وإذ
قلنا للملائكة اسجدوا لآد فسجدوا إلا إبليس
Malaa’igtii ayaa la yidhi u sujuuda iyaguna waa ay u sujuudeen ma
malaa’igta oo dhan ayay ahaayeen mise qayb kamida ayay ahaayeen daahirka
quraanka
فَسَجَدَ الْمَلائِكَةُ كُلُّهُمْ
أَجْمَعُونَ
Malaa’igat waa sujuudeen dhamaantood ama cir ha joogaan ama dhul
darajaday doonayaan ha lahaadaan .
Ilaahay wuxuu ku adkeeyay laba
tawkiiid (كُلُّهُمْ
أَجْمَعُونَ) laysaga daba geeyay .in malaa’igtoo dhan
ay yihiin.
Inraa markaad aragto waxaad arki
doontaa asar ibnu cabaas laga warinayo oo odhanaya malaa’igta dhulka oo dhan
bay ahayd laakiin ma sugna .
Waxa kaloo dhacday in aadammagacyada wax kasta oo dhan la baray oo malaa’igtu markaa aaanay aqoon keebaa
horeeyay sujuuda iyo magacyada la barayay wax aad cad lama hayo laakin sujuuda
iyo abuurkayo naf galinta marka la eego waxay u eegtahay inay horaysay sujuuda
.
Waxaa diiday ibliis taas waa
dheeraanay ee waxaan ka horaysiinaynaa qodob cilmiya.
Hadalkii malaa’igta ee hore waxaa
laga dareemi karayay inaanay qadarka ilaahay aadam ugu talagalay iyo qadar dad
duriyadiisi kamida oo anbiyo iyo saalixiina ay yeelanayaan oo aanay ogayno
garanayn darteed in qadarkii iyo darajadii aadam uu mudnaa aanay garanayn aqoon
iyo ogaala u lahayn ayaa muuqata .
Saas darteed sharafka aadam
ilaahay suu u tuso darteed cilmiguna sharafta uu leeyahay iyagayo aadamahaba
laynoo baro fadliga aadam uu ilaahay siiyay malaa’igtiisa oo agtiisa jooga ka
siiyay cilmi buu noqday
وَعَلَّمَ آدَمَ الْأَسْمَاءَ كُلَّهَا
ثُمَّ عَرَضَهُمْ عَلَى الْمَلَائِكَةِ فَقَالَ أَنبِئُونِي بِأَسْمَاءِ
هَٰؤُلَاءِ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ
قَالُوا سُبْحَانَكَ لَا عِلْمَ لَنَا
إِلَّا مَا عَلَّمْتَنَا ۖ إِنَّكَ أَنتَ الْعَلِيمُ الْحَكِيمُ
قَالَ يَا آدَمُ أَنبِئْهُم
بِأَسْمَائِهِمْ ۖ فَلَمَّا أَنبَأَهُم بِأَسْمَائِهِمْ قَالَ أَلَمْ أَقُل
لَّكُمْ إِنِّي أَعْلَمُ غَيْبَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَأَعْلَمُ مَا
تُبْدُونَ وَمَا كُنتُمْ تَكْتُمُونَ
Magacyadoo dhan baa ilaahay baray gaar laynoogama dhigin qayb gaara wax
kasta oo magac lahaa baa ilaahay magaciisa baray waxyaabihii aadam magacooda la
baray baa malaa’igta la yidhi sheega haday say idinla tahay ama laydiinka
dareemi karo oo ah inaa aadam darajo dheertihiin ah dee cilmi baa lagu kala
qiima badnaadaaye sheega magacyadan mana yaqaanaan malaa’igtuna ilaahay ma
caasiyaanoo dee indha adayg Meesha ma taal waxay dhaheen waxaad na bartay
mooyee rabiyoow wax kale cilmigeeda malihini kana kama mid ahayn wixii aad na
bartay .
Aadmaw u sheeg buu yidhi magac yadooda bar markuu magacyadii u tiriyay
eey garan waayeen ilaahay wuxuu yidhi maanan idinku odhan waxaad banaanka
keensataan iyo waxaad qarsataan baan ogahay ilaahay cilmigiisi oo aanay iyagu
ogayn buu u muujiyay in xikmada ilaahay uu u abuurayay aanay ahayn xataa hadii
isa aiyo ubadkiisa wax ka dhaco inuu iyaa ka itaal iyo Daraja hooseeyo inaanay
ahayn inuu cilmi iyo fadli dheeraada uu siiyay oo uu dheeraan karo .
Intaa kadib waxa ku xigta aadamaha inta wanaagsaniyo malaa’igta yaa fadli badan hada malaa’igta iyo aadam yaa fadli badan baa
timi markaa waxa leenahay aadam nabi buu ahaa anbiyada ku dar qaarna waxay ku
dareen saalixiinta anbiyadaa raacay oo iyagoo leh shahwadii leh oo imtixaankii
adunkoo haysta leh naftii la jihaaday oo daacadii ku toosiyay iyo malaa’ig aan
shahawaadkaba loo abuurin oo daacada ku abuuran dadaalkay hayaan Kuwana
samaynteeday ka badan yihiin oo ma daalaan waaye Kuwanina dadaalkaa ay cibaadada
ilaaliyeen oo imtixaankaa ku furan oo malaa’ig ku furayn bay kaga dadaal badan
yihiin marka yaa fadli badan labadooda ? xalkaasay ka bilaawataa
Su’aashaana waxa xoojinaya oo keenaya aadam cs
anbiyadii iyo duriyadiisi ka dambaysay qayb iyaga ka fadli badan baa ku jiray
shanta u fadliga badan ee uluu casmiga aadam kuma jiro shantaana nabi muxamad
baa ugu fadli badan nabi ibraahiim baana ku xiga cs dee marka taasi haday
dhacday oo qaar ubadkiisi kamida ka fadli bateen isaga iyo malaa’iga in lagaa
hadlaana ka dhaw gunaanadkana waxay u dhawdahay inay anbiyadu ka fadli badan
yihiin malaa’igta sida aadamba malaa’igta munaasabadan uga fadli badnaaday .
Intaa kadib ninkii ibliis ahaa waa diiday inuu
aadam u sujuudo waxaanu ku faanay waxaad iga abuurtay dab kana dhoobaad ka
abuurtay dhoobo iyo dabna isku darajo iyo manfac maaha oo dabka ka fiican .
Arintaasi dood bay dhalisay laba arimood weeeye.
-Isagu dab baan kasoo jeedaa baan ku fiicnahay sax
maaha
-Mida labaad sideedaba dabku ciida maka fiican
yahay su’aashaaasaa is waydiin mudan ?
Culumadu aad bay uga niqaasheen ilaa shan iyo toban
qodob oo dhulka iyo ciidu kaga fiican yahay dabka .
Marka la isku cel celiyo dhawr qodob baa laysku soo
aruurin karaa ,
Dabka fudayd baa lgu yaqaanaa ,waxaa lagu yaqaanaa
fasaad iyo wax baabi’in labadaas baa u aasaasa .
Ciida waxa lagu yaqaanaa daganaan,manfaco diin iyo
aduunyaba manfacada diinta ilaahay masaajidiidi baa ku yaala oo lagu caabudayo
masjidkii xaramka ahaa oo isaga kaliyi haduu ku yaal Sharaf ugu filaan lahaa
baa ku yaala wax inta ilaahay barakeeyay oo diin ahaan u barakeeyay dhulkaa
laga helaa ilaahay baa barakeeyayna ilaahay baa quraankiisa ku sheegay
وَنَجَّيْنَاهُ
وَلُوطًا إِلَى الْأَرْضِ الَّتِي بَارَكْنَا فِيهَا لِلْعَالَمِينَ
Naar baa barakausan oo barako loogu sheegay lama
hayo nacfi aduuna naflahoo dhan nacfigiisa dhulkaa ilaahay galiyay .
Sidoo kale dabku meel ma fadhiyo dabayluhu markay
yimaadaan xagay u dhufataaba ways gubi, dhulka laakiin dabayl ba leex leexiso
xalkiisii baad ugu imaan .
Maadama aadam dhoobo laga abuuray wuxuu ka dhaxlay
daganaan iyo nacfi saa darteed markuu dabi ka dhacay dib daganaanuu isugu
fiirsaday wuu soo noqdoo toobad keenay daganaantii iyo nacfigii ku jiray baa ku
soo duxay .
Kan Kalena fudaydii dabkaa dhaafiyay ciidu nacfigay
lahayd saa darteed tan iyo maalinkii aadam qori daba buu ibliis la wareegayaa
dhib ilaa qiyaamaha ah asalka kusoo duxay fasaadkii baa kusoo duxay .
Saasoo kale quraanka marka dab laga sheekaynayo
boqolkiiba sagaashan dhib baa loo sheegay in wax lagu cadaabayo dhibuun baa
laga sheegkaynayaa dhulkana nacfi baa laga sheekaynayaa halmar baa la sheegay
inaw yahay waano kuwa dambi gala in dabkaa lagu cadaabayo iyo nacfi kuwa wax
karsanaya ah .
.png)
0 Comments