الحمد
لله رب العالمين والعاقبة للمتقين ولا عدوان إلا على الضالمين وصلى الله على نبينا
محمد وعلى آله وصحبه وسلم تسليما كثيرا .
أما
بعد: السلام عليكم ورحمة الله وبركاتهز
Majliskeenan
Ama Muxaadaradan sidaad maqasheen
waxaynu kaga hadli doonaa mawduucaas
waxaadna ogaydeen dhacdo wadankeena ka dhacday
Oo sabab u
noqotay in masaladaasi laga hadlo, ama sidii looga hadlay looga hadlo
Ilaahay
subaxaanahuu watacaalaa ayaa qadaray in dhacdadaasi dhacdo.
ولله
في كل واقعة جكمة Rabina subaxaanahuu watacaalaa dhacda kaste
iyo waxa uu qadaro xikmad iyo ujeedo ayaa rabi subaxaanahuu watacaalaa uu ka leeyahay.
Waxyaabaha
inoo muuqan karana waxa kamida in dadka muslimiinta ahi dhacdadaas iyo kuwa
lamidka xukunka ay ku leedahay Fii-shariica Islaamiya ku baraarugaan oo
bartaan.
Waxaana laga
yaabaa hada dad badanoo mass’ishaa fiqiga ah Ama cilmiga ah ee arintaa iyo kuwa
la xidhiidha hore aan u maqalba hada inay maqleen dadka ahlu cilmiga ahina
mas’ishan waa ka hadli karaan waana ka niqaashi karaan iyagoo wada jooga, iyo
iyagoo kala maqanba ta waajibka ahi waxay tahay uun in hadalku noqdo lilaahi wamabniyu
calaa ikhlaas mid ilaahay daraadi ah ikhlaas iyo ilaahay in loo badhax tirayna
ku dhisan. Iyo masaa’isha sida ilaahay ina amray in loo celiyo waxyiga waxa
rabi subaxaanahuu watacaalaa uu yidhi:
فإن
تنازعتم في شيئ فردوه إلى الله ورسوله إن كنتم تؤمنون بالله ورسوله واليوم الآخر
وما اختلفتم فيه من شيئ فحكمه إلى ا
Waxa laga
yaabaa dadka qaarkood inay yidhaahdaan mas’aladan hadalkeedu wuu soo noq noqday
inaw soo noq noqdo wax dhib ah malaha hadii si cilmiya looga hadlo oo masaa’il
fiqhi ah dadka loo muujiyo ikhlaaska iyo ilaahay daraadiina inay noqto lagu
dadaalo aadaabtiyo dhaqanka wanaagsana la ilaaliyo marka laga hadlayo
mass’ishaa cilmiga ah wax dhib ah malaha .
Hadalka laga
hadlayo maa’ishan iyo kuwa lamidka ah maaha in dadka lagu kicinayo dawladda waa
masalo diinya xukunka sharciga ah ee ay leedahay laga hadlayo ma wax banana baa
mise waa wax aan banaanayn .
Waxanan u
malaynayaa dadka intii dhagaystay kolay anigu khudbadahaan kusoo hadal qaaday
iyo su’aal layga waydiiyay iyo su’aal layga waydiiyay saab Tv-ba
Inaanay ka
dhex muuqan wax la odhanayo waa kicin dadka lagu kicinayo dawladda
Masaa’isha
diiniga ahina dadwaynaha hakasoo fulaan ama dawlad haka soo fulaan dadka ahlu
cilmiga ahi waa inay uga hadlaan si cilmi ah oo diinta iyo shareecada waafaqsan
in dadka dawladda lagu kiciyaana manhaj iyo wado aanu ku socono oo diin noo ah
maaha dadkuna taasi si fiican bay uga warhayaan oo ay u yaqaaniin.
Intaa waxaan
raacinyaa hadalka masalada laga hadlaayay dhacduu ku saabsanaa
Waxaanay
ahayd in qofkastoo ka hadlaayaabaa in hadlaku noqdo mid ku shubmaya
dhacdadaadaa xukunkeeda marka koowaad wixii kale ee lagu darayo ha lagu
daroba,e laakiin marka koowaad waxay ahyad in dhacdada xukunkeeda laga hadlo in
masalada xukunkeedi dadkii ka hadlay dhacada xukunkeedi aanay u abaarin oo
masaail kale oo maxalu nisaaceedi hadalkii laga hadlayayba ka duwan hadalkoodu
ku shubmay waxay sababtay in dadka in badano kamidi oo caamatu naas ah iyo
dalabau cilmi ahba ay fahmi waayaan xaqiiqada
masalada iyo maxalu nisaaca sidaa awgeed waxaan suuraynayaa waxa dhacay
een ka hadalnay ee aanu nidhi waxaasi ma banana fii shariica islaamiya kuma
banana cia nagu khilaaftana aanu ka sugaynay inay ka hadlaan laftiisa oo ay
yidhaahdaan waxaasi waa banana yahay daliilkiisuna waa aayadaa waa cadiiskaa
waa ijmaacaa waa qiyaaskaa saxiiixa ah waxa dhacay wuxu ahaa walaalayaal saad
ogaydeen gubitaan qof dhintay la gubay gubitaankaasi ma uusan ahayn gubitaan
qofkaasi dambi uu galay lugu ciqaabaayay
oo حرق
وقع لعقوبة ma uu ahayn gubitaan qofka loo gubo ciqaab la
ciqaabayo awgeed xalkaa isaga inoogu tiiri tani mabay ahaynba manuu ahayna
gubitaan u dhacay li ihaana qofkaasi oo la muujinaayay hoosayntiisa iyo
quudhsiga la quudhsanaayo oo tusaale ahaan ma uu ahayn qof dad muslimiini ay
jihaad ku dileen kadibna maydkiisi ah gubeen ihaano darted ee muxuu ahaa ?
wuxuu ahaa
حرق
ديني تعبدي فعلت تعظيما لهذا الميت
Wuxuu ahaa
gubitaan diiniya oo dadka samaynayay ay diin u samaynayeen oo ay ku
cibaadaysanayeen oo maydkaana ay ku waynaynayeen oo ay u arkayeen in uu darajo
ku gaadhayo sida dadka muslimiinta ahiba markay qof ku tukunayaan ay tahay
sababta ay ugu tukanayaan in maqfiro ilaahay u waydiiyaan iyo naxariis iyo daraj
sare adoonkaa ilaahay inuu gaadhsiiyo horta gubitaanku ka noocaasiya buu ahaa
kaasaanay ahayd qof kastoo ka hadlayaayi inuu ka hadlo.
هل
وجائز في الشريعة الإسلامية أم لا؟
Gubitaanka
noocaasiya shareecada islaamku ma banaysay quraanku ma baneeyay axaadiistu ma
banaysay axad culumada islaamka kamidi ma yidhi gubitaanka suuradaa iyo noocaa
leh ayaa xalaaloo banana taasay ahayd in laga hadlo.
Masalada
labaad ee raacday waxay ahayd ee ah shicaar alkufri من
الهندوس والمجوس والبوديين Astaan kamida astaan diimeedaka ay
leeyihiin Hinduuska,Majuuska iyoo buudiyiintu oo hadana dhul daaru al islaam ah
oo gaalo meelaba ayna kasoo galin oo xataa dhul la leeyahay iyagaa lehoo dadkan muslimiinta ah ee dagani
xoog bay ku qabsadeen ama sulxi bay ku qabsadeen oo waxbaaba ugu hadh hadhaya
tusaale ahaan hadii sulxi lagu qabsay kaniisadihii qadiimka ahaayo dhulaan
ahayn ayaa shicaarka noocaasa laga muujiyay
Oo si
muuqata oo aan qarsoonayn looga muujiyay .
Qodobka
labaad oo cidii masalada ka hadlaysaa ay ahayd inay ka hadashaa kaasay ahayd
inay ka hadlaan
هل
يجوز إظهار شعارالكفار والمشركين في بلاد المسلمين؟
Ma
banaantahay astaamo diimeedyada iyo munkaraadka kale in gaaladu ka muujiyaan
dhulka islaamka .
Masalada
sadexaadna waxay ahayd in ddad muslimiini ay kala qayb qaateen taas oo shaki
iyo khilaaf toona ku jirin hadaan la odhanba xaqiiqadeeda muslimiin ayaa
fuliyay iyaguna suura ahaan bay ula socdeen markay ugu yartahay adcafu aqwaal
waxa weeye in la yidhaahdo way ka qayb qaateen muskimiintu waana bilaa
khilaaf taasi marka masalada
sadexaad ee ay ahayd in laga hadlaa ma
banaantahay in qof muslimi wax yaabaha gaalada shacaa’irta diiniga ah u ah
gaaladu kiristaan ha noqdaan yuhuud ha noqdaan majuus ama buudiyiin ha noqdaan
in uu kala qayb qaato ama u uku caawiyo ama uu suurta galiyo ma banantahay
masaladaana waxaan filayaa dadkii masaladaa ka hadlay ee al mukhaalifiina lanaa
iyadana inaanay u ban bixin masalo waxa jirtay oo maxalu nisaacba iyadu aan ahayn
oo aad moodaysay dad badan hadalkoodu inuu ku wareegayay qofka gaalka ah ee
dhul muslim ku dhinta maydkiisa in dadkiisa lagu wareejinayo een markay iyagu
la wareegaana maydkiisa waxay iyagu aaminsan yihiin ay ku samayn karaan laakiin
waxa shardi u ah tii hore aynu u sheegay oo ah inaanay muujin in lagu wareejin
karo ha cunaan iyagay u taallaa taasi ama ha gubaan ama guryahooda haku
haystaan waxa qarsoon ileen waaba kufaar waaba mushrikiine oo gaalnimadiyo
guryahooda iyo meelaha u gaarka ah way ku sameeyaane een inagu waxaynu leenahay
shareecada islaamka kuma banana oo wax baan odhan mayno laakiin inagu kama hor
istaagayno oo ua diidanyno laakin muujintiisa lama ogola markaa taasina maxalu nisaac
may ahayn.
Masaladan
anugu markaan ka hadlay koay qofkii dhagaystay waxaan aad uga hadlay shicaaru
kufaar dhul muslim in laga muujiyo iyo in dadka muslimiinta ahi inaanay ka qayb
qaadan midina inaanay banaanayn waxaana rajaynayay cidii igu khilaafaysaa
masaa’ishaasi inay ka hadlaan ee ma rajaynayn qadiyada ku saabsan aslu ixraau
al kaafir asal ahaan gaal in la gubo ma banantahay haloo gubo cuquubatan ama
ihaanatan in taa loo leexdo oo maxalu nisaaca loo leexdo ma rajaynayan man
filayn een saab Tv-na markii layga waraysanayay sadexdaa qodob ee caawa aan
sheegay ayaan sheegay raga qaar oo masuuliyiini maray I waydiiyeen masaladaa
maxaad ku saluugteen aan u sheegno cidii fulisaye sadexdaa qodob baan u sheegay
sadexdaas baan ku saluugna baan idhi
In waxani Uu
yahay cibaado gaalada saysay ay ku cibaadaysanayaan astaan kamida
astaamahoodana tahay iyo inay dhulkii islaamka
ka Muujiyeen iyo in dad uslimiin ahi ay
ka qayb qaateen sadexdaa qodob ayaan ku diidnay saas ayaan idhi markaa sadexdaa
qodob kolay su’aalaha waa ku jiri doonaan waxa kale oo aynu ka hadli doonaaba
asalka masalada qof dhinta in la gubaa asal ahaanba ma banaantahay ha loo guba
ihaano ama ciqaab la ciqaabayay isago nool haloo guboba,ee inagoo masaladaasi
adilada ku eegi doona markaa intaasi ayaan jeclaaday inaan ka hor mariyo
ilaahayna waxaan waydiisanaynaa
الإخلاص
والقبول في أقوالنا وأعمالنا وفي سرنا وعلانيتنا
Su’aal
1aad: Guud Ahaan
sharaa’icdii samaawiga ahaa ilaahay subxaanahuu watacaalaa soo dajiyay oo ay ka
mid tahay shareecadeena ilaahay nabi muxamed kusoo dajiyay side bay ula
dhaqmeen dadka dhintay? Yaa Aaminsan dadka dhintay in la gubo?.
Alxamdulilaah
wasalaatu wasalaamu calaa rasuulilaah wacalaa aalihii wasaxbihii wasalama
tasliiman kasiiraa ------- sharaa’icda ilaahay subaxaanahuu watacaalaa soo
dajiyay dhamaanteeda waxay isku waafaqday ama masaladaa asal uga dhigtay
basharka dhinta in la aaso oo dhulkii ilaahay uu ka abuuray lagu celiyo .
Saxaabiga la
yidhaahdo ubaya wuxuu ka wariyay nabi muxamad salalaahu calayhi wasalam sida
xaakim mustadrak-ga u uku wariyay bi’isnaadin saxiix inuu nabigu Calayhi
wasalaatu wasalaam yidhi:
لما توفي آدم غسلته الملائكة بالماء وترا وألحدوا
له وقالوا سنة آدم في ولده
Nabi aadam
markuu geeriyooday malaa’igtaa biyo ku maydhay tiro kala dhiman baanay maydheen
Xabaashay ku aaseena iil bay u sameeyeen waxaanayna yidhaahdeen- hadalay iska
yidhaahdeena maaha- waa wadada uu nabi aadam u jideeyay caruurtiisa.
Marka
xadiiskaasu wuxuu daliil u yahay asalka binii aadamku inuu yahay markuu dhinto
in la aaso.
Sidaa waxa
sheegay ahlu cilmiga qaarkood sida ibnu caashuur oo mufasiriinta kamida caanka
ah kitaabkiisa la yidhaahdo ataxriir watanwiir wuxuu ku leeyahay hadal dheer
waxaa hadalkiisaa kamida.
فجاءت
الشريعة الإهية بوجوب الدفن في الأرض
Shareecooyinka
ilaahay soo dajiyay waxay la yimaadeen in qofka dhinta waajib tahay in dhulka
lagu aaso.
Aayadaha
quraanka ee ilaahay uu soo dajiyayna waxay tilmaamayaan arintaas oo ilaahay
aayado dhawra buu ugu mana sheegtay binii aadamka uu amray in marka ay dhintaa la aaso oo
maydkooda dhulka lagu qariyo Aayadahaas
waxa kami ah
قول
الله تعالى : ألم نجعل الأرض كفاتا
أحياْ وأمواتا
Dhulka
maanan ka dhigin mid marka ay nool yihiina ay ku dul nool yihiin marka ay
dhintaana lagu aasoo lagu qariyo waa mana sheegad uu ilaahay subxaanahuu
watacaalaa uu ugu mana sheeganayo arinta nuucaasa inuu u suura galiyay waxaa
kamida
قول
الله تعالى: ثم أماته فأقبره
Ilaahay
wuxuu yidhi bani aadamkii gaaloobay buu waliba ilaahay ka hadlayay
قتل الإنسان ما أكفره Baa u daliil ah cida
laga hadlayaa aayadkani ay ka hadlayaan inuu kaafir yahay ilaahay subxaanahuu watacaalaa
markii uu nafta ka qabtay
أقبره أي أمر بدفنه وأمكن الإنسان من ذلك ilaahay wuxuu amray in la aaso oo dhulka
lagu aaso arinta noocaasana ilaahay subxaanahuu watacaalaa wuux suurta galiyay
tafsiirka noocaasa aayada lagu fasirana maaha tafsiir aan anugu iska
ikhtiraacay hadaa tafaasiirta oo dhan eegto saasaad ku arkaysaa bal ibnu cabaas baa yidhi aayadaa markii uu tafsiirayay
أمر
بدفنه تكريما له in la aaso buu amray ilaahay karaamayn uu
karaamaynayo iyo maamuusid uu maamuusayo daraadeed ibnu jasiir addabari baad ku
arki kartaa qurdubi baad ku arki kartaa dhamaan tafaasiirta markay aayadaasi
fasirayaan sidaasi ayay sheegayaan inay daliil u tahay in bani aadamka ilaahay
ugu mana sheegatay in marka ay dhintaan in la aaso waxaa lamida qawlka ilaahay
subxaanahuu watacaalaa uu yidhi :
منهها
خلقناكم وفيها نعيدكم ومنها نخرجكم تارة أخرى
Dhulkaanu
idinka abuurnay bani aadam ciid baa laga abuuray iyadaanuna idinku celin doona
bimacnaa waan idinku aasi doonaa sida mufasiriinta in badanoo kamidi ay
yidhaahdeen iyadaana la idinka soo saari doonaa marka suurta la afuufo
Waxaa kamida
aayadahaas aayada ilaahay subxaanahuu watacaalaa uu kaga hadlay ina aadamkii u
horeeyay ee wax dilay ee walaalkii dilay
فبعث
الله غرابا يبحث في الأرض ليريه كيف يواري
سوءة أخيه
Ilaahay
subxaanahuu watacaalaa waxaw soo diray tuke dhulka qodayay ma tuke kale oo
dhintay buu aasayay mise dhulkuu faq faqayoo taasuu ku xusuusiyay in wax la
aaso labadaba waa la yidhi siu u u tuso sida uu u tusiyo sida walaalkii uu u
asturayo maydkiisa u qarinayo .
Aayadaana
ahlu cilmigu waa u daliishadeen in qofka dhinta la aaso duunul islaamna
arintaasi ayay camaliyan ula timi oo wixii ka horeeyay oo ahaa in dadka
qaarkood dadkooda dhinta gubi jireen qaarna bahalaha u dhigi jireen diinul
islaam way burisayoo Meesha ayay ka saartay oo rasuulku salalaahu calayhi
wasalam muslimiintii uxud ku shahiiday in la aaso ayuu amray sidoo kale
gaaladii lagu laayay dagaalkii beder kuwoodi madaxya waynta ahaa wuxuu amray in
ceel lagu guro oo lagu qariyo .
Arinta kusaabsan yaya suno iyo caqiido u tahay in dadka dhintay la gubo oo wayneen la
wayneenayo loo gubo ?
Waxay
arintaasi waddo u tahay oo caqiido u tahay kufaarta kuwo kamida waxa kamida
hinduuska nimanka la yidhaahdo,Buudiyiinta sidoo kale kuwa reer ruuma sidaasi
way samayn jireen hadan kuwo reer yurubi arintaas way kaga daydeen mushrikiinta
ay arinta noocaasi ay caqiidada u tahay sidaasoo kale mushrikiintu waxay samayn
jireen oo faan loo arki jiray in banaanka la wadho oo bahalaha loo dhigo ninka
a dilo arinta noocaasa way ku faani jireen ahlu cilmiguna arintaa waa cadeeyeen
ibnu caashuur oo kale arinta noocaasa wuu cadeeyay aayadaha aynu sheegnay
markaw fasirayo oo wuxuu yidhi :
رحمه
الله تعالى ودل قوله تعالى وفيها نعيدكم
على أن دفن الأموات في الأرض هو طريقة الشرعية لموارات الموتى سواء كان شقا في
الأرض أو لحدا لأن كليهما إعادة في الأرض فما يأتيه بعض الأمم غير المتدينة من
إحراق الموتى بالنار أو إغراقه بالماء أو وضعهم في صناديق فوق الأرض فذلك مخالف
لسنة الله وفطرته لأن الفطرت إقتضت أن الميت يسقط على الأرض فيجب أن يوارى فيها
Waxay
sameeyaan umadaha qaarkood oon diin haysan oo ah dadkooda dhintay inay gubaan
ama inay biyo ku qarqiyaan ama sanduuqyo intay ku ridaan dhulka dhigaan waa mid
khilaafsan jidkii ilaahay iilaahayna bani aadamka u uku hanuuniyoo u uku beeray
waxa sunada ilaahay ay keensatay in qofku maraca uu dhinto dhulka u uku dhco
taasna waxa waajibaya in dhulka lagu aaso.
Waxa kale oo
uu yidhi sheekhaasi marka uu fasirayay ألم
نجعل الأرض كفاتا * أحيأ وأمواتا
وعليه
فلا يجوز إحراق الميت كما يفعل المجوس الهند وكان يفعل بعض رومان ولا وضع لكواسر
الطير كما كان يفعل المجوس الفرس وكان أهل الجاهلية يتمدحون بالميت الذي تأكله
السباع أو الطباع وهو الذي يموت قتيلا في فلاتهم
Wuxuu
yidhi ma banana maydka in lagubo siday sameeyaan hindida majuusta ahi
Iyo
sida roomaanka qaarkood ay sameeyeen in shimbiraha wax jajabsada ee ruugaana
loo dhigaana ma banaanana sida majuusta furus samayn jireen Ahlu jaahiliyuhu
waxay ahaayeen kuwo isugu faana qofka la dilo ee banaanka lagaga tag ee dugaaga
iyo waraabayaashu ay cunaan
Waxaa
kaloo cadeeyay cidda ay caqiido u tahay arintaasi ((علماء اللجنة الدائمة.
Markii
la waydiiyay dadka dhintay in la gubo diinta islaamku maxay ka qabtaa
Nin
Muslima baan ahay oo faransiis ah waxan ku dhex noolahay dad kiristaan ah iyo
buudiyiin een waxaana ay iga dalbeen bal islaamku waxa uu ka qabo
masaladaas? Waxay ku jawaabeen
حرق
جثث الموتى عمل غير جائز شرعا وهو من عمل الوثنيين
In
dadka dhintay la gubaa oo taa diin laga
dhigtaa waa shaqada kuwa asnaamta caabuda sidaasoo kale(دار
الإفتاء المصرية) Markii masaladaas ixraaqu al mawta ku saabsan la
waydiiyay waxay yidhaahdeen waa xaaraan waayo waxa ku jira tashabuh bil majuus
wal wasaniyiin oo iyaga ayay masalada noocaasi diin iyo caqiido ay u tahay.
Gubista
looga jeedo cibaadaysiga iyo waynaynta mayitka Ama loo arko in loogu dambi
dhaafayo ama inuu darajo ku gaadhayo waa arin aan banaanayn fii jamiici
sharaa’ic islaamiya Mid kamida culimada muslimiintana aanuu odhan way
banaantahay qofna aanay ahayn inaw yidhaahdo way banaantahay muslimna uma
bananaana iyagana uma banaana haday sameeyeen iyagu waxaa ay sameeyeen wax u
banana maaha shirkiga iyo kufriyaadka iyo xumaanaha kale ee ay samaynayaan uun
bay lamid tahay markaa qofka muslimka ah marka la waydiiyo ama uu ka hadlayo
waa inuu yidhaahdaa wax banana maaha

0 Comments