Ciidaasaa laga abuuroo in ciidaa laga abuuray nabigaa faah faahin ku
daray salalaahu calaysi wasalam nabigu wuxuu yidhi
Oo ciidu hada dhulka waa kala duwan tahay nacfigeedana waa kala duwan
yahay jileec iyo adaygna waa kala duwan yahay cid arladoo dhan baa midba in
laga soo qaadoo laga abuuray muxuu nabigu yidhi :
إن الله خلق آدم من قبضة قبضها من جميع
الأرض فجآءت بنوه كدلك فجاء منهم الأحمر,والأبيض والأسود
وبين ذلك
Ciid dhulkoo dhan laga soo qaaday buu ilaahay ka abuuray kadib wuxuu
yidhi faracii aadam ciidii bay sideedi noqdeen waxaa kamid noqday buu yidhi mid
cad mid gaduudan iyo mid intaa u dhaxeeya midabkan xagee ka socdaa isirkii
aadam laga abuuray baa jiidanaya saas darteed ninkii nabiga u yimid nin carabuu
ahaa islaantii baa wiil madaw dhashay buu yidhi wuu shakiyoo wuxuu is yidhi
islaanta meelahaasay qadhaabatayoo way gogol dhaaftayoo meel kalay ka keentay
rasuulkii ilaahayoow aniga iyo islaanta waa anaga laakiin wiil madaw bay
dhashay nabiguna waa fahmay inuu leeyahay ani wiilkan ma dhalin laakiin wuxuu
yaqaan buu kala hadlayoo geel ma leedahay buu yidhi markaasuu yidhi haa geela
midabkiisu muxuu yahay buu yidhi waa geel gud-guduudan o ocas buu yidhi mid bacad
leh maku jirtaa buu yidhi markaasuu yidhi haa xagee katimid buu yidhi xagay
kasoo gashay midan bacadka leh isir inuu jiitay baa laga yaabaa buu yidhi
wiilkaagana isir horoo madaw idinka soo galay inuu jiitaa dhici karta hadaa la
ogaadayoo awoowyadaadi hore hida sidaha la kala dhaxlayo mid huruda iyo mid soo
jeeday leeyihiin mid huruda oo awoowgaagii shanaad ahaa uun baa hada soo
kiciyoo ilmahaagi awoow shanaad buu u ekaan iyo ayeeyo shanaad mid huruday uun
baa mar soo kici oo muuqaal iyo midab iyo wax walba badali saa darteed sida
sheekooyinka la sheegee israa’iiliga ah ee beenta ah nabi nuux baa caruurtiisi
mid u cadhoodayoo cawradiisi buu arkayoo kumu hagaajininoo wuu habaarayoo
caruurtan madaw buu dhalayoo been waaye nabigu wuxuu leeyahay :
فجآءت بنوه كدلك فجاء منهم
الأحمر,والأبيض والأسود وبين ذلك ومنهم الطيب والخبيث والسهل والحزن وبين ذلك
Taas waa
midabada Wuxuu yidhi sidoo kale waxaa kamida mid wanaagsan mid xun mid dabeecad
jilisan mid qallafsan iyo mid u dhaxeeya intaa.
الحز
بسكون الزاء:
Waa Murugada
الحزن
بفتح الزاء:
Waa
Qallafsanaanta
Ciidii
laynaga abuuray dabeecadeedi baynu yeelanay midabkeenina waa yeelanay midabada
aadamuhuna aadam ilaahay abuurkuu abuuray dhaxalkii laga dhaxlay weeye
Dabeecadeheenan qabawga iyo kulaylka ah fiicnaanta iyo xumaanta ah aaminkiyo
dhagar qabaha ah dhulkii ciidan xun iyo ciida fiican ahayd iyo ciida dabacsan
ahayd iyo midda u dhaxaysa bay noqdeen buu yidhi waa xadiiska abuu muusa al
ashcari tarmadiyo ibnu khusayma Axmadyo qayrkood wariyeen oo saxiixa waaye
xalkaa xadiisku wuxuu inoogu daray macluumo ah ciidii aadam laga abuuray
intaasay ka koobnayd ubadkiisana saamayntaasay ku yeelatoo xalkaasa laga joogaa
markaa waxaad fahmi kartaa xadiiska nabiga ee ah :
لا فضل
لأبيض على أسود..... إلى آخره كلكم من آدم وآدم من تراب
Aadam baad
ka wada timaadeen aadamna ciid buu ka yimid midabadan iyo waxaad aragtaana waa
ciidii aadam laga abuuray kadib ciidii la uruuriyay ee qaybaha fara badan laga
soo qaaday ee laysku daray biyaa lagu daray dhoobay noqotay baa la yidhi
ولقد
خلقنا الإنسان من سلالة من طين
إني
خالق بشرا من طين
وبدأ
خلق الإنسان من طين
إنا
خلقناهم من طين لازم
Dhoobadii
waxay yeelatay sifo ah in marka la taabto gacanta ay ku dhagayso iyaduna isku
dhagayso waayo ciidii kala duwanayd ee laysku darayoo biyaha lagu daray waxay
noqotay mid waxna ku dhagaysa iyaduna isku dhagaysa si fiicana isu qabsatay
kadib inay qaadatayba war uma haynee dhoobadii way is badashay wax madaw bay
noqotay oo badalan
ولقد
خلقنا الإنسان من صلصال من حمإ مسنون
حمإ
Madaw مسنون Is badashay ----- dhoobo madaw
oo is badashay bay noqotay
إِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلائِكَةِ
إِنِّي خَالِقٌ بَشَرًا مِنْ صَلْصَالٍ مِنْ حَمَإٍ مَسْنُون
Markuu ilaahay malaa’igta ku yidhi waxaan abuurayaa bashar oo ka yimi dhoobo madaw salsaalku wuu ka
dambeeyaa
Intay qaadatay kadib ilaahay baa og dhoobadii way qallashay waxay
noqotay sida dhagaxoo kaleete ama dhoobadan daba lagu sameeyay Qaw qaw
dhahaysay noqotay waa tan uu ilaahay yidhi :
ولقد خلقنا الإنسان من صلصال كالفخار
Dhoobadii
markii la taabto dhawaaqaysa baa laga abuuray markii dambe abuurkaa ilaahay
dhoobadaa ka abuuray waxaa xigay markau dhoobadu intaa martay in suuro loo
sameeyay wajigii luguhii gacmihii
ولقد
خلقناكم ثم صورناكم
Dhoobadaa
markii la samyeeyay baa suuraaa gacmaha lugaha iyo wax walba ilaahay u sameeyay
subxaanahu watacaala kadib markuu dhoobadaa ilaahay u sameeyay waxay noqtay
tilmaamtiisi kale xubnaha ay dadku leeyihiin sanka dhegaha madaxa lugaha
gacmaha saasaa ilaahay u sameeyay dhoobadii uga sameeyay wuxuu ilaahay ka dhigay
dhererkiisa lidan dhudhun laakiin ballaciisa wax malaga sheegay wax sugan lama
hayo Axaadiis baa ballaciisa sheegtay iyagana waxba kama sugna xadiis baa wuxu
leeyahay laga wariyay Anas ibnu maalik
وعرضه
سبعة أدرع
Ballaciisuna
waxa uu ahaa todoba dhudhun lixdan dherera iyo todoba ballaca buu ahaa laakiin
ma hayno wax ku saabsan
Aakharo
marka janada la galona aadamaha dhamaantood waxa la noqonayaa lixdan dhudhun
baa la noqon doonaa intaa waxaan ahayn oo ballaca ku ansaxay ma jiro xadiis
kale oo waxa jira bayhaqi uu kitaabul bacsi ku warinayo oo daciifa leh
dhererkiisu 18 buu ahaa dhudhun ballacana todobuu ahaa marna leh lab aiyo toban
buu ahaa dhudhun iyo lix dherer ah waxaasoo dhan ma ansixin Aadam ilaahay haduu
abuuray subxaanahuu watacaala xadiis waxaa jira suuraduu aadam u ekaa
tilmaamaya oo odhanaya :
خلق
الله آدم على صورته من حديث أبي هريرة في البخاري ومسلم
Suurada loo
jeedaa maxay tahay laba macnaa la isugu qabtay damiirkaa suuratihi xagee u
noqonayaa damaa’irtu luuqada carbeed wax horoo soo hor maray bay u tilmaamtaa
magac u yaal u noqotaa nimanka afsoomaaliga qoray naxwadiisa damiirka magac u
yaal bay u bixiyeen wax kaligii istaaga maaha waxbuu magac u yahay oo
tilmaamayaa wax soo hor maray buu u noqdaa marka in yar laga reebo maxaa soo
hor maray Lafu jalaalihii iyo aadam baa soo hor maray damiirka suuratihii xagee
loo celinayaa hadii qaacidada luuqada siyaaqa la raaco hadii magacyo soo hor
marto asalku kan u dambeeyaa loo celiyaa saa hadii la yidhaahdo aadam ilaahay
suuradiisan uu yahay ayu uku abuuray weeye munaasabaad badana wuxuu ku yimaadaa
hadaad qofu gacan qaadayso ama la ciqaabayo wajiga halaga ilaaliyo yaan wax
lagag dhufanin
فاليتق
الوجه فإن الله خلق آدم على صورته
Aadam baa u dambeeya
taas marka waxay ka dhigan tahay aadam suradaas uu u yaalo baa ilaahay u
abuuray ee sida kuwa ka dambeeya ay maraaxil usoo mareen dabadeed soo koris ah
masoo marin sidaas bitamaamihii -dhamaantii- baa lagu abuuray .
Riwaaya waxa
jirta tan ka duwan oo ah oo xadiiskan kamid ah:
فإن
الله خلق آدم على صورت الرحمن
Waxa muran
badan ka dhacay ma sugan tahay riwaayadan mise ma sugna labaa kala duwan marka
sifada ka ilaahay suura kamid ah ma tahay mise maaha waa masalo,xadiiskan ma
ansaxay mise ma ansixina waa masalo dadku iyagoo sifada jiristeeda isku raacsan
baa daliil adilada sifada kamid ah inuu sugan yahay iyo in kale laysku qaban
ama haduu sugan yahay daliil sifo maw yahay mise wax kaluu tilmaamayaa baa
laysku qaban sida qawlka ilaahay ee ah:
فأينما
تولوا فثم وجه الله
Ilaahay
sifatu wajhi way sugan tahay oo meelo kaloo badanoo quraanka ah baa lagu
sheegay laakiin aayadan wajiga ilaahay sheegay ma sifatu wajhi baa mise waxa
looga macnaa qibla-jiho- ragii badnaa ee
adiladan aruuriyay ee u dooday sugida sifada wajiga baa yidhi aayadan sifatu
wajhi ma tilmaamayso
Culumada
diidayna ma aysan diidin sifada suurada laakiin waxay diideen sugnaanshaha
lafdiga (صورة الرحمن)
Ilaahay
aadam markuu sawirayay inta ciida lasoo qaadayay marka laga tago janada dhexdeeda
ayay ahayd ilaahay janaduu ku abuuray waa la sawiray intaan nafta lagu afuufin
meel baa la dhigay waa la daayay mudadana intay ahayd ilaahay baa garanaya
aasaarta ibnu cabaas laga wariyay ee israa’iiliyaadka u badan waxay leeyihiin
afartan maalmood buu yaalay kuwa kale afartan sano.
Malaa’igtu
way dul mar maraysay intaa isagoo xalkaa yaala waxaa soo maray ibliis isagoo
calooshii leh afku u daloolo gadaal meel wax ka baxaan lehoo wuu fiiriyay
gadaal buu arkay xaga caloosha godan buu arkay ku wareegay markaasu wuxuu yidhi
waa kahlqi aan is xajin karin wuxuu markaa doono ee rabo aan iska celin Karin .
Riwaayaadka
leh wuxu yidhi hadii laygu Salido meel aan kala dhici doonaa duruqdeedu ma
ansixin riwaayaadka kalee dhahaya malaa’igtuu ku yidhi waxba haka cabsanina ani
hadii laygu fasaxo anaa dhanka kale u rogi oo qabsani waa daciif riwaayaadkaasi
. Xadiiskaasi waa xadiiska anas ibnu maalik ee ku sugan saxiix muslim
Hadaynu
nidhaahno aadam janadaa lagu abuuray isagiyo xaawa janada miyaa laga bixiyay
hadana lagu soo celiyay xalkaa waxaan ugu tagi doonaa janada xaawiyo aadam
markii lagala hadlayay hadalkii ilaahay yidhi muxuu ahaa (أسكن) mise (أدخل)
أسكن
أنت وزوجك الجنة
Dag bay
ahayd u uku sugnaw ee gal ma ahayn qof aan garanayn Meesha inuu joogayo iyo
inuu ka baxayo in dag oo ku sugnaw oo sal dhigo la leeyahay bay noqonaysaa waana tafsiirka culuma badan
Isma diidayaan aayadaas iyo xadiiska janada dhexdeeda in lagu
abuuray qisaskan israa’iiliga ee badanee leh ciidiisa marka lasoo qaaday
ciidihii waxa laysugu keenay maka iyo carafe dhexdooda xalkaasaa ciida lagu
qooyay xalkaasay ku badalantay xalkaasay ku qallashay waa iska israa’iiliyaad
waxba kasoo qaad malaha wixii xadiiskaa saxiixa ah ka hor yimaada waa kuwa aan
la qaadanayn ee la tuurayo.
Aadam markii
la abuurayay abuurka inta kale ee khalqiga ah ee aadamaha waxbuu kaga duwan
yahay khalqiga kale ilaahay wuxuu ku abuuray (كن
فكان), أنما
أمره إذا أراد شيئا أن يقول له كن فيكون
Laakiin
aadam ilaahay wuxuu ku abuuray labadiisa gacmood Sharaf ahaan waxayna noqotay
darajo uu aadam anbiyada iyo khalqiga kale dheer yahay u uku amaanan yahay
laakiin ibliis wuu diiday aadam inuu u sujuudo
.png)
0 Comments