wasalaam muslada uu
diiiday ayay taasi kamid tahay .
Qadiyada ku
saabsan muslada xukumkeedu waa maxay
gaalku ha noqdo macsuum sdia dimigii iyo mucaahidkii ama xarbiba ha
noqdee ?
Xukumkeedu
waa inay tahay غير جائزة mid banana maaha waana
sida ay ku tageen aksaru ahlu cilmi ahlu cilmiga badankoodu shaaficiyada iyo
fuqahada kaleba badan koodu saasay ku tageen waxaana u daliila diidmadaa nabigu
calayhi salaatu wasalaam uu diiday qadiyada ku saabsan xadiiska asxaabul qaliib
oo qaarkood markii la jiidaayay maadaamay sadex maalmood iyagoo mayda Meesha
yaaleen ay kala hadheenoo googo u uku dhacay maloo daliishan karaa musladu inay
banana tahay?
Mayee looma
daliishan karo laba sababood awgoodba:
1.Nahyiga
muslada waa ka dambeeyay qaswatu badar waa muta’akhir waa mid ka dambeeyay
xataa haduu ka horayn lahaana taqdiic maqsuuda ma uu ahayn kaasi oo u qasdeen
maaha ma inay googooyaan oo fufujiyaan bay saxaabadu u qasdiyeen mise markii ay
amarka nabiga fulinayeen ee ay jiidayeen oo ceelka ku wadeen ayay iyagu kala
googo’een markaa muslada la sheegayo waxa maqsuudka ah hadaad meydkii qaadoo
isagu uu kala hadh hadho oo aadan adugu u qasdin googoyntiisa dee lagu odhan
maayo tamsiil baad samaysay tamsiilku waa ka loo qasdiyay in la googooyo markaa
xubnaha qaarkood laga jar jaro والله
أعلم
Sua’aasha
10aad: asxaabul
qaliib ama mushrikiintii badar lagu dilay maloo daliishan karaa inaan qofka
dhintay ee maydka ah inaan la aasin gaar ahaan haduu yahay kaafir mid gaala uu
yahay ?
Xadiisku taa
cagsigeeduu daliil u yahay in la aasaa buu daliil u yahay waayo nabigu calayhi
salaatu wasalaam ceelkaasuu ku qoray ciidna waa ku rogay sida xataa in badan oo
kutubta fiqiga ah ee shaaficiyada ku qoran in badanoo kamida fuqahaa’u islaamna
waxay u daliishadeen ugu yaraan gaalaka xarbiga ah ee muslimiinta dagaalka kula
jiray maydkiisa in la aaso saasay u
daliishadeen qaarkoodna markaynu ka hadlayno dafu kaafir iyo xukumka ay iyo
xukumka uu leeyahay ayaynu ku arki doonaa fuqahada shaaficiyadu sida muctamadka
ah agtooda waji kale madhabka waa ku jiraaye waxay u daliishadeen kaafirka
xarbiga ah ee muslimiinta dagaalka kula jira inaanay waajib ahayn in la aasaa
isla markaana waxay daba dhigaan in la aasaa baa fiican si aanay dadka dhibaato
uga soo gaadhin xalkay ka daliishadaana waxa weeye in rasuulku sadex maalmood u
uku daayay meeshii ay ku dhinteene lagu laayay intaa kadib uu rasuulku amray in
ceelkaa lagu guro oo lagu aaso daliishiga noocaasiyana kolay ahlu cilmi
ijtihaaday baa yidhi waxaase dhici karta in la yidhaahdo nabigu aaskoodi inuu
dib u dhigay uun bay taasi tusinaysaa laakiin inaanuu aasinba oo Meesha
mayskoodi kaga tagay taasi daliil cad uma aha والله
أعلم
Su’aal
11aad: Waa maxay
xukunka ay leedahay sideedaba in gaalka dhintay la aaso adigoo daliil noo
raacinaya ?
Gaaladu saynu
sheegnay qaybo ayay leeyihiin kaafir baa jira macsuuma oo shareecadu naftiisa
iyo maalkiisa iyo cirdigiisaba ay u ilaalisay oo nooc xurma ah iyo karaama ah
ay u yeeshay kaafirkii dimiga ahaa ee jisyada laga qaadayay iyo kii mucaahidka
ahaa ee heshiiska nabad galyo lala galay kii musta’minka ahaa dadkiisi kuwa
muslimiinta dagaal kula jiraba ha ahaadeene markaa kaafirka noocaasiya marka aad
eegto culamaa’u islaam iyo fuqahaa’u milla waxay tilmaamayaan haddi ay jiraan
dad qaraabadiisa ah oo gaala in iyaga loo daayaa ay fiican tahay oo iyaga loo
dhiibo ama dad kaloo iyagu ay isku diin yihiin oo iyagu aasanaya hadii aanay
taasi jirin oo muslimiinta dhexdooda uun u uku dhinto in la aasaa inay waajib
tahay waana masalada ay ahayd in laga hadlo oo qadiyadan iyo masaladani dee
kaafir macsuumay ku saabsaneed ee kumay saabsanayn kaafir xarbiya markaa
tusaale ahaan in lasoo qaato hadalada ay culumada qaarkood ka yidhaahdeen
kaafirka xarbiga ah banankaa lagag tagi karaa bahalahaa lagaga tagi karaa amaba
se aydaa lagu diri karaa oo إغراء الكلاب
عليه baa banana oo shaaficiyada qaarkood ay
tilmaamaan iyo qaar xanaabilada kamida iyo qaar maalikiyada kamida waa mid ka
baxsan taasi wixii maxalu nisaaca ahaa maynagaa kaba hadlaynayba kaafir xarbiya
waxaynu ka hadlaynay muxuu ahaa kaafir macsuuma buu ahaa markaa dee waxay ahayd
kaafir macsuuma wax ku saabsan oo sheegaya in bananka la dhigi karo ama ayda
lagu diri karo amaba se la gubi karo in la sheego oo la keeno ayay ahayd
qadiyada ku saabsan in dadkiisa lo dhiibo iyagu waxay doonayaan haku sameeyaane
waxay ku samaynayaana haduu qaldan yahay waa banana yahay inagu odhan mayno oo
waa xaaraam baynu leenahay inay muujistaanna ma banaana sidaynu hore u sheegnay
maaha qadiyad xanafiyadu la gaar yihiin shaaficiyada kutubtooda ayay mansuus ku
tahay in loo dhiibayo sidoo kale qayb kamida kutubta maalikiyada waa masalo ku
qoran oo masalo ku saabsan maxalu nisaacii maaha oo eheladiisa in loo dhiibaa
maxalu nisaacii maaha sidaynu hore u sheegnay eheladiisaa loo dhiibayaa iyo in
la gubaa banana dee laba masalay kala yihiin daliila isu noqon maayaan sidaasoo
kale kaafirka xarbiga ah fataawada culimada ku saabsani ku dabaqmi mayso waayo
kan laga hadlayaa kaafir xarbiya oo muslimiintu ay dileen ama murtad muslim
diintii ka baxay oo la dilay markaa aqwaasha kuwaa ku saabsan looma soo qaadan
karoba Ahlu cilmiga qaarkood cumuuman waxay ku tageenba qof kastoo dhintay in
la aasaa inay waajib tahay waynu u imanaynaa kuwaas laakiin aynu ku hoeayno
gaalkan aynu ka hadlaynay iyo kuwa la nooca ah ee macsuumiinta ah maxay ka
yidhaahdeen aaskooda fuqahadu maxay ka yidhaahdeen minhaajku wuxuu kamid yahay
kurubta caanka ah ee aynu daraasayniba waxa ku qoran:
والأصح
وجوب تكفين الذمي ودفنه وفاء بذمته كما يكسى في حياته
وينبغي
أن يقطع بثوب واحد والذمي كالمعاهد
وضد
الأصح لا يفعل به ذلك لبطلان ذمته بموته
Sida
muctamadka ah ee asaxa ah shaaficiyada agtooda kaafirka dimiga ah in la kafmo
oo la aaso inay waajib tahay iyadoo loo ilaalinayo dimadiisa sida markuu nool
yahay aan qaawanida loogu eegayn ayaa markuu dhintana loo kafnayaa gaalka
mucaahidka ah ee muslimiintu heshiiska nabad galyada ay la galena dimiga ayuu
lamid yahay waayo markuu dhintay dimadiisu Meesha way ka baxday .
Xarbiga
wuxuu ka yidhi waynu u iman doonaa majmuuca Nawawi waxa ku qoran:
وأما تكفينه ودفنه فإن كان ذميا ففي
وجوبهما على المسلمين إذا لم يكن . له مال وجهان حكاهما إمام الحرمين ومتابعوه
والبغوي وآخرون " أصحهما " الوجوب وفاء بذمته
(هذا
هو الأصح عند الشافعية ) in
la aaso inay waajib tahay gaalkii macsuumka ahaa in la aaso sidaaso raafici
waxa uu yidhi:
إنه الأطهر
إنه الأطهر
In la aaso baa adhara kuwaasi waa shaaficiyadii waxaanay daliishanayaan
yacni in dimadiisi loo ilaalaiyo oo loo dhawro .
Hadaynu eegno xanaabilada
kitaabka la yidhaahdo (النكت والفوائد السني عاى مشكل
المحرر
لمجد الدين إبن تيمية لإبراهيم إبن محمحد إبن مفلح أبو إسحاق برهان الدين )
waxaa ku qoran:
وقطع المصنف في شرح الهداية بأنه يجب
دفنه ذميا أو كان حربيا أو مرتدا
وقال هذا طاهر كلام أصحابنا إقتداء
بفعله صلى الله عليه وسلم في حق أهل بدر حيث ةاراهم في القريب
لأن في تركه سبب للمثلة به وهي ممنوع
منها في حقه بدليل العمومات النهي عنها
In la aasaasaa inay waajib tahay dimi ha noqdo xarbi ha noqdo ama murtad
inaguna hada ka aynu u jeednaa waa kee
qadiyadeenu ay khusaysaa waa dimiga waayo nabigu kuwii badar lagu laayay iyagoo
kufaar xarbiyiina wuu aasay in la aasuu amray hadii laga tago buu leeyahay
dhulka dushiisa lagaga tago muslaa ku jirta buu leeyahay musladuna waa mid la
diiday saasi ayuu yidhi markaa isagu tacliiq kale ayuu ka daba gaynayaa Al
mardaawi kitaabka Al-insaaf wuxuu yidhi:
إلا أن يجد من يواريه غيره فيدفنه
قال المجل في شرحه ومن تابعه أذا لم
يكن له أحد لزمنا دفنه
ذميا كان أو حربيا أو مرتدا في طاهر
كلام أصحابنا
Waa gaalkii inagu dhex dhintay inaga muslimiina hadaanuu lahayn cid
qaraabo ah ama gala kale waxa inagu laasima inaga muslimiina inaan aasno
sadexdaa kuu doonayo ha noqdo daahirka kalaamka asxaabtayada markaasuu
sheegayaa waxay ka yidhaahdeen murtadka iyo xarbiga fuqahada xanaabilada
qaarkood xanafiyada laftooduna saas oo kalay yidhaahdeen adiladay daliishadeena
waxa kamida xadiiskii nabigu cali ibna abii daalib uu amray aabihii oo gaala
laakiin aan xarbi ahayn inuu aaso oo (بدائع الصنائع) oo kale waxa uu odhanaya:
والأصل فيما روي عن علي رضيي الله عنه
لما مات أبوه أبو طالب جاء إلى رسول الله
Dabadeetana xadiiskaa ayuu daliishanayaa, waxa kale oo ay yidhaahdaan
xanafiyadu oo kutubtooda ku qoran hadii uu dhinto nin gaali oo qof Muslima uu
dhalay waajib bay ku tahay inuu aaso xataa inuu maydho ayay iyagu yidhaahdaan
oo daahiriyo sida marada nijaasta looga maydho oo kale maaha sidii muslimka loo
maydhayay waayo waxay leeyihiin (هذا من الإحسان والبر للوالد)
markaa waajib ayay ku noqonaysaa hadaanay jirin cid kaloo isagay waajib ku
noqonaysaa inuu hawshaa qabto waxaanay daliishadaan xadiiskii cali ayay
daliishadaan .
Waxaad u timaadaa maalikiyada kitaabka (حاشية العدوي على كفاية الطالب) oo
kamid ah kutubta maalikiyada isna waxa ku qoran :
قوله فريضة وقيل سنة كفاية وأما
الموارات بالدفن ففرض بالتفاق
قوله أي موتى المسلمين بل يجب موارات
الكافر ولو حربيا إذا خيف عليه
الضيعة بتكفينه في شيئ ودفنه وقيل يترك
الحربي
In la aaso la asturo aasitaan lagu qariyaa waa faral bitifaaq wuxuu
leeyahay saaxibu al asli muslimiinta dhiatay
wuxuu leeyahay saaxibu al xaashiya لا مفهوم له
Mafhuum malaha oo maaha maydka aasitaankiisu waajibka yahay maydka
muslimka ah uun بل يجب موارات الكافر ka gaalka ah laftiisa in la aasaa waajib ah
Oo iimaamu maalik wuxuu tilmaamay yacnii muslimku inaanuu aasin hadi la
helayo cid aasta hadii uu dayacmayana muslimiintu waa inay aasaan waa la
aasayaa gaalka xarbiba ha ahaadee hadi uu dayacmayo xarbiga lama aasayo ee
banaankaa lagag tagayaana waa qiil raajix maaha madhabkiina maaha cinda
maalikiya sidoo kale xanaabilada agtooda.
حاشية
الدسوقي waxa ku taala :
لو وجد كافر ميت وليس معه أحد من أهل
دينه ولا من أقاربه المسلمين
وخيف ضياعه وجبت مواراته كما في
المدونة وطاهره ولو كان حربيا
وقيل إن الحربي يترك للكلاب تأكله
Hadii la helo kaafir mayit ah oo qof ay isku diin yihiinoo aasaa aanuu
jirin iyo qof qaraabadiisi kamid ah oo muslimi oo looga baqo inuu dayacmo waxa
waajiba in la aaso sida mudawanaha ku jirta daahirkiisu waa xataa haduu xarbi
yahay waxa la yidhi – waa qiil xarbiga isaga waa layskaga tagayaa aydaa looga
tagayaa ha cuntee
شرح
مختصر الخليل للخرشي
isna waxa kutaal:
ولا خصوصية للأب مع خوف الضيعة بل كل
كافر يجب أن يوارى وتسترى عورته
إذا خيف عليه الضيعة ولو حربيا وقال
بعض يترك الحربي
Maaha maydka aasitaankiisu kugu waajibayaa inuu aabahaa yahay oo qudha
gaal kasta oo dhintay waxa waajiba on la aaso oo cawradiisa la asturo haddii
dayac looga baqo اhaba noqdaba mid muslimiinta dagaal kula jira e .
Kitaabka la yidhaahdo AL-fawaakih
Adawaani calaa risaalati ibna abi sayd al qirawaani Isna waxa kutaala markay ka waramaan
muslimku inaanuu maydhayn aabihii oo gaala haduu dhinto qabrigana aanuu
galinayn waxay leeyihii xanaabiladu khilaafayan xanafiyada u samafalkii
waajibka ahaa dhimashada gaalnimada u uku dhintay ayu uku dhacay إلا أن يخاف أن يضيع بترك مواراته inuu ka baqo mooyaane inuu dayacmo oo
aaslaantaasi ay dayacdo ا
فليواريه واجبا بكفن ودفنه لما يلحقه
من المعرة ولا يستقبل به قبلتنا ولا قبلته
والكافر يتناول الحربي خلافا لبعض والأصل
في ذلك ما ورد أن أبا طالب
لما مات جاء ولده علي إلى النبي صلى
الله عليه وسلم وأخبر بذلك فقال إذهب فواره
والمقام يدل على أنه عليه الصلاة
والسلام لم يأمره بموارته إلا عند عدم من يباشر ذلك
من أهل ملته طاهر كلام المصنف أن الكافر غير القليب لا تجب
مواراته عند خوف ضياعته
وليس كذالك لب وجوب مواراته عند خوف
الضيعة عام حت في الأجنبي
ويمكن الجواب بأن المصنف وغيره كخليل حيث قال ولا يغسل المسلم أبا كافرا
ولا يدخله قبره إلا أن يضيع فاليواريه إنما نسى أو يتوهم فلا ينافي أن غيره كذلك
بل أولى لأن الأصل وجوب موارات الآدمي
ha aaso aasitaan waajiba waayo
ceeb baaba kasoo gaadhaysa inuu aabihii oo mayda banaankaasi uu kaga tago
qiblada muslimiintana u heedin maayo buu yidhi qiblada muslimiintana yaanuu u
jeedin buu yidhi kaafirka aaskiisu waajibka yahay xataa kii xarbiga ahaa baa
soo galaya
Markaa si aan loo moodin gaalka aasitaankiisu wajibka yahay ka qofka ay
qaraabada yihiin uun inuu yahay ayuu tanbiih dhigay ز
Aalkubana waxa weeye bani aadamka in la aaso masaladaana hora uga
hadalnay sida aayadaha quraanka ahi tilmaamayaan ilaahayna subxaanahuu
watacaalaa uu ugu mana sheegtay saas oo kale
المبدع
شرح المقنع oo
kamida kutubta xanaabilada saasaa ku qoran:
إلا أن لا يجد من يواريه غيره فإنه
يلزمنا دفنه في طاهر كلام أصحابنا لأن قتلى بدر ألقوا في القليب
ولأن يتضرر بتركه ويتغير ببقائه
Oo cid kaloo aasta haduu muslimku waayo ,waa idiin sheegay waxaan idin idhi
xadiiska asxaabti badar lagu laayay maydka in la aaso bay culimadu u
daliishadaan imisa qawl baynu hada aragnay oo may odhan aaskiisu waajib maaha .
Calaa kuli xaal qadiyada dafnigu waa qadiyad ka baxsan maxalu nisaaciiba
waxa laga hadlayay muxuu ahaa kaafir mucaahada oo macsuuma mala gubi karaa
masalada laga hadlayay taasay ahayd qof usoo qaadan karaa ma jiro tusaale ahaan
hadalay culimadu ka yidhaahdeen kaafir xarbiya waayo culimadu iyagaa
tansiisinaya labadaasi inay kala xukum duwan yihiin kaafirkii macuumka aha aiyo
kaafirkii xarbiga ahaa iyadoo kaafirka xarbiga ah laftiisa aasitaankiisa in
badan oo culimada kamid ahi ay yidhaahdeen waa waajib oo saas arkaysay waa sida
uu yahay madhabka cinda maalikiya sidoo kale xanaabilada shaaficiyadana
shaaficiyadana waxa kutubtooda ku taal kaafirka xarbiga ah mala aasayaa mise
waxa banana in dhulka lagag tago laba qawl bay ku leeyihiin labadabana
kutubtooday kusoo naqliyaan laakin muctamadku agtooda waxa weeyaan
aasitaankiisu inaanuu waajib ahayn calaa kuli xaal qadiyada aasitaanka iyo
gubistu labay kala yihiinba oo hadii la dhaho banaankaa lagaga tagi karaa
macnaheedu waa la gubi karaa maaha gubista iyada adilaa kusoo aroortay culimada
shaaficiyada ee waawaynina hadaladii ay ka yidhaahdeen gubitaanka maydka waa
inagii akhrinayba markaa laba lays kaga qiyas qaadan karoba maaha ayda la
leeyahay waa lagu diri karaana dee aydaa cuntaye adugu maad gubin saasoo kale
adugu gacmaha ulamaad taginoo musla maad samayn waxa u badan ee ay leeyihiin
waa anaga waajib naguma aha inaan aasno isaga iyo bahaluhu waxay kala yeelayaan
hakal yeelaane laakiin ahlu cilmigii maxay u badan yihiin marka fuqahada
madaahibta la eego xataa kaafirka xarbiga ah in la aasaa inay waajib tahay
iyagoo daliishanaya adilada aad maqashay qadiyada markaa ku saabsan gubitaanka
kaafirka isagoo nool ama isagoo dhintayba ama qof muslimaba qadiyadaasu waa
qadiyad ka baxsan masaladii aynu ka hadlaynay waayo gubitaanka noocaasiyi waa
gubitaan ciqaab awgii ku saabsan ama saxaaba ha noqdaan cali oo kale kuwii uu
gubayay iyagoo noo ee ibnu cabaasna u uku khilaafay dee wuuu ku ciqaabayay
gubista waxaanay ahaayeen kufaar aan macsuumiin ahayn markaa looma daliishan karo
loogamana qiyas qaadan karo kaafir macsuuma gubistii oo in la ciqaabaa isagoo
nool iyo isagoo dhintayba aanay shareecadu waxa weeyaan aanay dhigin marka
masaladaasu wa masalo kale oo iyadu in sideeda looga hadlo u baahan ahllu
cilmiguna ay u badan yihiin xataa ciqaab ahaan qof inaan loo gubi Karin saasay
ahlu cilmigu u badan yihiin waana sida daahiru adila ay tusinayaso laakiin si
ay noqotoba taas mid laga hadlayay maahaba loomana soo qaadan karo tii laga
hadlayay oo ahayd kaafirka macsuumka ah ee waliba dadka muslimiinta ah
dhexdooda ku dhntay والله أعلم
Su’aal 12aad :
Masaladani waa masalo fiqiyoo ijtihaadku ku kala duwanaan karo aaraaduna
ay ku kala duwan yihiin maxaa waxanoo hadala idin galiyay ee
dawladiyo uun aad ugu sheegi waydeenoo intaasoo meelood aad uga hadlaysaan ?
Qadiyadan dhacday ee aynu darsigii xalayna ku tilmaamnay suurada dhabta
ha ee ay leedahay maaha qadiyo ijtihaadiya qof ahlu cilmiyana qadiyad
ijtihaadiya ma dhihi karo gubitaan qof bani aadama la gubayo oo dadka gubaya
ama noo guba lehi ay yihiin dad arinta noocaasiya diin ka dhiganaya oo ku
cibaadaysanaya ma taasaa ijtihaadiya oo la odhan karo waa masalo lagu kala
duwanaan karo oo qof waa banana tahay qofna ma banaana ku tagi karo ma diinu
hunuus walmajuus walbuudiyiin baa arin ijtihaadiya ma waxaa ijtihaadiya
astaamaha kufaarta in lagu muujiyo dhulka islaamka in shicaarkii astaama
diimeedyadii iyo munkaraatkii kufaartu inay
ku tabajuxaan oo dhulka islaamka ka muuqdaan oo si muuqata ay u
sameeyaan ma taasaa ijtihaadiya maaha ijtihaadi ma waxa ijtihaadiya inay muslimiintu
fuliyaan diinu al-majuus wal-hunuud iyo buudiyiinta oo ay ka dhigan tahay dee
in muslim inta lasoo dhigo ay buudiyiin dhahaan noogu tukada oo buudiyiintu ay
tukadaan markaa salaada muslimiinta saasay ka dhigan tahay oo kuwan le noo guba
waxay ka dhigan tahay noogu tukada arin diiniya noo fuliya weeyaan micnaheedu
horena waynu u sheegnay adiladana waynu tilmaamnay ilaahay wuxuu leeyahay
markuu cibaadu raxmaan amaanayay wuxuu yidhi:
(والذين لا يشهدون الزور وإذا مروا
باللغو مروا كراما)
yacni ma banaana in loogu kaalmeeyo waxijtihaad lag utilmaami karona
masaladaasi maaha markaa qadiyada aynu ka hadlaynay maaha qadiya ijtihaadiya bal
waa qadiyada culimadii ka hadashay ay yidhaahdeen cidii samaysay gubitaanka
amwaada buudiyiinta la gubayo ee u fulisay ama ka qayb qaadatay waxa waajiba
inay toobad keenaan waa qadiyad ijtihaadiya qofka lama yidhaahdo waxa waajiba
inuu toobad keeno oo ilaahay waxa weeye dambi dhaaf waydiisto qadaaya
ijtihaadiya waa laga niqaashaa bilxuja waana sida sheikh islaam ibnu taymiya uu
yidhi majmuucu fataawaha :
يجوز الإنكار في مسائل الإجتهاد بالحجة
والدليل لكن لا يجوز في مسائل الإجتهاد
بالسب والشتم واللمز والنبز والتشنيع
والتشويه
Masaladu ijtihaadiba ha noqoto waad odhan kartaa taadu waa qalad adoo
daliil sheegaya iyo xujada aad u aragto inay sawaab ka dhigi karto .
Markaa qofka isagu masaladaa ijtihaadi u arkaa (إذا كان يرى أن هذه المسألة إجتهادية
لماذا يشنع على من خالفه فيها )
Muxuu ugu tashniicinaya oo erayo aan haboonayn oo erayo xun inay yihiin
ay muuqato oo aadaabtiyo xiwaarka naqdiga ah ka baxsan muxuu ugu odhanayaa
isagu (لماذا
يلزم بقوله) Muxuu qawlkiisa ugu dhaqmi waayay oo u
odhan waayay masaladu waa masalo ijtihaadiya cida saas ku tagtay saasay ku
tageen ijtihaadkooday qabaan ana saanaan ku tagay anigana waxan iyo waxan baa
ii daliila masaa’isha ijtihaadiga ah dee saasaa la yidhaahdaa laakinn cida kuqu
khilaafta laguma tashniiciyo oo erayo xun xun loo dusiyo iyo hadalo ay ka
muuqato kibir iyo ixtiqaar tashniiciyo ay ka muuqdaan masaa’ili ijtihaadiya
lama soo dhex galiyo waa sida ay ahlu cilmigu ay tilmaameen والله أعلم
FG: Masalada dhacday masalada noocaasiya bay ahayd sidaynu sheegnay
dhacdadaana waxaynu tilmaamnay waxa
keenay inaynu ka hadalno inay tahay suurada ay tahay oo ah suurada shareecada
islaamka khilaafsan culamaa’u islaamna aanay banyan wax alaale axa fatwo lagu
sheegay ama aqwaalna Ajnabi ay ka yihiin dhacdada waxa weeyaan aynu ka
hadlaynay adiladaana wa u daliishanay quraan iyoo sunaba leh wajhu dilaalana
waa cadaynay say masaladaasi iyo adiladaasi ay u tusinayso waxa kale o cadaynay
ahlu cilmiga masaladaasi inoooga horeeyay bal waxaynu tilmaamnay inaynaan ogayn
cid ahlu cilmiga kamida oo tiri suurada noocaasa baa banana oo fil islaam ku
banana suuradaa waxa ka baxsani waa waxa mar dambe loo iman doono oo ma banaana
suurada hadalkaba keentay ama masaladii hadalkeeduba u uku yimi inaan xageedaba
loo kicin oo qofku masaa’il kale uu ka hadlo oo iyada aan ahayn horta iyada in
laga hadlo weeye oo qofku haduu cid naqdinayo cidii uu naqdinayay waxii ay ka
yidhaahdeen intuu soo qaado bidaliil walburhaan u uku naqdiyo laakiin masaa’il
kale in loo tagaa ma banaana markaa masaladaasina waxan rajaynayaa isha alaah
in ay masaladaasi ka faa’idaysteen iyo dhamaan dadka muslimiinta ahiba ay
axkaam badan oo fiqiya ay ka barteen waxaanayna isha alaahu tacaalaa sabab u
noqon doontaa inaanay mar dambe inagu soo noqon anaga hadalka aan ka hadalnay
masalada shaki kuma jiro inuu noo soo
jiidayo in dadka qaarkood ay na caayaan oo ay nagu tashniiciyaan qaarkood haday
doonayaan ay nagu colaadiyaanba laakiin waxaynu uga hadlaynayba ilaahay
diintiisa ayuunbaan u gar gaaraynay oo waxaan kamid ahayn oo aanay ogalayn in
lagu tiriyaa inaanay banaanayn ayaanu ku dadaalaynay waxaanaynu u
nasteexaynaynay dadka muslimiint aah e waxani dhexdooda uu ka dhacay oo u
sheegaynay waxaasi inuu yahay wax aan banaanayn hadii kalaamkayaga ama
hadalkayugu uu noqon lahaa midaan ujeedooyin kale aanu ka leenahay in aanu cid
tusaale ahaan hoosta aanu marino ama cid inaanu liidno ama cid aanu liidno ama
cid inaanu dhaleecayno ama cid inaanu ceebayno hadalkaygay ka dhex muuqan
lahayd waan awoodaa anigu markaan masa’ishan aan ka hadlayo kalimaad badanoo
lamsi ama shatmiya ama qamsiya am gabsiya ama sabiya inaan ku hadlo laakiin (لكن ديني يمنعني من ذلك)
waxan diidayaa inuu ikhlaasku iga xumaado oo markan masaladan aan ka hadlaayo
ilaahay baan ku dhaartee waxan ilaahay mar walba waydiistaa ikhlaas ilaahayoow
ilaahayaow hadalkayga haka dhigin midaan ujeedo kale ka leeyahay ilaahow waxaad
ka dhigtaa mid adiga daraadaaya oo ilaahow waxan ku waydiisanayaa inaad ii
ilaaliso qalbiga oo aanu dhinac kale aanuu igga leexan .
وأسأل الله أن يعيننا جميعا ذلك وصلى
الله على نبينا محمد وصحبه وسلم تسليما كثيرا
.png)
0 Comments