Subscribe Us

Header Ads

Qisadii nabi aadam cs Q.5aad

 


Marka nabiaadama cs ilaahay abuuray naftaa lagu afuufay nafta iyo ruuxda tilmaam badan lagama bixin karo oo cilmigeeda ilaahay baa la gaar noqday ugumana tala galin in aqoonteeda aadamuhu bartaan kaliya waxaan ognahay khalqi khalqiyada alle kamida weeye ili ma qabato aadame lamana arko ee noloshiisu waa intaa ay ku jirto markuu dhintana dhagax iyo dhoobo kama duwana aadam dhoobaa ilaahay ka buuray kadib naf baa la galiyay nafta iyo jirkana abuurka naftaa horaysay naftuna naftana intaanay jidhka galina qaybaa is arka markii hidhka laga saarona way is arki karaan intii isku meel la geeyo saa darteed nafta iyo jidhku waa kala laba markii nafta laga saaro ee la aaso kadib baa lagu soo celiyaa naftu inay abuuraydoo jidhka ka horaysay xagaa waad ka garan nabiguna csw waa sii sheegay waxa uu yidhi:

الأرواح جنودٌ مُجنَّدةٌ، فما تعارف منها ائتلف، وما تناكر منها اختلف

Naftu waa khalqi ilaaay abuurayoo labadii nafoodee hore isu yaqaanay intaan jidhka la galanin marka jidhka la galiyo durba waa isla jaanqaadayaan labadaan is aqoonina way kala boodayaan nafta hore isu taqaiinay iyo ta aan isu aqoonini waa jidhka kahor .

Ilaahay laba meelood buu quraanka ku sheegay laba meelood:

وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَائِكَةِ إِنِّي خَالِقٌ بَشَرًا مِّن صَلْصَالٍ مِّنْ حَمَإٍ مَّسْنُونٍ (28) فَإِذَا سَوَّيْتُهُ وَنَفَخْتُ فِيهِ مِن رُّوحِي فَقَعُوا لَهُ سَاجِدِينَ (29) سورة الحجر

إذ قال ربك للملائكة إني خالق بشرا من طين فإذا سويته ونفخت فيه من روحي فقعوا له ساجدين . في سورة ص  

Xalka aayada markaan dhameeyo oon ku afuufo naftayda idaafadaas loo tiiriyay waa idaafatu tashriiif waa khalqiga ilaahay sida adoomahayga loo dhahay oo kale weeye

 

Hadaba in la dhamaystirayo kadibna nafta lagu afuufayo kadibna sujuudu imanayso intaasay aayadu sheegtay naftii marka lagu afuufayna markiba dhaq dhaqaaq buu bilaabay nafta markii la afuufayay xaga kor baa laga soo galiyay markii intaa qoortiisa ilaa madaxa soo gaadhay ayuu hindhisay markaasuu wuxuu yidhi alxamdulilaahi rabil caalamiin ilaahay baa u jawaabayoo wuxu yidhi ilaahay hakuu naxariisto sidi bay ilaa hada suno inoogu tahay .

Markii uu aadam hindhisay ilaahay baa ku ilhaamiyay inuu dhaho alxmdulilaah Rabina uu u jawaabo dhaho yarxamukalaah -ilaahay hakuu naxariisto.markuu intaa yidhi baa ilaahay wuxuu ku yidhi orod malaa’igta xalkaa fadhida u tag salaam waxay kuugu jawaabaana si fiican u dhagayso waa salaanta adiyo ubadkaaga iyo faracaaga salaanta idiin noqon doonta aadam waa tagay sida xadiiska abuu hurayra ku sugan wuxu yidhi (السلام عليكم)   waa u hawaabeeno waxay dhaheen   (وعليكم السلام ورحمة الله ) rabi baa ku yidhi adiga salaantaada iyo ubadkaaga kaa dambeeya waa sidaa salaantoodu .

Kadib markuu salaamay ee saa lagu yidhi buu kasoo laabtay malaa’igtii rabi baa yidhi labadayda gacmood kala dooro intuu ka qariyay waxa ku jira buu yidhi kala dooro waxa ku jira aadam wuxuu yidhi waxaan doortay midigta rabigay labada gacmood ee rabigay waa midig waxaa la tusay wixii ku jiray arwaaxdii wuxuu dhali doono ilaa qiyaamaha laga gaadhayo waxaana lagu yidhi kuwan midigta waa kuwii janada galayay kuwan bidixdana waa kuwii naarta galayay markaasaa loo sheegay aadam kuwii midigta janada galayay buu fiiriyoo mid si gaara big- big- big u leh buu arkay wuxuu yidhi rabiyoow kaa big-big-big leh muxuu yahay wuxu yidhi waa nabi ubadkaaga kamida oo daa’uud la yidhaahdo nabi aadam markaa waa ogaa cumrigiisa kun sano inuu noolaaan doono waa ogaa waa loo sheegay markaasuu yidhi rabiyoow imisuu noolaan doonaa kaasi ilaahay wuxu yidhi afartan sano ilaahaw lixdan ugu dar buu yidhi wuxuu yidhi uma qorna ilaahaw ani iga gooyoo isaga boqolka u buuxi buu yidhi waan kaa aqbalay baa lagu yidhi in wixii u qoraa laga badalay quraankaa marag ka ahoo ilaahay wuxuu yidhi :

يَمْحُو اللَّهُ مَا يَشَاءُ وَيُثْبِتُ ۖ وَعِندَهُ أُمُّ الْكِتَابِ

Ilaahay wuxuu rabo waa tiara wuxuu rabanna waa sugaa oo waa daayaa qof cumri u qoraa waana laga jari karaa waana loogu dari karaa ilaahay wuxuu yidhi :

وَمَا يُعَمَّرُ مِنْ مُعَمَّرٍ وَلَا يُنْقَصُ مِنْ عُمُرِهِ إِلَّا فِي كِتَابٍ

Nin cumri looma dheereeyo ama lagama jaro hadiise ay dhacdo way qoran tahay

marka aadam dhimashadiisa la gaadho ooy malaa’igtu u timaado aadamna waa tirsanayee wuxuu yidhi lixdan sanaa ii dhiman waxa la yidhi waa lixdankii wiilkaaga daa’uud aad siisay masiinin buu yidhi wuu halmaamay saa darteed waa marka ilaahay leeyahay: قال فجحَد وجحَدت ذرِّيَّتُه ونسِي فنسِيَت ذرِّيَّتُه وخطِئ

فخطِئت ذرِّيَّتُه

 

Aadama waa halmaamay sunay noqotay ubadkiisina inay wax halmaamaan .

Saa darteed baa markii nabigu xadiiskii ibnu mascuudyo ee saxiixu muslimka salad salaadaha kamida ama wax ku daray ama wax ku kordhiyay ee la waydiiya wuxuu yidhi anigu bashar idinla mida baan ahay saad wax u hilmaamtaan baan wax u hilmaamaa hadaan hilmaamo I xasuusiya halmaamku aadam bay inagala soo bilaawatay saa darteed insaan waxaa la yidhi insaanka waxaa iinsaan loogu magacaabay waa hilmaamka ,

Markuu halmaamay hadana waa dafiray duriyadiisina waa dafirtay markaasaa nabigu wuxuu yidhi saa darteed baa waxa la is faray wixii dayna hala kala qorto markhaantina haloo sameeyo halmaam iyo diido baa dabciga binii aadamka ah

 Intaa markay dhacday kadib ayaa ilaahay faray malaa’igta in aadam loo sujuudo

Post a Comment

0 Comments