Subscribe Us

Header Ads

Axkaamta Gaalada dhimatay Su’aalo Lagu Waydiiyay Sh. Barbaraawi (Q.1AAD)

 


 

الحمد لله رب العالمين والعاقبة للمتقين ولا عدوان إلا على الضالمين وصلى الله على نبينا محمد وعلى آله وصحبه وسلم تسليما كثيرا .

أما بعد: السلام عليكم ورحمة الله وبركاتهز

 

Majliskeenan Ama Muxaadaradan sidaad maqasheen  waxaynu kaga hadli doonaa mawduucaas  waxaadna ogaydeen dhacdo wadankeena ka dhacday
Oo sabab u noqotay in masaladaasi laga hadlo, ama sidii looga hadlay looga hadlo
Ilaahay subaxaanahuu watacaalaa ayaa qadaray in dhacdadaasi dhacdo
.

  ولله في كل واقعة جكمة  Rabina subaxaanahuu watacaalaa dhacda kaste iyo waxa uu qadaro xikmad iyo ujeedo ayaa rabi subaxaanahuu watacaalaa  uu ka leeyahay.

Waxyaabaha inoo muuqan karana waxa kamida in dadka muslimiinta ahi dhacdadaas iyo kuwa lamidka xukunka ay ku leedahay Fii-shariica Islaamiya ku baraarugaan oo bartaan.

Waxaana laga yaabaa hada dad badanoo mass’ishaa fiqiga ah Ama cilmiga ah ee arintaa iyo kuwa la xidhiidha hore aan u maqalba hada inay maqleen dadka ahlu cilmiga ahina mas’ishan waa ka hadli karaan waana ka niqaashi karaan iyagoo wada jooga, iyo iyagoo kala maqanba ta waajibka ahi waxay tahay uun in hadalku noqdo lilaahi wamabniyu calaa ikhlaas mid ilaahay daraadi ah ikhlaas iyo ilaahay in loo badhax tirayna ku dhisan. Iyo masaa’isha sida ilaahay ina amray in loo celiyo waxyiga waxa rabi subaxaanahuu watacaalaa uu yidhi:

فإن تنازعتم في شيئ فردوه إلى الله ورسوله إن كنتم تؤمنون بالله ورسوله واليوم الآخر وما اختلفتم فيه من شيئ فحكمه إلى ا

Waxa laga yaabaa dadka qaarkood inay yidhaahdaan mas’aladan hadalkeedu wuu soo noq noqday inaw soo noq noqdo wax dhib ah malaha hadii si cilmiya looga hadlo oo masaa’il fiqhi ah dadka loo muujiyo ikhlaaska iyo ilaahay daraadiina inay noqto lagu dadaalo aadaabtiyo dhaqanka wanaagsana la ilaaliyo marka laga hadlayo mass’ishaa cilmiga ah wax dhib ah malaha .

Hadalka laga hadlayo maa’ishan iyo kuwa lamidka ah maaha in dadka lagu kicinayo dawladda waa masalo diinya xukunka sharciga ah ee ay leedahay laga hadlayo ma wax banana baa mise waa wax aan banaanayn .

Waxanan u malaynayaa dadka intii dhagaystay kolay anigu khudbadahaan kusoo hadal qaaday iyo su’aal layga waydiiyay iyo su’aal layga waydiiyay saab Tv-ba

Inaanay ka dhex muuqan wax la odhanayo waa kicin dadka lagu kicinayo dawladda

Masaa’isha diiniga ahina dadwaynaha hakasoo fulaan ama dawlad haka soo fulaan dadka ahlu cilmiga ahi waa inay uga hadlaan si cilmi ah oo diinta iyo shareecada waafaqsan in dadka dawladda lagu kiciyaana manhaj iyo wado aanu ku socono oo diin noo ah maaha dadkuna taasi si fiican bay uga warhayaan oo ay u yaqaaniin.

Intaa waxaan raacinyaa hadalka masalada laga hadlaayay dhacduu ku saabsanaa

Waxaanay ahayd in qofkastoo ka hadlaayaabaa in hadlaku noqdo mid ku shubmaya dhacdadaadaa xukunkeeda marka koowaad wixii kale ee lagu darayo ha lagu daroba,e laakiin marka koowaad waxay ahyad in dhacdada xukunkeeda laga hadlo in masalada xukunkeedi dadkii ka hadlay dhacada xukunkeedi aanay u abaarin oo masaail kale oo maxalu nisaaceedi hadalkii laga hadlayayba ka duwan hadalkoodu ku shubmay waxay sababtay in dadka in badano kamidi oo caamatu naas ah iyo dalabau cilmi ahba ay fahmi waayaan xaqiiqada  masalada iyo maxalu nisaaca sidaa awgeed waxaan suuraynayaa waxa dhacay een ka hadalnay ee aanu nidhi waxaasi ma banana fii shariica islaamiya kuma banana cia nagu khilaaftana aanu ka sugaynay inay ka hadlaan laftiisa oo ay yidhaahdaan waxaasi waa banana yahay daliilkiisuna waa aayadaa waa cadiiskaa waa ijmaacaa waa qiyaaskaa saxiiixa ah waxa dhacay wuxu ahaa walaalayaal saad ogaydeen gubitaan qof dhintay la gubay gubitaankaasi ma uusan ahayn gubitaan qofkaasi dambi uu galay lugu ciqaabaayay  oo  حرق وقع لعقوبة  ma uu ahayn gubitaan qofka loo gubo ciqaab la ciqaabayo awgeed xalkaa isaga inoogu tiiri tani mabay ahaynba manuu ahayna gubitaan u dhacay li ihaana qofkaasi oo la muujinaayay hoosayntiisa iyo quudhsiga la quudhsanaayo oo tusaale ahaan ma uu ahayn qof dad muslimiini ay jihaad ku dileen kadibna maydkiisi ah gubeen ihaano darted ee muxuu ahaa ? wuxuu ahaa

حرق ديني تعبدي فعلت تعظيما  لهذا الميت

Wuxuu ahaa gubitaan diiniya oo dadka samaynayay ay diin u samaynayeen oo ay ku cibaadaysanayeen oo maydkaana ay ku waynaynayeen oo ay u arkayeen in uu darajo ku gaadhayo sida dadka muslimiinta ahiba markay qof ku tukunayaan ay tahay sababta ay ugu tukanayaan in maqfiro ilaahay u waydiiyaan iyo naxariis iyo daraj sare adoonkaa ilaahay inuu gaadhsiiyo horta gubitaanku ka noocaasiya buu ahaa kaasaanay ahayd qof kastoo ka hadlayaayi inuu ka hadlo.

هل وجائز في الشريعة الإسلامية أم لا؟

Gubitaanka noocaasiya shareecada islaamku ma banaysay quraanku ma baneeyay axaadiistu ma banaysay axad culumada islaamka kamidi ma yidhi gubitaanka suuradaa iyo noocaa leh ayaa xalaaloo banana taasay ahayd in laga hadlo.

Masalada labaad ee raacday waxay ahayd ee ah shicaar alkufri    من الهندوس والمجوس والبوديين    Astaan kamida astaan diimeedaka ay leeyihiin Hinduuska,Majuuska iyoo buudiyiintu oo hadana dhul daaru al islaam ah oo gaalo meelaba ayna kasoo galin oo xataa dhul la leeyahay  iyagaa lehoo dadkan muslimiinta ah ee dagani xoog bay ku qabsadeen ama sulxi bay ku qabsadeen oo waxbaaba ugu hadh hadhaya tusaale ahaan hadii sulxi lagu qabsay kaniisadihii qadiimka ahaayo dhulaan ahayn ayaa shicaarka noocaasa laga muujiyay

Oo si muuqata oo aan qarsoonayn looga muujiyay .

Qodobka labaad oo cidii masalada ka hadlaysaa ay ahayd inay ka hadashaa kaasay ahayd inay ka hadlaan

هل يجوز إظهار شعارالكفار والمشركين في بلاد المسلمين؟

Ma banaantahay astaamo diimeedyada iyo munkaraadka kale in gaaladu ka muujiyaan dhulka islaamka  .

Masalada sadexaadna waxay ahayd in ddad muslimiini ay kala qayb qaateen taas oo shaki iyo khilaaf toona ku jirin hadaan la odhanba xaqiiqadeeda muslimiin ayaa fuliyay iyaguna suura ahaan bay ula socdeen markay ugu yartahay adcafu aqwaal waxa weeye in la yidhaahdo way ka qayb qaateen muskimiintu waana bilaa khilaaf  taasi marka masalada sadexaad  ee ay ahayd in laga hadlaa ma banaantahay in qof muslimi wax yaabaha gaalada shacaa’irta diiniga ah u ah gaaladu kiristaan ha noqdaan yuhuud ha noqdaan majuus ama buudiyiin ha noqdaan in uu kala qayb qaato ama u uku caawiyo ama uu suurta galiyo ma banantahay masaladaana waxaan filayaa dadkii masaladaa ka hadlay ee al mukhaalifiina lanaa iyadana inaanay u ban bixin masalo waxa jirtay oo maxalu nisaacba iyadu aan ahayn oo aad moodaysay dad badan hadalkoodu inuu ku wareegayay qofka gaalka ah ee dhul muslim ku dhinta maydkiisa in dadkiisa lagu wareejinayo een markay iyagu la wareegaana maydkiisa waxay iyagu aaminsan yihiin ay ku samayn karaan laakiin waxa shardi u ah tii hore aynu u sheegay oo ah inaanay muujin in lagu wareejin karo ha cunaan iyagay u taallaa taasi ama ha gubaan ama guryahooda haku haystaan waxa qarsoon ileen waaba kufaar waaba mushrikiine oo gaalnimadiyo guryahooda iyo meelaha u gaarka ah way ku sameeyaane een inagu waxaynu leenahay shareecada islaamka kuma banana oo wax baan odhan mayno laakiin inagu kama hor istaagayno oo ua diidanyno laakin muujintiisa lama ogola markaa taasina maxalu nisaac may ahayn.

Masaladan anugu markaan ka hadlay koay qofkii dhagaystay waxaan aad uga hadlay shicaaru kufaar dhul muslim in laga muujiyo iyo in dadka muslimiinta ahi inaanay ka qayb qaadan midina inaanay banaanayn waxaana rajaynayay cidii igu khilaafaysaa masaa’ishaasi inay ka hadlaan ee ma rajaynayn qadiyada ku saabsan aslu ixraau al kaafir asal ahaan gaal in la gubo ma banantahay haloo gubo cuquubatan ama ihaanatan in taa loo leexdo oo maxalu nisaaca loo leexdo ma rajaynayan man filayn een saab Tv-na markii layga waraysanayay sadexdaa qodob ee caawa aan sheegay ayaan sheegay raga qaar oo masuuliyiini maray I waydiiyeen masaladaa maxaad ku saluugteen aan u sheegno cidii fulisaye sadexdaa qodob baan u sheegay sadexdaas baan ku saluugna baan idhi

In waxani Uu yahay cibaado gaalada saysay ay ku cibaadaysanayaan astaan kamida astaamahoodana tahay iyo inay  dhulkii islaamka ka Muujiyeen  iyo in dad uslimiin ahi ay ka qayb qaateen sadexdaa qodob ayaan ku diidnay saas ayaan idhi markaa sadexdaa qodob kolay su’aalaha waa ku jiri doonaan waxa kale oo aynu ka hadli doonaaba asalka masalada qof dhinta in la gubaa asal ahaanba ma banaantahay ha loo guba ihaano ama ciqaab la ciqaabayay isago nool haloo guboba,ee inagoo masaladaasi adilada ku eegi doona markaa intaasi ayaan jeclaaday inaan ka hor mariyo ilaahayna waxaan waydiisanaynaa

 الإخلاص والقبول في أقوالنا وأعمالنا وفي سرنا وعلانيتنا

Su’aal 1aad: Guud Ahaan sharaa’icdii samaawiga ahaa ilaahay subxaanahuu watacaalaa soo dajiyay oo ay ka mid tahay shareecadeena ilaahay nabi muxamed kusoo dajiyay side bay ula dhaqmeen dadka dhintay? Yaa Aaminsan dadka dhintay in la gubo?.

 

Alxamdulilaah wasalaatu wasalaamu calaa rasuulilaah wacalaa aalihii wasaxbihii wasalama tasliiman kasiiraa ------- sharaa’icda ilaahay subaxaanahuu watacaalaa soo dajiyay dhamaanteeda waxay isku waafaqday ama masaladaa asal uga dhigtay basharka dhinta in la aaso oo dhulkii ilaahay uu ka abuuray lagu celiyo .

Saxaabiga la yidhaahdo ubaya wuxuu ka wariyay nabi muxamad salalaahu calayhi wasalam sida xaakim mustadrak-ga u uku wariyay bi’isnaadin saxiix inuu nabigu Calayhi wasalaatu wasalaam yidhi:

لما  توفي آدم غسلته الملائكة بالماء وترا وألحدوا له وقالوا سنة آدم في ولده

Nabi aadam markuu geeriyooday malaa’igtaa biyo ku maydhay tiro kala dhiman baanay maydheen Xabaashay ku aaseena iil bay u sameeyeen waxaanayna yidhaahdeen- hadalay iska yidhaahdeena maaha- waa wadada uu nabi aadam u jideeyay caruurtiisa.

Marka xadiiskaasu wuxuu daliil u yahay asalka binii aadamku inuu yahay markuu dhinto in la aaso.

Sidaa waxa sheegay ahlu cilmiga qaarkood sida ibnu caashuur oo mufasiriinta kamida caanka ah kitaabkiisa la yidhaahdo ataxriir watanwiir wuxuu ku leeyahay hadal dheer waxaa hadalkiisaa kamida.

فجاءت الشريعة الإهية بوجوب الدفن في الأرض

Shareecooyinka ilaahay soo dajiyay waxay la yimaadeen in qofka dhinta waajib tahay in dhulka lagu aaso.

Aayadaha quraanka ee ilaahay uu soo dajiyayna waxay tilmaamayaan arintaas oo ilaahay aayado dhawra buu ugu mana sheegtay binii aadamka  uu amray in marka ay dhintaa la aaso oo maydkooda dhulka lagu qariyo  Aayadahaas waxa kami ah

قول الله تعالى : ألم نجعل الأرض كفاتا      أحياْ وأمواتا

Dhulka maanan ka dhigin mid marka ay nool yihiina ay ku dul nool yihiin marka ay dhintaana lagu aasoo lagu qariyo waa mana sheegad uu ilaahay subxaanahuu watacaalaa uu ugu mana sheeganayo arinta nuucaasa inuu u suura galiyay waxaa kamida

قول الله تعالى: ثم أماته فأقبره

Ilaahay wuxuu yidhi bani aadamkii gaaloobay buu waliba ilaahay ka hadlayay 

قتل الإنسان ما أكفره   Baa u daliil ah cida laga hadlayaa aayadkani ay ka hadlayaan inuu kaafir yahay               ilaahay subxaanahuu watacaalaa markii uu nafta ka qabtay

أقبره أي أمر بدفنه وأمكن الإنسان من ذلك   ilaahay wuxuu amray in la aaso oo dhulka lagu aaso arinta noocaasana ilaahay subxaanahuu watacaalaa wuux suurta galiyay tafsiirka noocaasa aayada lagu fasirana maaha tafsiir aan anugu iska ikhtiraacay hadaa tafaasiirta oo dhan eegto saasaad ku arkaysaa bal ibnu  cabaas baa yidhi aayadaa markii uu tafsiirayay               أمر بدفنه تكريما له   in la aaso buu amray ilaahay karaamayn uu karaamaynayo iyo maamuusid uu maamuusayo daraadeed ibnu jasiir addabari baad ku arki kartaa qurdubi baad ku arki kartaa dhamaan tafaasiirta markay aayadaasi fasirayaan sidaasi ayay sheegayaan inay daliil u tahay in bani aadamka ilaahay ugu mana sheegatay in marka ay dhintaan in la aaso waxaa lamida qawlka ilaahay subxaanahuu watacaalaa uu yidhi :

منهها خلقناكم وفيها نعيدكم ومنها نخرجكم تارة أخرى

Dhulkaanu idinka abuurnay bani aadam ciid baa laga abuuray iyadaanuna idinku celin doona bimacnaa waan idinku aasi doonaa sida mufasiriinta in badanoo kamidi ay yidhaahdeen iyadaana la idinka soo saari doonaa marka suurta la afuufo

Waxaa kamida aayadahaas aayada ilaahay subxaanahuu watacaalaa uu kaga hadlay ina aadamkii u horeeyay ee wax dilay ee walaalkii dilay

فبعث الله غرابا يبحث  في الأرض ليريه كيف يواري سوءة أخيه

Ilaahay subxaanahuu watacaalaa waxaw soo diray tuke dhulka qodayay ma tuke kale oo dhintay buu aasayay mise dhulkuu faq faqayoo taasuu ku xusuusiyay in wax la aaso labadaba waa la yidhi siu u u tuso sida uu u tusiyo sida walaalkii uu u asturayo maydkiisa u qarinayo .

Aayadaana ahlu cilmigu waa u daliishadeen in qofka dhinta la aaso duunul islaamna arintaasi ayay camaliyan ula timi oo wixii ka horeeyay oo ahaa in dadka qaarkood dadkooda dhinta gubi jireen qaarna bahalaha u dhigi jireen diinul islaam way burisayoo Meesha ayay ka saartay oo rasuulku salalaahu calayhi wasalam muslimiintii uxud ku shahiiday in la aaso ayuu amray sidoo kale gaaladii lagu laayay dagaalkii beder kuwoodi madaxya waynta ahaa wuxuu amray in ceel lagu guro oo lagu qariyo .

Arinta kusaabsan yaya suno iyo caqiido u tahay in dadka dhintay la gubo oo wayneen la wayneenayo loo gubo ?

Waxay arintaasi waddo u tahay oo caqiido u tahay kufaarta kuwo kamida waxa kamida hinduuska nimanka la yidhaahdo,Buudiyiinta sidoo kale kuwa reer ruuma sidaasi way samayn jireen hadan kuwo reer yurubi arintaas way kaga daydeen mushrikiinta ay arinta noocaasi ay caqiidada u tahay sidaasoo kale mushrikiintu waxay samayn jireen oo faan loo arki jiray in banaanka la wadho oo bahalaha loo dhigo ninka a dilo arinta noocaasa way ku faani jireen ahlu cilmiguna arintaa waa cadeeyeen ibnu caashuur oo kale arinta noocaasa wuu cadeeyay aayadaha aynu sheegnay markaw fasirayo oo wuxuu yidhi :

رحمه الله تعالى   ودل قوله تعالى وفيها نعيدكم على أن دفن الأموات في الأرض هو طريقة الشرعية لموارات الموتى سواء كان شقا في الأرض أو لحدا لأن كليهما إعادة في الأرض فما يأتيه بعض الأمم غير المتدينة من إحراق الموتى بالنار أو إغراقه بالماء أو وضعهم في صناديق فوق الأرض فذلك مخالف لسنة الله وفطرته لأن الفطرت إقتضت أن الميت يسقط على  الأرض فيجب أن يوارى فيها

Waxay sameeyaan umadaha qaarkood oon diin haysan oo ah dadkooda dhintay inay gubaan ama inay biyo ku qarqiyaan ama sanduuqyo intay ku ridaan dhulka dhigaan waa mid khilaafsan jidkii ilaahay iilaahayna bani aadamka u uku hanuuniyoo u uku beeray waxa sunada ilaahay ay keensatay in qofku maraca uu dhinto dhulka u uku dhco taasna waxa waajibaya in dhulka lagu aaso.

Waxa kale oo uu yidhi sheekhaasi marka uu fasirayay  ألم نجعل الأرض كفاتا * أحيأ وأمواتا

وعليه فلا يجوز إحراق الميت كما يفعل المجوس الهند وكان يفعل بعض رومان ولا وضع لكواسر الطير كما كان يفعل المجوس الفرس وكان أهل الجاهلية يتمدحون بالميت الذي تأكله السباع أو الطباع وهو الذي يموت قتيلا في فلاتهم 

Wuxuu yidhi ma banana maydka in lagubo siday sameeyaan hindida majuusta ahi

Iyo sida roomaanka qaarkood ay sameeyeen in shimbiraha wax jajabsada ee ruugaana loo dhigaana ma banaanana sida majuusta furus samayn jireen Ahlu jaahiliyuhu waxay ahaayeen kuwo isugu faana qofka la dilo ee banaanka lagaga tag ee dugaaga iyo waraabayaashu ay cunaan

Waxaa kaloo cadeeyay cidda ay caqiido u tahay arintaasi ((علماء اللجنة الدائمة.

Markii la waydiiyay dadka dhintay in la gubo diinta islaamku maxay ka qabtaa

Nin Muslima baan ahay oo faransiis ah waxan ku dhex noolahay dad kiristaan ah iyo buudiyiin een waxaana ay iga dalbeen bal islaamku waxa uu ka qabo masaladaas?    Waxay ku jawaabeen

حرق جثث الموتى عمل غير جائز شرعا وهو من عمل الوثنيين

In dadka dhintay la gubaa oo taa diin  laga dhigtaa waa shaqada kuwa asnaamta caabuda sidaasoo kale(دار الإفتاء المصرية) Markii masaladaas ixraaqu al mawta ku saabsan la waydiiyay waxay yidhaahdeen waa xaaraan waayo waxa ku jira tashabuh bil majuus wal wasaniyiin oo iyaga ayay masalada noocaasi diin iyo caqiido ay u tahay.

Gubista looga jeedo cibaadaysiga iyo waynaynta mayitka Ama loo arko in loogu dambi dhaafayo ama inuu darajo ku gaadhayo waa arin aan banaanayn fii jamiici sharaa’ic islaamiya Mid kamida culimada muslimiintana aanuu odhan way banaantahay qofna aanay ahayn inaw yidhaahdo way banaantahay muslimna uma bananaana iyagana uma banaana haday sameeyeen iyagu waxaa ay sameeyeen wax u banana maaha shirkiga iyo kufriyaadka iyo xumaanaha kale ee ay samaynayaan uun bay lamid tahay markaa qofka muslimka ah marka la waydiiyo ama uu ka hadlayo waa inuu yidhaahdaa wax banana maaha والله أعلم


Post a Comment

0 Comments