Subscribe Us

Header Ads

Qisadii nabi aadam cs Q.9aad

 


Waxa kaloo u uku yidhi si u dabinkiisa ugu rido

وَقَالَ مَا نَهَاكُمَا رَبُّكُمَا عَنْ هَٰذِهِ الشَّجَرَةِ إِلَّا أَن تَكُونَا مَلَكَيْنِ أَوْ تَكُونَا مِنَ الْخَالِدِينَ

Geeda la idinkuma ilaa hadi kale waxaad noqonaysaan laba malak ama waad waaraysaansaasaa la idiinku diidan yahay waxaw ku wadaba aadan waa usoo dabcay.

Shahwadii nafta iyo qadarkii saabiqa ahaa markay is kaashadeena waxa la illawsiiyay wixii ilaahay uga digay dhaartiisi baana uu run mooday .

Kadib labadoodiba geedi waa cuneen iyadoo loo diiday quraanku sababtkuu  inoo sheegay .

Markay cuneen maadaama looga digay waxaii ka dhalanayay baa dhacay oo cawradoodi baa la tusay oo banaanka timi markaasay waxay bilaabeen inay isku asturaan caleemaha janada waxaa ka dhashay dambi oo ilaahay wuxu yidhi aadam rabigii waa caasiya wuuna baadiyooobay wax lagu baadiyoobo buu samayay

Ta labaad waxa la amray in ay dhulka u dagaan oo waa laga soo saaray jannada .

 

Markay intaasu dhacday oo dhulka inay u dagaan la amray kahorba aadam waa toobadkeenay .

Ilaahay labadooab waa la hadlay wuxuu ku yidhi maanan geedaa idinka reebin oo idinku odhan shaydaanka cadaw buu idiin yahee iska ilaaliya waxay dhaheen rabiyoow waan qaldanay waan dambaabnay .

Xaaladaa markaa uu rabi la hadlayo iyo marka ay caleemaha isku qarinayaan waa isku mar.

Xadiis baa sharxaya oof aah faahinaya laga wariyay ubaya ibnu kacab :

إنَّ أباكُمْ آدَمَ كان كالنَّخْلةِ السَّحُوقِ - الطَّويلةِ - سِتُّونَ ذِراعًا، كثيرَ الشَّعَرِ، موارَى العورةِ، فلمَّا أصاب الخطيئةَ في الجَنَّةِ بدَتْ له سَوْأَتُهُ، فخرَج مِنَ الجَنَّةِ، فلَقِيَتْهُ شجرةٌ، فأخذَتْ بناصيتِهِ، فناداهُ ربُّهُ: أفِرارًا منِّي يا آدَمُ؟ فقال: بلْ حَياءً منكَ يا رَبِّ مِمَّا جِئتُ بهِ.

Aabihiin aadam wuxuu ahaa sida geedka timirta dheer buu ahaa lixdan dhudhun oo tima badan cawradiisu qarsoon tahay markuu gafkii galay janada dhex deeda cawradiisi baa usoo muuqatay janaduu orod kaga soo baxay geed baa la kulantay fooday qabatay rabi baa u dhawaaqay ani miyaad iga cararaysaa aadamoow wuxuu yidhi maya rabiyoow waxaan ka sariiganayaa wixii aan sameeyay baan ka cararayaa riwaayaadka qaar ku darayaan caleemihiina waa gurtay markaasaa ilaahay yidhi maanan geedaa idinka reebin oo idinku odhan shaydaanka cadaw tawbaa ilaahay waafajiyay inaw ka shalaayo ilaahayna uu dambi dhaaf waydiisto  markaasay waxay yidhaahdeen rabiyoow hadaadan noo dambi dhaafin oo noo naxariisana kuwa khasaaray baanu kamid noqonaynaa  saa darteed waa toobad keenay ilaahayna waa ka aqbalay.

Tawbadii hadii laga aqbalay maxaa jannada loogu dayn waayay xadiiska ay culumada qaar wariyaan ee leh aadam baa yidhi rabiyoow hadaan toobad keeno janadii ma ii celin ilaahay baa yidhi haa……xadiiskaa ma ansixin oo ma sugna wixii ilaahay qadaray ee sabab ka dhashay wixii wuu dhici

Waxaa qadarnayd oo qornayd aadam inuu joogo oo ku tarmo dhulka .

Su’aal qadarkaa qadarnaa xagay kaga aadan tahay doodii aadam iyo muuse ?

Saxiixaynka waxaa ku sugan oo abuu hurayra laga wariyay saxaaba Kalena laga wariyay ilaahay wuxu qadaray inay aadam iyo muuse kulmaan .

Muusaa bilaabay oo dhahay saw aadam ma tihid dambigiisu janada kasoo saaray riwaayaadka qaar caruurtaadina kasoo saaray?

Aadam wuxuu yidhi adiga saw muuse ma tihid ilaahay risaaladiisi iyo kalaamkiisi ku fadilay saw adiga maaha ?

Wuxuu yidhi muuse haa wuxuu yidhi kitaabkaaga maku aragtay in aniga intaan lay abuurin konton kun oo sano ka hor ay qornayd inaan dambigan gali doono ?

Markaasuu yidhi haa markaasuu dhahay wx ilaahay qadarayintaanuu I abuurinba seed iigu eedaynaysaa .

Laba jeer baa nabigu ku celiyay aadam baa muuse ka gar helay aadam baa muuse ka gar helay .

Waxa aadam kaga gar helay muuse macsiyada maaha ee waa musiibada aadam isagaaba qirtay macsiyada oo ilaahay dambi dhaaf waydiistay.

Muusana isagaa taa mid lamida sameeyay naf buu dilay aan la amrin oo loo idmin

Post a Comment

0 Comments