Nabi aadam waxa la abuuray maalinka jimcaha waliba salad casar kadib saacadaha ugu dambeeya waliba waxayna ahayd gabagabadii iyo maalinkii ugu dambaysay todobaadkii uuunkan hada aan ku noolnahay ilaahay abuuray s.w.t sidaa darteed abuurkii uunka iyo siduu ku bilawday ayaan wax ka timaamaynaa ilaahay s.w.t waa AL-Awal Wal-Aalhir alla waa midkii horeeyay oo waqti uu soo bilawday aanu jirin khalqiguna waqti uu soo bilawday aanu jirin baa jirtay uunka bilawgiisi waxay culumadu isku qabteen wax ilaahay abuuray maxaa ugu horeeyay
Xalkas baynu
ka bilaawaynaa (أول ما خلق الله القلم فقال أكتب
فقال يا رب ما أكتب قال أكتب مقادير كل
شيئ حتى تقوم الساعة)
حديث عبادة بن صامت sida ay wariyeen abuu daa’uud trmadiyo axmadyo
qayrkood oo ansaxay.
Nabiga waxa
uu yidhi uunka waxa ugu horeeyay qalamkii lagu qoray uunka waxa dhici doona
Markii
ilaahay abuuray buu wuxu ku yidhi qor qalamkii baa rabi la hadlayoo wuxuu yidhi
maxaan qoraa waxaa la yidhi waxa uunka ka dhici doona ilaa qiyaamada laga
gaadho qor xadiiskaas wuxuu tilmaamay wax ilaahay abuuray qalinkaa ugu horeeyay
maxaa ku xigay circa iyo dhulka abuurkooda iyo maalinka qalinka la abuuray
konton kun oo sanaa u dhaxaysay oo xadiiska cabdilaahi ibnu camar ibnu caas
saxiix muslimka nabigu waa kii lahaa salalaahu calayhi wasalam
قد كتب
الله مقادير الخلائق قبل أن يخلق السماوات
والأرض بخمسين ألف سنة وكان عرشه على الماء
Intaan
samada iyo dhulka la abuurin konton kun oo sano ayay maqaadiirta qalinku qoray
sii qornayd Carshiga ilaahayna biyaha korkooduu ahaay waxba uma dhaxaynin.
Bimacnaa
biyuhu dhulkay ka hooseeyaan cirkiyo dhulkuna haday waxay u dhaxeeyaan
carshigii iyo biyihii waysku banaanaayeen isla macnahaana quraanku waa
tiimaamay cirshigiyo biyaha allihii samadiyo dhulka abuuray وكان
عرشه على الماء
Xalkaa waxa ka muuqata cirkiyo dhulka abuurkooda waxa ka horeeyay carshiga
abuurkiisaa ka horeeyay hadana mudada kontanka kun ee sano ahi samadiyo dhulka
abuurkooda iyo maqaadiirtay u dhaxaysay Carshiguna samadiyo cirkiyo dhulka
abuurkooda waa ka horeeyay Qaab abuurkoodana waa ka duwan yahay Xalka iyagu
wareeg ay yihiin isagu tiirar ayuu leeyahay Xalkaa waxa ka dhalatay su’aal ah
carshigu haduu cirkiy dhulka ka horeeyay Qalamkuna ka horeeyay maqaadiirta
qoray carshigu qoormuu ahaa yaa horeeyay carshigiyo qalamka yaa la hor abuuray
Hadii la yidhaahdo carshigaa horeeyay awalmu maa khalaqalaahu al Qalamtan waxay
noqon wixii aan carshiga ahayn baa laga wadaa
Masaladaa
culimadu is qabad baa jira waanay kala aragti duwanaadeen sababtana waxaa jira
xadiis kale oo bukhaari wariyay cimraan ibnu xusayn ilaahay haka raali noqdee
baa macnaha saamayn ku leh xadiiskaasu wuxuu leeyahay :
كان
الله ولا شيئ قبله وكتن عرشه عللى الماء
Alle wuu
jiray wax ka horeeyayna maleh Carshigiisuna biyaha waxba uma dhaxayn
xadiiskaasu waxa u tilmaamayaa carshigu inuu waxyaabahan dhan ka horeeyay saa
darteed labada ku badanee ee ay culumada muslimiintyu ay ku kala aragti duwan
yihiin waa qalamkaa horeeyay maadama uu xadiisku yidhi أول ما
خلق الله القلم Carshiguna makhluuqaatkuu kamid yahay dariiqaasu waa dariiqa ay marayaan kutubta
awaa’ilka la yidhaahdo culumada qortay Culumo waxa jirta qortay wax walba maxaa
ugu horeeyay -khalqiga yaa ugu horeeyay ……
kutubu awaa’il baa la yidhaahdaa kitaabka معاوية
الحراني , وأبو القاسم الطبرني , العسكري kutub bay leeyihiin al awaa’il la yidhaahdo ifka inta la joogay
wax walboo dhacay markii ugu horaysay qoormay ahayd yaa sameeyay Ragaasoo dhan
waxay leeyihiin mar haday awalu ay taalo qalamkaa horeeyay raga mu’rikhiinta
ahna ibnu jariir addabariyo abu al faraj ibnu al jawsiyo baa taariikhul muluuk
iyo al muntadam dariiqaa maraya Jumhuurka ahlul cilmiga sida abuu cali al
hamadaani soo guurinayo kadibna ay jamhuurta xigtay ay ku raacayaan ibnu Xajar
al casqalaaniyo fil fatxi iyo ibnu kasiir fil bidaayah waxay leeyihiin
carshigaa horeeyay awalu maa khalaqalaahu al qalamna wixii aan carshiga ahayn
weeye saa darteed waxa kasoo dambeeya buu ugu horeeyay saasoo kale xadiis kalaa
waxa uu ahaa ilaahay kitab buu qoray maqaadiirta ah فهو
عنده فوق العرش Alle carshigiisa meel ka saraysuu yaalaa oo
marar badan la keeno marka sifatu al istiwaa laga hadlayo si kastaba ha ahaatee
warku wuxuu kusoo aruuray in culumadu ay u badan yihiin in carshigu u horeeyay makhluuqaadkan
hada jooga qalamkuna ka dambeeyay kadib qalamka marki la abuuray ee maqaadiirta
uunka wixi dhici doona oo dhan lawxul maxfuudka lagu qoray iyo marka abuurka
circa iyo dhulka la sameeyay konton kun oo sanaa u dhaxayasay kontankaa kunee
sano waxaad garanaysaa waqtiga waa la xisaabi jiray xisaab buuna lahaa intaan
habeen iyo maalin iyo cir iyo dhul iman Inagu hadaba waqtiga aan xisaabsano iyo
waqtigaa iyo waqtigaa xisaabta kontanka kun ee sanaa waxaa jiri doona waqti la
xisaabo iyadoo dunida la rogay samadii ay bur burtay qorrax iyo dayyax
wareegayaana aysan jirinin في يوم
كان مقداره خمسين ألف سنة see baan kontanka kun ee sano aan u xisaabnaa
ilaahay quraankuu inoogu sheegay وإن
يوما عند ربك كألف سنة مما تعدون Ka adinku aa tirisaan halkii maalin kun sanuu
u dhigmaa Halkii maalin kun haduu kun u dhigmo bishii waxay u dhigmataa soddon
kun oo sannadood sanadkii waxaw u dhigmaa 360 kun oo sanadood maalintii kadib
konton ku dhufo qadarka inta u dhaxaysa waa waqti aad u dheer Ma jiraa
makhluuqaad kale oo inta ilaahay abuuray soo maray dhamaaday la halaagay wax
cad m a hayno laakiin waa dhici kartaa
waayo waxaan haynaa wax aadanaha abuurkiisi ka horeeyay oo aadane leh oo
jin leh marka abuurkiisa la gaadhona oo malaa’igtu su’aasha keeni doontana
waxbay culumadu sheegaan waqtiga intaa le’eg waa dhici kartaa umam kale ilaahay
inuu abuuray waa dhici kartaa laakiin ma hayno waxba waxaanse haynaa hada
xiligii maqaadiisteena la qoray iyo xilligii cirkayo dhulka iyo aadamyo la
abuurayay waqti aad u dheer boqalaal iyo malaayiin sano ah ayaa u dhaxeeyay
marka xisaabteena lagu xisaabo marka كيوم
عند ربك lagu xisaabana kontan kun oo sanaa u dhaxaysay
markaa intaasoo dhan waa lasoo maray hadii saa la yidhaahdo kontan kun oo sano
aan dhahnana maxaw noqonayaa macnaha xadiiskii nucmaan ibnu bashiir ilaahay
kitab buu qoray inta uusan abuurin aadamyo abuurin labakun oo sano ka hor
xadiiskaasaa marar badan kusoo maraya xadiisku waaansaxay laakiin kitaabkaa uu
ka hadlayo kan maqaadiirtayo lawxul maxfuudka maaha waa kitaabkaa quraanka ah
weeye saasoo kalaa riwaayado kale oo ansaxay ku dareen فأنزل
منه آيتن ختم بهما سورة البقرة laba aayadood baa kitaabkaa laga soo dajiyayoo
suuratu baqara lagusoo khatimay xadiis Kalena waa kii ahaa من كنز
تحت العرش baa layga siiyay fadaa’ilkooda marka laga
hadlayo xadiiska markaa Nucmaan ibnu bashiir kitaabka uu ka hadkaya ee labada
kun sheegaya kitaaabka maqaadiirta maaha
.
.png)
0 Comments