Subscribe Us

Header Ads

Qisadii Nabi Aadam cs Q.2aad



Waxa ku qoran lawxu maxfuudka isma badalo laakiin maqaadiir ka sokaysa oo is badashaa jirta qofka insaanka qadarkiisu waa saddex mid waa lawxul maxfuudka xilligaa hore la qoray ,Midna waa markuu caloosha hooyadii galo, Midna waa sanadlaha oo lagu sheegay (
فيها يفرق كل أمر حكيم) سورة الدخان.

Labadan kalewaxbaa iska badala waana macnaha xadiiska (لا يرد القضاء إلا الدعاء) waana nuxurka ducada markaad ilaahay baryayso hadaan waxbaba la badalayn ducadu macna ma yeelateen Waana macnaha u tilmaamayo  ( وَمَا يُعَمَّرُ مِن مُّعَمَّرٍ وَلَا يُنقَصُ مِنْ عُمُرِهِ إِلَّا فِي كِتَابٍ)  waana macnaha u tilmaamayo xidiiska  (مَنْ أَحَبَّ أَنْ يُبْسَطَ له فِي رِزْقِهِ، وأَنْ يُنْسَأَ لَهُ فِي أَثَرِهِ, فَلْيَصِلْ رَحِمَهُ)

Qofkii jecel cimriga in loo dheereeyo maalkiisuna bato ha xidhiidhiyo qaraabadiisa waa masalo gaar ahoo maqaadiirtaas soke waxbaa iska badali kara marka la qorayana qoraal qaab gaara bay leedahay hada kitaabkaas ilaahay kaliyaa og waxa ku qoran .

Ilaahay intaa kadib waxa uu inoo sheegay kawnkan markuu abuurayay lix bilood buu circa iyo dhulka iyo waxa ku jiraba ku abuuray meela badan baa quraanka lagu sheegay (في ستة أيام)

Lixdii maalmood suuratu fusilat baa lagu qaybiyay Afarna dhulkaa lagu abuuray labana samadaa lagu abuuray dhulkakan dhul ahaan isaga oo duuduuban baa laba maalmood lagu abuuray Waxa biyo geedo nacfi ku jirana laba maalmood bay qaadatay Isku dar afar maalmood bay noqdeen kadib samadaa la abuuray oo laba maalmood qaadatay Markuu samada ilaahay abuuray kadib ayuu dhulkiina fidiyay duuduubnaa  قل أإنكم لتكفرون بالذي خلق الأرض في يومين وتجعلون له أندادا ذلك رب العالمين  وجعل فيها رواسي من فوقها وبارك فيها وقدر فيها أقواتها في أربعة أيام سواء للسائلين

Dhulka ilaahay wuxuu ku abuuray laba maalmood wixii arsaaqee ku jirtay baa ilaahay abuuray isku afar maal mood bayna noqdeen kadib waxaa la yidhi :

ثم استوى إلى السماء وهي دخان---- فسواهن سبع سماوات في يومين

Samaduu u qasday iyadoo qiiqa summa kadib weeye afartaa maal mood kadib Laba maalmood bay qaadatay (في ستة أيام ) Sidaasi weeye Maal mahaas lixda ah aadam waxa la abuuray khalqiga aakhirkiisi oo jimce ah Hadaan nidhaahno aadam maalin jimcaa la abuuray khalqiga aakhirkiisi baa la abuuray oo ka baxsan lixda maalmood lixda maalmood qoormay bilaawataa? Waxay soo bilaawatay sabti saasi darteed baa saxiixu muslim xadiiska abuu hurayra Baa nabigu wuxuu leeyahay:

خلق الله -عزَّ وجلَّ- التربة يوم السبت، وخلق فيها الجبال يوم الأحد، وخلق الشجر يوم الاثنين، وخلق المكروه يوم الثلاثاء، وخلق النور يوم الأربعاء، وبث فيها الدواب يوم الخميس, وآدمَ يومَ الجمُعةِ في آخرِ ساعةٍ منَ النَّهارِ بعدَ العصرِ

 

Ciida ilaahay wuxuu abuuray waa dhulkiiye maalin sabtiya buurahana waxa loo sameeyay maalin axada geedaha iyo dhirtana maalin isniinaa la sameeyay waxyaabaha dadku dhibsanayaan oo dhana waxa la abuuray maalinkii talaadada -taasi ruwaayaadka qaarkood waxay eeyihiin mugdiga baa la abuuray iftiinkana maalin arbacaa la abuuray labaaa maalmood kuwii xaga cirkay u eegyihiin Malinta khamiistana naflaydaa lagu abuuray maalin jumcaha casarkii oo khalqiga u dambeeyay saacad kamida saacada ugu dambeeya maalinta jumcada casar liiqi ayaa la abuuray waa xadiiska abuu hurayra ee saxiixu muslim ku jira jumhuurta ahu cilmiga xadiiskaa waa u ansaxay culumada qayb kamida oo laba ninoo imaamyo ah kamid yihiin baa xadiiskaa saxiix nimadiisa ka biya diiday waana Abu cabdulaahi bukhaari iyo sheekhiisi Caliyi ibnu madiini laakiin sababtay uga biya diideen waa la yaqaanaa laakiin waxay ku direen ma cadda warkoodu Imaamu bukhaari isagu wuxuu yidhi marraka riwaayaadka qaarkood waxaa la sheegay :

عن أبي هريرة عن كعب بن الأحبار وهو الأصح

Cidda sidaa sheegtay oo u warisayna ma sheegin Meelana laguma hayo Mid Kalena warkaa waa diidaysaa oo ahlu kitaabka kacab ibnu axbaaryo sidaa xadiisku sheegay maba qabaanba OO waxay leeyihiin khalqiga ilaahay maalinta axaduu bilaabay in iyagaa laga wariyay la yidhaahdo iyagoo riwaayaadkoodi iyo kitaabtoodi muxarafka ahaa maalinta axada ku qoran tahay way is diidayaan .

Sheekhisi caliyi ibnu madiinina oo uga horeeyay warkuu yidhina waa cajabin waayay bukhaariyo ninkaasi nin buu iska lalmiyoo nin iska lalmiya waa la noqon waayay caliyi ibnu madiini Isagu wuxuu leeyahay nin ruwaada kamida oo ismaaciil ibnu umaya la yidhaahdoo wariyay baa nin kaloo Ibraahiim Ibnu xaslama la yidhahdo oo daciifa ka maqlayoo isaga wax qalday ninkaasuna ninkaa isagoo kawariyay lama arag waa nin Aimada waawayn kamidoo siqaada saa darteed bukhaari lama qaadan, Maxay xadiiska kaga shakiyeen marka ?

-Aayadaha quraanka Samada labadii maalmood ay sheegeen Meesha kuma cadda ,Mida kale lix maalmood bay sheegeene maalinka todobaad ee jumcada maxaa kusoo daray Intaa wixii ka dambeeyay munaasabaad badan baa looga hadlaa xadiiskan markii lasoo maraba In rag xoogaa ay qaniineen waa la sheegaa ilaaiyo  maantana rag qaniina waayi maysid laakiin jamhuurka ahlu xadiisku waxay u badan yihiin in xadiisku sugan yahay Imaamu axmedyo ibnu maciinyo Aimadii waa wariyeen waxna kama sheegin xadiiska .

Amaa ashkaalka quraankuu khilaafsan yahay quraanku wuxuu ka hadlay aadam kumaba jirinba lixda quraanku sheegayo waa cirkoo laba maalmooda iyo dhulkoo afar maalmooda aadam kamaba hadal quraanku saas darteed imaamu Nawawi xadiiskan maraca uu baab u samaynayay

Wuxuu yidhi:  (باب خلق السماوات والأرض وخلق آدم) xadiisku lixdiina waa sheegay wax dheeraadana oo aanu quraanku sheegina oo aadam in la bauuray casar kiina la abuuray waa ku daray saxiixaynkana aadam in maalin jumce la abuuray waa sugan tahay xadiiska abuu hurayra oo

خيرُ يومٍ طلعَتْ عليهِ الشمسُ يومُ الجمعَةِ فيهِ خُلِقَ آدَمُ ، وفِيهِ أُدْخِلَ الجنَّةَ ، وفيهِ أُخْرِجَ منهَا ، ولا تَقُومُ الساعةُ إلا في يومِ الجمعَةِ

Jumcada xadiisku waa sugan tahay saas darteed tii jumcada oo aadan la abuuray oo quraanku uusan sheegin buu ku darayoo jumcaday ahayd yiriyee lixdii ma taabanin lixdiina todoba kama dhigin amaa samada waxay yidhaahdeen labadan maalmood ee makruuha iyo nuurka baa tilmaamaya labadii maalmood ee samada baa  lagu jamcinayaa ee in ruwaadii way qaldameenyo iyo waxbaa qaldamay la yidhaahdo in saas la isugu soo cel celiyo baa ka roon Calaa kuli xaal maalinkaa jumcada oo galab la joogo ayaa aadam ilaahay abuuray subxaanahuu watacaala oo saacadaha dambe ah ayaa aadam la abuuray khalqiga kale abuurkiisana ilaa khamiis buu ku ekaa galab jumcaa casarkeed aadam abuurkiisa malaa’igtuna waa ka horaysay jinkuna waa ka horeeyay Amaa malaa’igta ilaahay aadam markuu abuurayay intuusan abuurin ayuu malaa’igta u sheegay wuxuu yidhi: (إني جاعل في الأرض خليفة) Arlada mid isaga dambeeya oo maamula baan abuurayaa aayad kale waxay tiri wuxuu yidhi ilaahay (إذ قال ربك للملائكة إني خالق بشرا من طين) (فإذا سويته ونفخت فيه من روحي فقعوا له ساجدين)

Aadamaan dhoobo ka abuurayaa markaan dhameeyo oo naf galiyo u sujuuda hadaba wali lama abuurin aadam marka 

Post a Comment

0 Comments