Su’aasha
1aad: Sh.Waxaan
cabaa dawo aan u cabo xanuunka sonkorta maxaan Sameeya hadii laygu adimo anoon
cabin maxaan sameeyaa waa dawo biyo lagu qaso?
Hadii
laguugu adimo dabcan ma cabi kartid li’ana soomkaaga waa jabayaa hadii marka
aad soomi kartid daawadaa la’aanteed soomkaaga waa inaad wadato hadaadan khatar
galaynin soomkana aad wadan karto daawadaa la’aanteed ssonka waad wadani oo
jabin maysid hadiise daawadaa ka tagideedu uu keenayo xanuunkoo kugu kordha ama
caafimaadkoo dib dhaca ama khatar inaad gashoba laga baqayo markaa waad isticmaali
maalinkaana sidaasaad ku afurnaani dibna waad ka qalaynay isha alaah waa hadii
ay lagama maarmaan noqoto isticmaalkeedu daawadaa la’aanteed aadan soomi karayn
markaa waad isticmaali waanad afurnaani dibna waad ka qalaynay isha alahaau tacaalaa
hadii la’aanteed aad soomi kartana soom kadib habeenki marka afurka la gaadho
isticmaal daawadaada والله
أعلم
Su’aasha
2aad: Sheekh wax
aiga tagay ramadaana badan aanan soomin mana xasuusanayo tiradooda tiradooda ee sheikh maxaa ii banana ?
Waxa waajib
ah inaad isku daydo inaad xasuusan karto maalmihii kaa tagay inta ay ahaayeen
maskaxda ka shaqaysii dadaal bixi inaad xusuusan karto isku day intii malahaagu
u bato ayaad markaa qalaynaysaa oo soo soomaysaa kadibna waxaad badsanaysaa
soonka sunada ah macnaa inkays haday meeshaa wax kaaga tagaan ama soonkaaga ka
khaldamaan sida nabiga ka sugan calayhi salaatu wasalaam cibaadaadka faralka ah
haday wax is dhimaan ama khalal galo aakharo
ilaahay fadligiisa waxa u uku kabayaa cibaadaadka sunaha ah marka intaad
xusuusan karo soom kadibna soomka sunaha ah badso والله
أعلم
Su’aasha
3aad : Sheekh waxa jira dad ku doodaya qofku hadi uu
rabo ma soomayo hadii uu cid uu raashin siiyo heli karo waxayna leeyihiin
soomku Khasab maaha ee waa qofkii doona iyagoo daliishanaya aayada suuratu
baqara ku jirta ee dadka soomku ku culus yahay u fasaxaya markaa arinkaasi
diintu maxay ka qabtaa ?
Diintu waxay
ka qabtaa dadka fikirkaas faafinaya hadaynay islaamnimada ku cusbayn inay
yihiin dad sanaadiqa ah oo diinta iyo dadkeedaba khatar ku ah waayahan dambena
aad ayay u badan tahay soomaali sanaadiqo ah oo diin laawayaal ah oo shubahaat
fara badan furaya oo diinta asalkeedi iyo axkaamteediba duuulaan ku ah iskuna
dayaya quraanka iyo axaadiista wax daliishanaya iska dhigaan hadaynu masalada
dib ugu noqono waa masalada la xidhiidha soomka iyo marxaladaha jidayntiisa
markii soomka la jidaynayya la waajibinayay marxaladuu maray wuxuu kamid yahay
axkaamta sida tadriijiga ah loo jideeyay buu ka mid yahay markii ugu horaysay
ee soomka la Waajibiyay ayaa waxa furnayd masalo la yidhaahdo التخيير
بين الصيام أو الدفع بالفدية khiyaar baa la isa siiyay ah soom ama midkiin
quudi maalinkiiba khiyaar baad leedahay taa waa mida aayada ay ka hadlayso
weeye aayada qaybteeda ilaahay leeyahay
وَعَلَى الَّذِينَ يُطِيقُونَهُ
فِدْيَةٌ طَعَامُ مِسْكِينٍ ۖ فَمَن تَطَوَّعَ خَيْرًا فَهُوَ خَيْرٌ لَّهُ ۚ
وَأَن تَصُومُوا خَيْرٌ لَّكُمْ ۖ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ
Marxaladaa marka khiyaarku jiray ee ama soon ama raashin bixi khiyaarku
ahaa marxaladaa lafteeda waxa fadli badnaa soomkaa fadli badnaa oo aayadaa
tilmaamaysa (وَأَن تَصُومُوا خَيْرٌ لَّكُمْ ۖ)
Marxaladaa
waxa ka dambeeyay soomka ramadan baa la waajibiyay laakiin waxa jirtay ruuxa
maalintii marka uu soomo oo uu afuro hadii uu seexdo ooo hurdo la tagto oo
uusan wax cunin wuu seeday afurkii baa lagaadhay hurdaa la tagtay cunto looma
ogalaan jirin waa in habeenkaa maalinka dambe aad ku xidho waaye xadiiska
saxiixa ah baa sidaa ku yimidoo nin saxaabada kamid ahoo qays ibnu sirma la
yidhaahdo oo anasaari ahaa ayaa markuu soomay oo afurkii yimid ayuu xaaskiisi u
yimid oo yidhi naa wax lagu afuro ma haysaa markaasay tiri waxba ma hayo
laakiin waxbaan soo raad raadin intii ay wax ku maqnayd bay hurda la tagtay nin
daalan buu ahaa manta dhan soo rafaadayoo soo shaqaynayay isagoo hurday u timid
markaasy tiri hoogiisee muu seexday miyaa khalaas Cuntaday u keentay uma baaana
marka habeenkii oo dhan buu ugu jiiday
maalintii dambuu hadana sooomay marka maalinta bartankeeda la jooguu suuxay
marka wuu dhacay markaasaas waxa soo dagtay rukhsada ah habeenkii oo dhan in la
cuni karo ama seexo ama ha seexanin habeenkii oo dhan in la cuni karo rukhsadii
ka dambaysay weeye marka marxalada ugu dambaysa hadaba ee u uku sugnaaday
soomka jidayntiisu waa marxalada ay tilmaamayso aayadu soomka cid kastoo Muslima
oo qaan gaadhay oo muqiima aan musaafir ahayn xanuun u diiidayaana uu jirin waa
inuu bisha soomo kii Kalena waa inuu qaleeyo khiyaarkii waa la joojiyay marka
marxaladaa marka waa marxalada ay ka hadlaysoo aayadaa aan hada akhriyaynay
aayada ka dambaysoo alle uu yidhi tabaaraka watacaalaa
فمن شهد منكم الشهر فليصمه
Midkiini bisha soo gaadha ha soomo khiyaarkii cunta bixinta waa la
joojiyay marka .
Xadiiska saxiixul bukhaari ayaa macnahaa tilmaamaya salamatu ibnul akwac
saxaabiga la yidhaahdo ayaa nabiga ka
warinya waxa uu leeyahay markay soo dagtay aayada (وَعَلَى الَّذِينَ يُطِيقُونَهُ
فِدْيَةٌ طَعَامُ مِسْكِينٍ) waa aaydii hore ee khiyaarka bixinaysay
كان من أراد منا أن يفطر ويفتدي حتى
نزلت الآية بعدها فنسختها.
الآية: شهر رمضان الذي أنزل فيه
القرآن... الآية
Kii doonaa wuu afurayay fidyana waa bixinaya ilaa ay soo dagtayaayada ka
dambaysa oo ay nasajhday dayib aaydii khiyaarkaa waa la badalay marka mar haday
arintu sidaas tahay culimada muslimiinta bi’ajmacihim biduuni khilaaf waxay
isku waafaqeen aayadaa dambe markay soo dagtay ruuxa muslimka ah soom uun baa
laga rabaa fidyo waxay kusoo hadhay oo ku camal fali kara aayada ah (وَعَلَى الَّذِينَ يُطِيقُونَهُ فِدْيَةٌ
طَعَامُ مِسْكِينٍ ) waxaa ku
camal fali kara dadkii soomka kari waayay sida cabdilaahi ibnu cabaaska sugnan
oo odayga soomku ku adagyahay islaanta da’da ah dadkaa soomka xamili kari
waayay ayaa khiyaarka fidyadu markaa u furan yahay amaa ruuxa muslimka ah soom
baa ilaahay ku laasimiyay markaa marxalo la nasakhay oo la badalay oo aayado ka
dambeeyay ay yimaadaanin umada loo keeno oo la yidhaahdo hadaa doontana soon hadaa
doontana iska afur oo raashin bixi ninkaa saa wax u daliishanayaa waa nin
fariidada soonka duulaan ku ah umada inuu jaahwareeriyana doonaya dadka
noocaasiyina inta badan waa dadka sanaadiqada hoo diin la’aanta ah waaye
falsafadaha beenta ahna u faafiyoo si ay dadka diintooda dhaawac ugu gaystaan
waxan ogahay koox soomaali ah oo qaar kamidi ay hada nayroobi joogaan oo
barnaamijkaa ka shaqeeya salaadii bay tashwiish ku fureenoo waxay yidhaahdeen (إِنَّ الصلاة تنهى عن الفحشاء والمنكر) Salaadiini
hadaynay munkarba idinka reebi wayday waxbaba ha tukaninee iskaba daaya salaadi
dadka waa ka dul qaadeen soomkiina dadka waa ka dul qaadeen oo waxay yidhaadeen
ama Cunto bixi ama hadaad rabto iska soom khiyaar baad leedahay salaadii waa
qaadeen soomkii waa qaadeen tawxiidkii iyo asalkii diinta shaki bay galiyeen waa
niman noocaasa marka ilaahay umada haka qabtee oo hasoo qabtee aafaysan wwaye
shubhadana waa filayaa inay iyaga ka socoto والله أعلم
.png)
0 Comments