Subscribe Us

Header Ads

Su’aalaha Bisha Ramadaan …………Sh.Maxamed Cabdi Umal

 


Su’aasha 1aad: Sh.Waxaan cabaa dawo aan u cabo xanuunka sonkorta maxaan Sameeya hadii laygu adimo anoon cabin maxaan sameeyaa waa dawo biyo lagu qaso?

 

Hadii laguugu adimo dabcan ma cabi kartid li’ana soomkaaga waa jabayaa hadii marka aad soomi kartid daawadaa la’aanteed soomkaaga waa inaad wadato hadaadan khatar galaynin soomkana aad wadan karto daawadaa la’aanteed ssonka waad wadani oo jabin maysid hadiise daawadaa ka tagideedu uu keenayo xanuunkoo kugu kordha ama caafimaadkoo dib dhaca ama khatar inaad gashoba laga baqayo markaa waad isticmaali maalinkaana sidaasaad ku afurnaani dibna waad ka qalaynay isha alaah waa hadii ay lagama maarmaan noqoto isticmaalkeedu daawadaa la’aanteed aadan soomi karayn markaa waad isticmaali waanad afurnaani dibna waad ka qalaynay isha alahaau tacaalaa hadii la’aanteed aad soomi kartana soom kadib habeenki marka afurka la gaadho isticmaal daawadaada  والله أعلم

 

Su’aasha 2aad: Sheekh wax aiga tagay ramadaana badan aanan soomin  mana xasuusanayo tiradooda  tiradooda ee sheikh maxaa ii banana ?

 

Waxa waajib ah inaad isku daydo inaad xasuusan karto maalmihii kaa tagay inta ay ahaayeen maskaxda ka shaqaysii dadaal bixi inaad xusuusan karto isku day intii malahaagu u bato ayaad markaa qalaynaysaa oo soo soomaysaa kadibna waxaad badsanaysaa soonka sunada ah macnaa inkays haday meeshaa wax kaaga tagaan ama soonkaaga ka khaldamaan sida nabiga ka sugan calayhi salaatu wasalaam cibaadaadka faralka ah haday wax is dhimaan ama khalal galo  aakharo ilaahay fadligiisa waxa u uku kabayaa cibaadaadka sunaha ah marka intaad xusuusan karo soom kadibna soomka sunaha ah badso والله أعلم

 

Su’aasha 3aad :  Sheekh waxa jira dad ku doodaya qofku hadi uu rabo ma soomayo hadii uu cid uu raashin siiyo heli karo waxayna leeyihiin soomku Khasab maaha ee waa qofkii doona iyagoo daliishanaya aayada suuratu baqara ku jirta ee dadka soomku ku culus yahay u fasaxaya markaa arinkaasi diintu maxay ka qabtaa ?

 

Diintu waxay ka qabtaa dadka fikirkaas faafinaya hadaynay islaamnimada ku cusbayn inay yihiin dad sanaadiqa ah oo diinta iyo dadkeedaba khatar ku ah waayahan dambena aad ayay u badan tahay soomaali sanaadiqo ah oo diin laawayaal ah oo shubahaat fara badan furaya oo diinta asalkeedi iyo axkaamteediba duuulaan ku ah iskuna dayaya quraanka iyo axaadiista wax daliishanaya iska dhigaan hadaynu masalada dib ugu noqono waa masalada la xidhiidha soomka iyo marxaladaha jidayntiisa markii soomka la jidaynayya la waajibinayay marxaladuu maray wuxuu kamid yahay axkaamta sida tadriijiga ah loo jideeyay buu ka mid yahay markii ugu horaysay ee soomka la Waajibiyay ayaa waxa furnayd masalo la yidhaahdo التخيير بين الصيام أو الدفع بالفدية  khiyaar baa la isa siiyay ah soom ama midkiin quudi maalinkiiba khiyaar baad leedahay taa waa mida aayada ay ka hadlayso weeye aayada qaybteeda ilaahay leeyahay 

وَعَلَى الَّذِينَ يُطِيقُونَهُ فِدْيَةٌ طَعَامُ مِسْكِينٍ ۖ فَمَن تَطَوَّعَ خَيْرًا فَهُوَ خَيْرٌ لَّهُ ۚ وَأَن تَصُومُوا خَيْرٌ لَّكُمْ ۖ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ

Marxaladaa marka khiyaarku jiray ee ama soon ama raashin bixi khiyaarku ahaa marxaladaa lafteeda waxa fadli badnaa soomkaa fadli badnaa oo aayadaa tilmaamaysa (وَأَن تَصُومُوا خَيْرٌ لَّكُمْ ۖ)

Marxaladaa waxa ka dambeeyay soomka ramadan baa la waajibiyay laakiin waxa jirtay ruuxa maalintii marka uu soomo oo uu afuro hadii uu seexdo ooo hurdo la tagto oo uusan wax cunin wuu seeday afurkii baa lagaadhay hurdaa la tagtay cunto looma ogalaan jirin waa in habeenkaa maalinka dambe aad ku xidho waaye xadiiska saxiixa ah baa sidaa ku yimidoo nin saxaabada kamid ahoo qays ibnu sirma la yidhaahdo oo anasaari ahaa ayaa markuu soomay oo afurkii yimid ayuu xaaskiisi u yimid oo yidhi naa wax lagu afuro ma haysaa markaasay tiri waxba ma hayo laakiin waxbaan soo raad raadin intii ay wax ku maqnayd bay hurda la tagtay nin daalan buu ahaa manta dhan soo rafaadayoo soo shaqaynayay isagoo hurday u timid markaasy tiri hoogiisee muu seexday miyaa khalaas Cuntaday u keentay uma baaana marka  habeenkii oo dhan buu ugu jiiday maalintii dambuu hadana sooomay marka maalinta bartankeeda la jooguu suuxay marka wuu dhacay markaasaas waxa soo dagtay rukhsada ah habeenkii oo dhan in la cuni karo ama seexo ama ha seexanin habeenkii oo dhan in la cuni karo rukhsadii ka dambaysay weeye marka marxalada ugu dambaysa hadaba ee u uku sugnaaday soomka jidayntiisu waa marxalada ay tilmaamayso aayadu soomka cid kastoo Muslima oo qaan gaadhay oo muqiima aan musaafir ahayn xanuun u diiidayaana uu jirin waa inuu bisha soomo kii Kalena waa inuu qaleeyo khiyaarkii waa la joojiyay marka marxaladaa marka waa marxalada ay ka hadlaysoo aayadaa aan hada akhriyaynay aayada ka dambaysoo alle uu yidhi tabaaraka watacaalaa

فمن شهد منكم الشهر فليصمه

Midkiini bisha soo gaadha ha soomo khiyaarkii cunta bixinta waa la joojiyay marka .

Xadiiska saxiixul bukhaari ayaa macnahaa tilmaamaya salamatu ibnul akwac saxaabiga la yidhaahdo  ayaa nabiga ka warinya waxa uu leeyahay markay soo dagtay aayada (وَعَلَى الَّذِينَ يُطِيقُونَهُ فِدْيَةٌ طَعَامُ مِسْكِينٍ) waa aaydii hore ee khiyaarka bixinaysay

كان من أراد منا أن يفطر ويفتدي حتى نزلت الآية بعدها فنسختها.

الآية: شهر رمضان الذي أنزل فيه القرآن... الآية

Kii doonaa wuu afurayay fidyana waa bixinaya ilaa ay soo dagtayaayada ka dambaysa oo ay nasajhday dayib aaydii khiyaarkaa waa la badalay marka mar haday arintu sidaas tahay culimada muslimiinta bi’ajmacihim biduuni khilaaf waxay isku waafaqeen aayadaa dambe markay soo dagtay ruuxa muslimka ah soom uun baa laga rabaa fidyo waxay kusoo hadhay oo ku camal fali kara aayada ah (وَعَلَى الَّذِينَ يُطِيقُونَهُ فِدْيَةٌ طَعَامُ مِسْكِينٍ  ) waxaa ku camal fali kara dadkii soomka kari waayay sida cabdilaahi ibnu cabaaska sugnan oo odayga soomku ku adagyahay islaanta da’da ah dadkaa soomka xamili kari waayay ayaa khiyaarka fidyadu markaa u furan yahay amaa ruuxa muslimka ah soom baa ilaahay ku laasimiyay markaa marxalo la nasakhay oo la badalay oo aayado ka dambeeyay ay yimaadaanin umada loo keeno oo la yidhaahdo hadaa doontana soon hadaa doontana iska afur oo raashin bixi ninkaa saa wax u daliishanayaa waa nin fariidada soonka duulaan ku ah umada inuu jaahwareeriyana doonaya dadka noocaasiyina inta badan waa dadka sanaadiqada hoo diin la’aanta ah waaye falsafadaha beenta ahna u faafiyoo si ay dadka diintooda dhaawac ugu gaystaan waxan ogahay koox soomaali ah oo qaar kamidi ay hada nayroobi joogaan oo barnaamijkaa ka shaqeeya salaadii bay tashwiish ku fureenoo waxay yidhaahdeen (إِنَّ الصلاة تنهى عن الفحشاء والمنكر) Salaadiini hadaynay munkarba idinka reebi wayday waxbaba ha tukaninee iskaba daaya salaadi dadka waa ka dul qaadeen soomkiina dadka waa ka dul qaadeen oo waxay yidhaadeen ama Cunto bixi ama hadaad rabto iska soom khiyaar baad leedahay salaadii waa qaadeen soomkii waa qaadeen tawxiidkii iyo asalkii diinta shaki bay galiyeen waa niman noocaasa marka ilaahay umada haka qabtee oo hasoo qabtee aafaysan wwaye shubhadana waa filayaa inay iyaga ka socoto والله أعلم

Post a Comment

0 Comments