Su’aasha
1aad : Maalmaha
Ramadaan iyo Habeenada Ramadaan kee fadli badan?
Habeenada
ramadaan ayaa ka fadli badan maalmaha ramadaan sababtoo ah habeenada ramadaan
waxaa ku jira habeenka “Laylatu Qadriga’, habeenkaasina waxa uu ka khayr badan
tahay kun bilood oo aanu “Laylatu Qadrigu ‘,ku jirin Allaah waxa uu yidhi :
{ليلة
القدر خير من ألف شهر,3}
“Habeenka
laylatu Qadrigu waxa uu ka khayr badan yahay kun bilood.”
Maadaama oo
la inaku dhiiri galiyay u dadaalidda habeenkaasi ,fadli kaas lamid ahna aan
maalmaha ramadaan loo sheegin ,Isla markaana fadli aad u wayn laga helayo Sidoo
kale waxa u uku jiraa 10-ka dambe ee bisha ramadaan taasi waxa ay ina
tusinaysaa in habeenada bisha ramadaan ay ka fadli badan yihiin maalmaha bisha
Su’aasha
7aad: Soonka bisha
ramadaan cidda waajib nimadeeda inkirta xukunkeedu muxuu noqonayaa ?
Soonka bisha
ramadaan cidda dafirtaa waa ay gaaloobaysaa waxana ay noqonaysaa mid Allaah ka
kufriday sababta oo ah waxa ay beenisay Qur’aanka iyo Sunnada nabiga (Scw)
Allaah waxa uu quraanka ku yidhi :
يا
أيها الذين آمنوا كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم لعلكم تتقون زالبقرة 86
“
Kuwii Iimaanka laga helayoow ,korkiina waxa lagu faral yeelay soon,Sidii loogu
faral yeelay ummadihii idinka horeeyay .
Nabigu (Scw)
waxa uu yidhi:
بُنِيَ الإسلامُ على خمسٍ شَهادةِ أن
لا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وأنَّ محمَّدًا رسولُ اللَّهِ وإقامِ الصَّلاةِ وإيتاءِ
الزَّكاةِ َوالحج وصَومِ رمضان : أخرجه الشيخان
“
Islaamka waxa lagu dhisay shan tiir ; - Waxa kamid ah – Soonka bisha Ramadaan.” Muslimiintuna waa ay ku kalsoon yihiin in
cidda inkirta waajib nimada soonka bisha ramadaan ay ku gaaloobayso Isla
markaana noqonayso gaal islaamka debada uga baxay .
Su’aasha
3aad: Maxaa uu
yeelayaa qofka salaado iyo soon badan ay ka tageen ?
Culumadu
aragtiyo kala duwan ayaa ay ugu kala tageen Ma’aladan hase ahaatee Aragtida ugu
qumman badanka culumaduna ay qabaan waxa ay tahay in qofku uu soo qalleeyo
dhamaan salaadihii iyo soonkii ka tagay waxa ayna u daliishadeen xadiiska
nabigu uu yidhi :
فدين
الله أحق أن يقضى " أخرجه الشيخان
.png)
0 Comments