Intaa waxaa xigtay in xaawo laabuuray aadam baana laga abuuray feedh aadam baana laga abuuray teebay ahayd
ilaahay baa og aadam in laga abuuray ilaahay baa quraanka ku sheegay xaawana
abuurkeeduna janada galisteeda kahor weeye Ilaahay wuxuu yidhi :
يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُوا
رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُمْ مِنْ نَفْسٍ، واحِدَةٍ، وخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا
وبَثَّ مِنْهُمَا رِجَالًا كَثِيرًا ونِسَاءً
Dadoow alle ka cabsada allihii idinka
abuuray naf kaliya (oo ah aadam) naftaana ka abuuray xaaskeedi (oo xaawo ah )
labadoodaasna ka firdhiyay rag iyo dumar badan .
Mar kale ilaahay waxa uu yidhi :
هُوَ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ
وَاحِدَةٍ وَجَعَلَ مِنْهَا زَوْجَهَا لِيَسْكُنَ
إِلَيْهَا
Ilaahay waa kii idinka abuuray naf
kaliya naftaana ka abuuray xaaskeedii.si uu ugu dago oo weheshado.
Xalkaa waxan ka gar baa laga abuurayanay aadam baa horeeyay xaawana aadam xubin kamid ah .
Aadam baa laga abuuray xagee kamida
feedh baa laga abuuray sida ku sugan saxiixaynka nabigu wuxu yidhi:
استوصوا بالنساء خيرا فإن المرأة خلقت
من ضلع أعوج وإن أعوج ما في الضلع أعلاه فإن ذهَبتَ تُقيمُه كسَرتَه، وإنْ
ترَكتَه لم يزَلْ أعوَجَ، فاستَوصوا بالنساء
Haweenka khayr u dardaarma haweenta
feedh baa laga abuuray in feedh laga bauurayna saamayn bay ku yeelatay feedhana
Meesha ugu soo qalloc badan waa kor Meesha lafta dhabarka ka haysa maxay ka
dhigan tahay hawnnkana xaga ugu koraysa oo afka ah buu dalabtooduyo qalloocoodu
ugu badan yahay hadaadhahdo waan toosin waad jabinay hadaa daysana saas uun bay
u qallocsanaan hadaba haweenka khayr u dardaarma.
Haweenkana dalabta carrabka ah kama
goyn kartaan .
Markaa kadib janada galaa la yidhi
aadam iyo xaawo ibliisna janadii waa laga saaray waana laga mamnuucay
deegaankeeda iyo joogisteeda waxana lagu yidhi kabax janada adoo dulaysan
aadamna waxa la dhahay adiyo xaaskaagu janada gala meeshaa doontaan kacuna
geedaana hawdhaanina hadi kale kuwa dulmi falay baad kamid noqonaysaan ibliisna
waxa lagu yidhi waa cadawgiina ee janada yuu idinka saarin haduu idinka saaro
maxaa dhacaya waa rafaad iyo nolol adag baad mudan doontaan aadamna inuu amarka
rabi saa u qaadanayo buu aqbalay aadam intaa oo digniinaa la siiyay laakiin
waxbaa is badali doona .
Maalinka aadam janada la geeyay waa
maalin jumce ah ma isla jumcadii la abuuraa ma jumca kalaa ma ogin jumcaana
laga soo saari doonaayee ma isla jumcadiibaa ma ogin .
Geedkaasi kuu Ahaana ma naqaano
waxyaabaha badan ee quraanku magacyadooda inoo sheegin baykamid tahay asaarta
israa’iiliyaadku marba waxbay sheegayaan mar cinab mar timir mar qamandi.
Wax sunadu sheegtayna oo sugan ma
jiraan hal xadiis baa jira ooy geeda tilmaan kusoo aroortay xadiiskaasi waaa
xadiis abuu hurayra wariyay musnadka imam axmed wuxu yidhi:
إن في الجنة لشجرة يسير الراكب في ظلها
مائة عام لا يقطعها
Janada waxa ku yaal geed
hooskeed uu qofka faraska wataa ee
ordayaa ordayo hoosteeda boqol sano oo uusan dhamayn Karin.
Xadiiskan waa xadiis mashhuur ah oo
mutawaatir ah oo ay wariyeen ragii siqaada ahaa ee abuu hurayra asxaabtiisa
ahaa marka laga reebo nin aan la aqoon oo isagu markuu intaa sheegay ku daray inay ahayd shajaru khuldi intaasina ma sugna..
Marka aadam waxa la yidhi adigayo
xaaskaaguba gala jannad marka janadaas xagay ku taala waa janadee ?
Ma janadii kor ku taalaa oo tii
aakhiro la gali doonay mise waa janno kale waa laba qawl oo ahlu cilmigu
leeyihiin.
Culumada jamhuurkoodu waxay
yidhaahdeen waa janadii aasaaska iyo rasmiga ahayd waana ta aakharo dadka
mu’miniinta ahi gali doonaan .
Waxan dhihi karraa dhawr qodob baa
ugu muhiimsan gar naqsiga iyo dooda lays dhaafsaday oo qaarna daliila qaarna
jawaaba.
-Waxay dhaheen erayga jana marka
Alifta iyo laamta ku jirta la eego luuqada carabiga inay tahay al macrifo oo
wax gaara tusay marka laga tago waxay u qaybsantaa Al jinsiya ah iyo mid
cahdiya ah jinsi hadii la yidhaa wax kasta oo magacaa ku dhacay keentaa cumuum
ah sida laysku waafaqsan yahay ma aha ashani tii jinsiga cumuumka ahayd oo
janna gaaray tilmaamaysaa ama dhulka ha ahaato ama cirkee .
Marka cahdi tahayna waa laba mid waa
wax lasoo sheegay oo aysla ogyahay oo isna lagu celiyay tana janno lasoo
sheegay ma jirto .
Waxa soo hadhay wax la yidhaahdo oo
jannadii baa la yidhi oo cidda leh iyo cidda maqlaysaaba ay isla garanayaan.
Janno laysla garanayaana uun waa
jannatu cadni waxaa adkaynaya xadiiska abuu hurayra iyo xuayfa ee muslim ku
jira ee maalinta qiyaame ee banka la joogo qorraxduna kululaato dadku anbiyaday
ku wareegayaan ulu casmiga la yidhaahdo laakiin kahor aabaha basharkaa loo
tagaa nabi aadam oo la dhahaa dadkan waa faracaagi ilaahay aduu kaa beeray rabi
nooga shafeeca qaad oo hanala kala xukumo markii lasoo dhaafo ee mu’miniintu
soo hadhaan bay aadam u tagayaan waxay leeyihiin aadamoow aadaa aabihii
basharkee rabigaa jannada hanoo furee noo dalab markaasuu u jawaabayaa oo
leeyahay oo miyuu jannada idinka soo saaray khaladkii aabihiin mooyee wax kale
janada la galayo ee la leeyahay noo furna waa janaatu cadni ,sidoo kale markay wada hadlayaan nabi muuse iyo
Nabi aadam baa nabi muuse leeyahay ilaahay janaduu ku galiyay markaasaa
qaladkaaga nagag soo saartay somaaha isna waa xadiis ansaxay. Intaa marka
laysku daro inay janadaa kor tahay bay tusay.
Culumada qaybta kale ee leh aadam
meel dhulka ah oo kore oo beero iyo wax walba oo uu u baahan yahay leh ayaa la
galiyay culumo badan baa saa qaba waxa u badan ay u daliishteena waa laba
arimood midna waa aayado quraana midna waa xadiis aayadaha waxay dheheen
awaamirta ilaahay bixiyo waa labo midna waa qadar iyo kawni iyo aduunkan
maamulkiisa midna waa sharci iyo waajibaad uu faray sharciga waa la khilaafaa
oo waa sidaa aadam oo geeda uu cunay midna wa qadar oo khalqigu awood ay ku
khilaafaan maleh iyadoo ubliis laga saaray oo la yidhi kabax xaq uma lihid inaa
jannada dhexdeeda ku kibirtide ayuu hadana inta ugu dhex tagay ku was waasiyay
hadaba inaysan ahayn tii laga soo ssaray ee anu gali Karin eey tahay miduu gali
karo baad aragtay.
Ta labaad xadiiska ubaya ibnu kacab
marka aadam geeridii kusoo xaadirtay oo uu sakaraaday buu u xiisay cinabkii iyo
midhihii jannada wiilashiisi buu la
hadlay bay intay soo baxeen u raadsheen cinabkii janada malaa’igtii baa ka hor
timi waxay dhaheen xagaa ku socotaan waxay dhaheen aabaa xanuustayoo midhii
janaduu u xiisayoo waa raadinaynaa waxay dhaheen hawshaa hada looma baahnee
iska soo noqda way soo noqdeenoo malaa’igtii naftay ka qaaday kadib wixii qof
dhintay u baahnaa oo dhan bay mariyeen su’aashu marka waa xagee weeye janada ay
caruurta yaqaanaan ee ay midhaha aadam u xiisay ka doonayaan malaa’igtuna masoo
celiseen ee waqtigiisiibaa dhamaaday.
Labadaa culumada jamhuurtu way ka
jawaabeenoo waxay dhaheen amarkaa ad leedihiin waa la khilaafay aad leedihiin
aadam deg baa la dhahay ibliisna inaw banaankeeda hor maro iyo in uu dhex maro
looma diidin ilaa labadoodaba dhulka loo soo dajiyo intaa uu kor joogay looma
diidin inuu dhex maro ee daganaanshihii baa loo diiday sida aadam.
Amaa xadiiska waxay dhaheen iyagu ma
ansixin oo inuu sugan yahay baa muran badani ka taagan yahay .
Intaa kadib ibliis shaqadiisi buu
qabsaday maadama loo ogolaaday inuu noolaado oo saw aadamyo lama dhihin
xaaskiisa janada daga oo gedkaa cuna oo ibliis janada idinka saarin oo haday
cunaan inay ka baxayaan ma muuqato waxa taala marka inaw janada kasoo saaro ooy
geedkaa cunaan siu u jannada uga soo saaro wuxuu muddo daba socdaba tabtii uu
dhigay waa la helay geedkiina waa cuneen janadiina waa laga soo saaray
Muxuu ku akhriyay marka Aadam labaa laga soo galay
:
1-Halmaam 2-shahwatu nafsi
Digniinihii
iyo dhaartii ibliis wixiiba waa ilaaway oo ilaahay baa sheegayoo wuxuu yidhi:
Aadam waa la ballanay oo waa hilmaamay go’aan xasuus oo adagna ma yeelan.
Ilaahay
baa inoo sheegay ninkanu wuxuu ku sameeyay wxuu jecel yahay buu u sheegay
dhaarna waa ugu daray.
Wuu
dhaartayoo wuxuu yidhi:
وقاسنهنا إني لكما لمن الناصحين
Wuxuu u
dhaartay inaan naasix dantiina ka shaqaynaya anna hay ilaahayna wuxuu ku yidhi
waa idiin cadaw adiga iyo xaaskaaga waa hilmaamay qadar baana ka socday qadar
iyo ajal dhulka loo abuuray aadam oo hora jirtay tana asbaab bay ahayd wuxuu u
sheegay aadam laba arimood wuxuu yidhi geedan waxa ha cunin laguu yidhi ma
garanaysaa aadamaw xikmada ku jirta anugu horaan u abuurnaa hortaa malaa’igta
la joogay oon khibrad badan leeyahay waxa laguugu diiday waa in geedan qofkii
cuna waligii ma dhimto ,
Ta labaad
wuxuu yidhi jannada iska cun oo iska cab mooyee waxaad adugu leedahay miyaa
jira horta malag baad noqon hantidana adaa mulkinaya labadaasuu kasoo maray
.png)
0 Comments